Wararka Maante ee Wargeyska Warsugan iyo Cadadkii 40-aad

0
583

Xukumadda Somaliland Oo Ku Hawlan Kala Shaandhaynta Kumanaan Qof Oo  Ajaanib Degenaansho Doona Ah

Hargeysa (Warsugan) Xarunta wasaaradda dib u dejinta Somaliland ayaa la ciir ciiraysa kumanaan qof oo ajaabin ah, kuwaasi oo raadinaya warqada degenaanshaha ama sharciga ay waddanka ku joogi lahaayeen. Arrintan ayaa daba socota qorshaha xukumadda Somaliland dadka ajaanibka ah dalka kaga saarayso, iyadoo todobaadkii tagay inka badan kun qof waddanka laga saaray sida uu hore u sheegay taliyaha boolisku.

Xogo Wargeyska Warsugan ka helay hawl wadeennada xafiiska diwaangalinta ajaanibka dalka ku sugan ayaa sheegay in ku qiyaasan toban kun oo qof oo qaxoonti iyo magangalyo raadis ahi ku sugan yihiin Somaliland. Dadkaasi oo gacan ka hela Somaliland iyo hay’addaha qaxoontiga iyo socdaalka qaabilsan oo taakuleeya. Dadkaasi ayaa hadda loo cusboonaysiinayaa warqaddaha hore loogu diwaangaliyay.

Geesta kalena dad aan qiyaastooda la hayn oo wadanka sharci darro ku joogay ayaa qorshaha xukumadda kadib dalbanaya warqado sharci ah oo ay dalka ku joogaan, kuwaasi oo wasaaradda dib u dejintu diwaangalinayso wixii shuruudaha buuxiya. Xukumadda ayaa hore u sheegtay in cidii dalka degen ama ka shaqaysata la siin doono warqad degenaansho ah balse ay shuruudu tahay in la helo muwaadiniin Somaliland ah oo wakiil ka noqota. Dhammaadka bishan wixii ka dambeeya ayay xukumaddu qorshaysay in ciddii aan sharci haysan ay waddanka ka saari doonto.

Agaasimaha wasaaradda dib u dejinta ayaa saxaafadda uga warbixiyay dadka wadanka ku sugan ee ajaanibka ah, waxaanu sheegay inay talo bixin, wacyi galin iyo adeegyo kale u qabtaan “Waxyaabaha aanu eegno qofku marka uu noo yimaado waxaa ka mid ah In aanu ka jawaabno qofku ma qof qaxoonti ah baa, ma qof magan galyo doon ah baa, ma qof tahriibayaa, ma qof Somaliland ah oo barakac ah baa, yacnii cidda uu yahay qofku marka aanu hubinno ayaanu cidda ay khusayso u gudbinnaa,” ayuu yidhi agaasimuhu.

Dadka ajaanibka ah ee Somaliland ku sugan ayaa u kala dhashay waddamada Itoobiya, Somalia, Yemen iyo waddamo kale oo Suuriya ka mid tahay. Inta badan qaxoontiga dagaalka Yemen ka soo qaxay ayaa ah kuwo diwaangashan, halka bulshada ka soo talowday Itoobiya iyo Somalia ay yihiin kuwo aan sharci ku joogin Somaliland, lana eegi doono sida ay fursado sharci u helaan wakhtiga xukumaddu u qabatay.

Xukuumadda Oo Daboolka Ka Qaaday In Aanay Ogolayn Wixii Shareecada Ka Hor Imanaya, Faah Faahina Ka Bixisay Xeerka Bangiyada Ganacsiga

 

“Xeer la joojinayaa gebi ahaantiiba ma jiro waynu u baahan nahay waayo caalamka macaamil baynu la leenahay bangiyada”

Hargeysa (Warsugan) Wasiirka Xidhiidhka Golayaasha iyo Tinooloojiyada Somaliland Cali Xaamud Jibriil ayaa ka hadlay  xeerka muranka dhaliyey golaha  baarlamaanka iyo culimada somaliland kaasi oo hada  hor yaala Golaha Wakiilada Somaliland, wasiirka ayaa sheegay inaan marnaba la joojin doonin xeerkaasi balse la waafajin doono shareecada islaamka iyo dastuurka jamhuuriayda somaliand, wasiirka ayaa daboolka ka qaaday inaan somaliand ka maarmi Karin la macaamilka aduunka sababo jira awgood islamarkaana ay haboon tahay in la curiyo xeerar lagu salaynaayo diinta islaamka iyo dastuurka dalka u degan.

