Farrin Ku Socota Wasaaradda Dib U Dejinta Ee Somaliland: By Mustafe Cabdiraxmaan‏

0
634

Farrin Ku Socota Wasaaradda Dib U Dejinta Ee Somaliland: By Mustafe Cabdiraxmaan‏

Xukuumada Somaliland go’aankeedii ahaa in dalka laga mustaafuriyo ama laga saaro cida aan u dhalan, gaar ahaana qoomiyada oromada waxay noqotay arrinta ugu hadal haynta badan ee bulshadu hadal hayso, isla markaana ay soo dhaweeyeen badi shacabka ku dhaqan magalooyinka Somaliland.

Waa arrin muhiim ah in la kala garto qofka wadanka u dhasha iyo kan aan u dhalan ee ajaanibka ah, waxaase is waydiin mudan side look ala saarayaa dadka ajaanibka ah, haddii dhaqanka iyo diinta qoomiyad leedahay laga dayriyo, sida oromada hada carabka lagu dhuftay waa qorshe xukuumadeed oo ma xuma.

Somaliland, gaar ahaana wasaaradda dib u dejinta ee ay shaqadeeda tahay waxaan odhan lahaa xooga hala saaro qaabka daganaanshaha loo siinaayo qofka dalka joogaya ama sharciga qaadanaya waxaan soo jeedin lahaa:

1.     In Qofka sharciga daganaanshaha doonaya lagu xidho inta sano ee uu wadanka joogay

2.     Shaqada uu qaabto maxaa qaranka ka soo galaya ee faa’ido ah

3.     Sanadkii guriga uu degan yahay ama gaadhiga uu wato cashuur intee leeg ayaa ka soo galaysa qaranka

4.     In la hubiyo caafimaadkiisa, si gaar ahan loola socdo.

5.     In loo diiwaangeliyo sanad kasta ama labadii sanaba inta carruur ah qoys ahaan

Xukuumada talo ahaan intaas ayaan u soo jeedin lahaa, geesta kale waxaan jeclaystay in aan ka hadlo dadka oromada ah ee qorshaha saarista lagu soo rogay waa kuwo nooceeyaa?

Su’aasha haddii aan si yar oo koobaan aan isku dul taago, dadka maanta raba in la diwaangeliyo waa kuwo ugu ladan dalka, dhaqaalaha iyo guryaha ay haystaan qiyaas ma leh, lama odhan karo waa ajaanib, lama odhan karo waa dad shisheeye, waxay noqdeen kuwo inagu milmay oo ku soo koray guri kasta oo inaga mid ah. Qaar la odhan karo waxay dalka yimaadeen dhawaan maaha, waa kuwo ilaa markii Somaliland la yagleelayey soo taagnaa oo afka kaa badiya.

Geesta kale qofka khalkhalka galinaaya caafimaadka bulshada ee aan meel iyo goob uu caafimaadka ka raadsado lahayni waa iyaga, waa labadaas nooc oo kii la saaraaba waa faa’ido u soo kordhay dalka, laakiin waxaan odhan lahaa waa in meel adag layska taagaa soo siyaasad qaran oo laga midaysan yahay laga yeeshaa.

Madaxweynaha Somaliland ee ku dhiiraday inuu go’aan ka gaadho ajaanibka cabashada badan laga muujiyey waxaan leeyahay mudane, madaxweyne hambalyo maalyuun jeer, waa go’aan taariikhi ah, kuwa kale ee loo qorsheeyey inay qaataan daganaanshaha iyada lafteedu waa arrin kale oo guul ah.

W/Q: Mustafe Cabdiraxmaan

Cmustafe99@gmail.com