Dheecaannada (Hormones – ka) Jacaylka. W/Q: Axmed Cali Diiriye

0
414

Dheecaannada (Hormones – ka) Jacaylka. W/Q: Axmed Cali Diiriye

Ma ila aragteen in uu jacaylladii wakhtiyadii hore uu ka dhadhan fiicnaa jacaylka maanta? Maxaa sababay in ay labada qof ee is jeceli isku soo xiisaan? Ma ila aaminsantahay in uu jacaylku yahay macaan marna qadhaadh? Miyaad aragtay laba qof oo is jecel oo hadana iyada oo aanay waxba jirin kala cabanaya? Dhammaan jawaabaha weydiimahani waxa ay ku xidhanyihiin in aynu fahanno dheecaannada (hoormoonadda) jacaylka iyo sida ay jidhkeenna uga dhex shaqeeyan.

Waxa jira shan dheecaan (Hormone) oo jidhkeenna ka hawl gala oo kala ah Noribfrem, Oxsitoxin, Falentile-afinyl, Indorfine iyo Tabutin. Shantan dheecaan waxa ay masuul uga yihiin jidhkeenna heerka farxadeed, heerka degenaanshiyo iyo heerka xasillooni ee uu qofku dareemo.

Cilmi baadhisyo tiro badan ayaa waxa ay xaqiijiyeen in mar kasta oo uu jacaylku ku kordho qofka ay ku hoormoonadaasina ku bataan jidhka dhexdiisa. Tusaale ahaan, waxa aad arkaysaa nin ay gabadh is jeclaayeen oo uu khilaaf soo kala dhex galay. Dabadeed, kala maqnaanshahaa ay kala maqanyhiin wuxu ninka ku abuurayaa werwer, walbahaar iyo kacsanaan joogto ah. Haddii ay isku soo noqdaan, labadooduba waxa ay dareeman farxad iyo degenaanshiyo gudeed. Sidaa si la mid ah, lamaaane is jecel oo muddo kala maqan ayaa heerkooda xiise iyo hilawga ay isku hayaan wuxu gadhaa  halka u sarraysa. Jiif iyo joog midna ma karaan ilaa ay is arkaan. Marka ay indhaha iska qaadaanna wax walba sidoodii ayay ku soo noqdaan.

Hadaba, maxaa sababay in ay qofka jidhkiisa degenaanshiyo iyo farxadi ka dhex dhacdo marka uu u soo laabto ciddii u jeclaa? Dad badan waxa laga yaabaa in ay yidhaahdaan “Jacaylkiisii ayaa u soo noqday” iyaga oo halkaa kaga hadhaan hadalka, balse marka si cilmiyaysan loo eego, Shanta dheecaan ee aynu kor ku soo xusnay ayaa sabab u ah. Marka ay wiilka iyo gabadhu kala maqanyihiin, dheecaanadaa farxadda iyo xasiloonida ayaan jidhka laguu sii dhex daynin. Waata sababtay in uu qofku dareemo werer, welbahaar, kacsanaan iyo degenaanshiyo la’aan. Sida oo kale, filashada mustaqbaleed ee ku duugan maskaxda qofka ee ah “talow goorma ayaad la kulmi doontaa” ayaa iyaduna waxa ay sababtaa xiise, hilaw iyo boholyaw joogto ah. Dabadeed, baahida uu qofkani u qabo in uu kafeeyo (buuxiyo) gaajada maskaxeed iyo nafeed ee uu u hayo cidda ka maqan awgeed ayaa waxa ay sabab u noqdaan in uu xiisihiisu kordho, werwerkiisa, welbahaarkiisa iyo degenaanshiyo la’aantiisuna kor u kacaan. Maxaa dhaca marka uu qofka laga maqanyahay uu la kulmo (amaba uu u soo noqdo) ruuxii uu jeclaa? Heerkiisa farxadeed iyo degenaanshiyo ayaa kor u kacda, dabadeed qofku waxa uu dareemaa rayn rayn iyo badhaadhe inta ay la joogto. Sababtu na waa maxay? Waayo waxa jidhka lagu sii dhex daayay dheecaannadaa shanta ah ee aynu kor ku soo xusnay.

Hadda ayaynu jawaab u helnay sababta kaliftay in jacaylkii wakhtiyadii hore uu ka xiiso, boholyaw  iyo manaafacaad badnaa jacaylka maanta waayo wakhtiyadii hore ma jirin Facebook, Whatsapp iyo baro ay bulshado ka xidhiidho, taleefanno gacanta lagu qaato iwm. Kulankooda is arag oo yaraa awgeed ayaa waxa uu abuuri jiray filasho-mustaqbaleed oo maskaxda ku dhex sawirma “Talow goorma ayaad la kulmaysaa?!” Dabadeed na, qofku wuu ku weynaan jiray ruuxa kale ee uu jacaylku ka dhaxeeyo. Casrigan aynu joogno miyaa, xiisihii waa uu yaraaday waayo haddii aan xitaa la  kulmin waxa aad markii ba u diraysaa taleefan isla il-bidhiqsiga aad niyadda ku qabato.

Hadda ayaynu jawaab u helnay waxa sababay in ay abwaanno badan oo Soomaaliyeed ama Carbeed amaba ajaanib ahi ay curiyaan heeso, gabayo ama maansooyin badan oo jacayl ah si ay ugu cabiraan baahida haysa ee ka maqan.

Kolba heerka ay gaadhsiisan tahay Is xidhiidhinta iyo is xidhiidhin la’aanta lammaanaha is jecel, kolba heerka uu gaadhsiisan yahay kala fogaanshaha iyo isku soo dhawaanshaha lamaanaha is jecel ayuun bey ku xidhan tahay heerka macaan ama gadhaadh ee uu jacaylku gaadhsiisan yahay.

Maxaa sababay in ay gabadh qurux, nasab iyo wanaag Alle ku mannaystay ay jeclaato nin dhinac walba ka liita? Wey badan yihiin sababuhu, laakiin mid ka mid ah ayaa waxa uu yahay in laga yaabo in marka ay gabadhu ninka aragtay uu is beddelay hal dheecaan (Hormone) kaas oo sabab u noqday in uu raad-xasuuseed kaga tago.

Gabogabadii, haddii aynu fahanno habka shaqo ee shantan dheecaan (hormone), waxa aynu ka badbaadaynaa in aanu nooceena jacayl ku salaysaan werwer iyo welbahaar balse uu ku salaysnaado farxad, xasilooni iyo degenaan nafeed.

 

 

 

 

Ahmed Ali Diriye

Mob. Phone: +252 63 346 44 47

Facebook: Ahmed Ali Diriye

E-mail: axmadiya@gmail.com/info@hagahaguurka.com

Website: www.hagahaguurka.com