Wasiir Cali Xaamud jiriil oo ka hadlaaya mowqifka xukuumada Madaxweyne siilaanyo ka taagan xeerkaasi  ayaa yidhi “Horta xaqiiqatan xeerkani  waa loo baahan yahay waa wax lagama maarmaana laakiin xeerkani  sida laga dhigayo maaha shareecada islaamka wixii kasoo horjeeda xukuumadeenu ma rabto iyadoo dadka maanta hadal haya dawladu ribay wadaa le iyagoo ogayn dalkan markii la aasaasayey dastuurkiisa waxaa lagu saleeyey wax alle iyo wixii shareecada islaamka khilaafsan inaynaan isku maamulayn oo taasi dastuurkay ku taalaa, Xeerkani waa xeer aynu inagu leenahay oo aynu tolanayno oo aynu hagaajisanayno wixii islaamkeena iyo dastuurkeena kasoo horjeedana waynu ka saaraynaa wixii aynu maamulayno ee wanaagsan waynu ku darsanaynaa laakiin xeer la joojinayaa gebi ahaantiiba ma jiro waynu u baahan nahay waayo caalamka macaamil baynu la leenahay bangiyada ganacsigu waayo lacagahan waad ogahay caalamka waxa ka socda imika in nabad gelyadii sii xumaanayso bangiyadii ganacsiga waynu u baahanahay waxa u baahan ganacsatadeenaa u baahan dadkaynu la macaamilaa aduunyada kama xidhnaan karno”.

Dhanka kale mar la waydiiyey wasiirka waxa uga meel yaala daba galka  xeerkaasi  ka xumaad ahaan waxaa uu sheegay in xukuumada uu kamid ka yahay ay ku daba joogto xeerkaasi islamarkaana doonayso inuu xeerkaasi meel maro si waafaqsan shareecada islaamka iyo shuruucda dalka u taal wuxuuna yidhi “Xukuumada maanta joogta hadaanu nahayna ee Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo hogaaminayana waanu ku daba taaganahay baarlamanka wax alaale iyo wixii dastuurka iyo shareecada Islaamka waafaqsan, golihii sharci dejinta ahaa weeye iyagaa hawlan iyagu inay wixii tafatiran keenan oo ka hagaajiyaan siday imikaba uga shaqaynayaan waana ku daba taaganahay wixii aan khilaafsanayn shareecada islaamka iyo dastuurka Somaliland”.

Xeerkan Ganacsiga Bangiyada aduunka ayaa beryihii u danbeeyey buuq ka dhex abuuray Golaha wakiilada halka sidoo kalena ay culima awdiinka somaliand si wada jira uga hadleen kuna tilmaameen xeer xaaran ah oo lidi ku ah diinta islaamka iyo shuruucda u taala dalkan Somaliland maadaaba uu banaynaayo Ribada uu alle xaaraantinimiyeey, iyiagoo baarlamaanka iyo xukuumadaba ugu baaqay in xeerkaasi laga fiirsado, balse qaar kamida xildhibaanada golaha.wakiilada ayaa dhankooda xeerkaasi ku tilmaamay mid loo baahan yahay sidoo kalena daa dafeeyey dhawaaqa kasoo yeedhay culimada.

 

Wasiir Saleebaan Xaglotoosiye iyo Cali Khaliif Oo Wali Ku Hirdamaya Magaalada Buuhoodle

Cali Khaliif Oo Wali Ka Dhego Adaygaya Ergooyin Kula Talinaya Inuu Buuhoodle Iskaga Baxo

Buuhoodle(Warsugan) Wasiirka caafimaadka Somaliland Saleebaan Ciise Axmed Xaglotoosiye iyo hoggaamiyaha kooxda nabad diidka ah ee Khaatumo Cali Khaliif Galaydh ayaa muddo todobaad ah ku wada sugan magaalada Buuhoodle, halkaasi oo ay ku loolamayaan awoodda magaalada Buuhoodle iyo degaannada ku xeeran. Ciidamada Qaranka ayaa dul jooga magaalada Buuhoodle, iyagoo mararna hawlgallo ka fuliyay.

Ciidanka qaranka Somaliland ayaa todobaad ka hor Cali Khaliif iyo koox xildhibaanno baarlamaanka Somalia ka tirsan oo Muqdisho ka soo raacay waxay ka eryeen magaalada Ballicad, halkaasi oo kooxda Cali Khaliif doonaysay inay shir Somaliland ka dhan ah ku qabsadaan, iyadoo Cali Khaliif soo galay magaalada Buuhoodle, sidoo kalena wasiirka caafimaadka Somaliland 18-kii bishan uu gaadhay isla Buuhoodle.

Wararkii u dambeeyay ee xaaladda Buuhoodle wargeyska Warsugan ka helay ayaa sheegaya inaan wali laga midho dhalin dadaallo odayaasha iyo waxgaradka Buuhoodle ku doonayeen in Cali Khaliif Buuhoodle si nabad ah kaga baxo, kadib markii sida la sheegay uu ka dhego adaygay inuu magaalada ka baxo. Dhawr jeer oo hore ayuu Dr Xaglotoosiye kaga awood batay Cali Khaliif magaalada Buuhoodle, hase ahaatee hadda in ka badan todobaad ayay kuwada sugan yihiin magaaladaasi.

Diidmada Cali Khaliif ayaa abuurtay walaac ah in ciidamada Somaliland iyo Wasiir Xaglotoosiye talaabo ka qaadaan Cali Khaliif iyo siyaasiyiinta wehelisa ee mashruuca colaadeed ka soo qaatay Muqdisho, hase ahaatee wasiirka caafimaadka Somaliland ayaa shalay sheegay inay wali ka dhur sugayaan dadaalka waxgaradka Buuhoodle Cali Khaliif kaga dhaadhicinayaan inuu magaalada iskaga baxo, maadaama Somaliland ka taxadarayso colaad ka dhacday magaalada xuduudka Itoobiya ku dhaw ee Buuhoodle oo ammaan darrada Cali Khaliif deggaannadeeda saamayn ku yeelatay.

Wasiirka caafimaadka Somaliland Dr Xaglotoosiye, wuxuu sheegay in bulshada degaanku si fiican uga shaqaynayso ka hor taggidda xubnaha Somalia ka yimid, waxaanu yidhi isagoo ka hadlaya halka ay marayso waanwaanta Cali Khaliif lagaga saarayo Buuhoodle “Odayaasha, cuqaasha iyo waxgaradka Buuhoodle aad iyo aad bay u dadaalayaan meel wacan bay u maraysaa, sidii ninkaa fidmowadaha ah (Cali Khaliif) loogu tirtirsiin lahaa inuu ka baxo Gobolkaa iyo guud ahaanba Somaliland  dhakhso inay wax ka gaadhaan baan rajaynayaa.’

Wasiirka caafimaadka Somaliland waxa uu sheegay in Somaliland ku dadaalayso sidii aanay colaad dambe uga dhici lahayn degaanka Buuhoodle “Somaliland waxa ka go’an in deegaanka Buuhoodle aan wax colaad ah oo dambe ka dhicin, Somaliland waxa ka go’an in cid doonaysa inay Deegaanadan dagaal ka huriso aan laga ogolaan, anaga iyo odayaashana wadashaqayn baa naga dhaxaysa, deegaankanina muddo ayuu colaad iyo mugdi ku jiray, markaa Somaliland waxay Go’aansatay in dhibaatadaasi aanay dib u soo cusboonaan, lagana ilaaliyo oo laga hortago shaqsiyaadka danaha gaarka ah leh ee taa doonaya,” ayuu yidhi wasiir Xaglotoosiye

Geesta kale wasiir xaglotoosiye wuxuu farriin ammaanka ku saabsan u diray bulshada reer Buuhoodle “Dadweynaha Reer Buuhoodle waa bulsho colaado ka soo daalay, waxaan u soo jeedinayaa in aanay u ogolaan  in shaqsi dan gaar ah wata aanu colaad iyo dhib u soo jiidin, waxa aan kula talinayaa inay nabad iyo horumar ku fekeraan oo hadafkooda ka dhigtaan, kulligoodna ka wada shaqaeeyaan inay nabadooda ilaashadaan.’’

Dhanka kalena wasiirka caafimaadku waxa uu xusay dib u habayn lagu wado cisbitaalka guud ee Magaalada Buuhoodle oo muddo dheer  aan shaqaynin waxaana uu yidhi “Cisbitaalka waxa aanu ka wadnaa dib u habayn, waxa aanu diyaarinaynaa wasaarad ahaan in Cisbitaalka guud ee Buuhoodle dib loo furo oo dhakhaatiirtii iyo adeegyadii caafimaad loo dhammaystiro, waana ku gudo jirnaa hawshaa, insha allaah waxaan rajaynaynaa in wakhti yar oo gaaban Cisbitaalkaa lagu shaqo geliyo, dadkuna ay ka maarmaan adeegyada caafimaad ee y safarada dhaadheer u gelayaan, Dhakhaatiirtii iyo qalabkiina waa diyaar, markaa cisbitaalkaa waxa aan rajaynayaa in uu dhowaan furmo.

Wasiir Saleebaan Xaglotoosiye iyo Cali Khaliif ayaa muddooyinkii u dambeeyay ku loolamayay kasbashada bulshada reer Buuhoodle, halkaasi oo wasiir Xaglotoosiye doonayo inuu gaadhsiiyo horumarka iyo maamul daadajinta Somaliland, halka Cali Khaliif fidmo iyo u ololaynta maamul Xamar hoos taga uu halkaasi ka abaabulayo.

Sida la ogyahay cutubyo ka tirsan ciidanka Qaranka JSL ayaa ku sugan gudaha Magaalada Buuhoodle, halka ay cutubyo kalena  saldhigyo ka yagleesheen sadexda jiho ee Galbeedka, waqooyiga iyo bariga Buuhoodle, xilli jihada afraad oo ah ta koonfureed-na ay kaga beegan tahay xuduuda Itoobiya.

Ugu dambeyn waxaa muuqata in wasiir Saleebaan Ciise Axmed ku kaliyaystay hirdanka uu kula jiro kooxda Cali Khaliif ee ilaa Xamar iskaga habar wacday, halka siyaasiyiin xukumadda Siilaanyo iyo goleyaasha baarlamaanka xilal ka haya oo ka soo jeeda deggaannada Bariga Somaliland aanay ka ag wareegin ama saamayn ku lahayn deggaannada kooxda Khaatumo rabshadaha ka waddo. Saleebaan Xaglotoosiye oo ka mid ah siyaasiyiinta ka soo jeeda bariga ee muddada ugu yar ku jiray xukumadda Somaliland ayaa u muuqda mid saamayn xooggan ku leh Buuhoodle iyo deggaannada kale ee uu metelo.

Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Oo Ku Taliyay In Ganacsatadu Hoos U Dhigto Qiimaha Maciishadda Kana Hadlay Arrimaha Buuhoodle

Buuhoodle “ Cali Khaliif iyo ciddii uu wataba waynu iska celin,”

Hargeysa(Warsugan) Guddoomiyaha golaha guurtida Somaliland, mudane Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa xukumadda kula taliyay inay ka hawlgasho sidii ganacsatada waddanku u jabin lahayd qiimaha maciishadda oo markii doolarku jabay kor u kac bulshadu ka dareentay. Waxa uu ku taliyay in maciishada iyo Doolarku isla socdaan, islamarkaana hoos u dhaca laga dareemay doolarka laga dareemo maciishadda.

Guddoomiye Saleebaan oo saxaafadda la hadlayay shalay ayaa soo jeediyay in baayac mushtariga waddanka loo yeedho si loogala hadlo qiimo dhimis bulshada loo sameeyo “ In La jabiyo maciishadda uun bay noqonaysaaye, doolarka waxa lagu dhawaaqaa xal ma noqdo oo doolarka suuqa ayaa jabiya, markaa ta suuqa uun bay noqonaysaa oo imikaba xoggaa ayuu yara kacay. Markaa waxa weeye in baayac mushtarka loo yeedho, wixii dibad laga soo iibsado doolar baa lagu soo iibsadaaye mar haddii Doolarkii dhacay waa in maciishadduna hoos ula dhacdaa,” ayuu yidhi Guddoomiye Saleebaan.

Guddoomiyaha guurtida ayaa ku taliyay in meel laga wada istaago xal u helista sixir bararka, waxaanu ganacsatada iyo dawladdaba ku boorriyay in hawshaasi loo istaago “Dawlad oo dhan iyo baayac mushtarba waa in la isku tago oo xal la helaa, oo macaal sarrifle, macaa baayacmushtar ilaa dawlad waa in la iskugu tago,” ayuu yidhi guddoomiye Saleebaan.

Geesta kale guddoomiye Saleebaan wuxuu sheegay in Somaliland iska celin doonto hoggaamiyaha kooxda Khaatumo Cali Khaliif Galaydh iyo siyaasiyiin Xamar ka soo raacay oo ku sugan magaalada Buuhoodle “ Cali Khaliif iyo ciddii uu wataba waynu iska celin,” ayaa hadalka guddoomiye Saleebaan ka mid ahaa.

Ugu dambeyn wuxuu guddoomiyuhu ku baaqay in la barbar istaago gurmadka abaaraha Somaliland ka jira, waxaanu soo jeediyay in la taageero guddi xukumaddu u dirtay soo indho indhaynta baaxadda abaaraha Somaliland ka jira. Gobollada galbeedka iyo Hawdka Hargeysa ayaa laga soo sheegayaa abaaro baahsan oo saameeyay xoolaha iyo dadkaba.

 

Jaamacadda Beder Oo Ay Ka Qalin Jabiyeen 71 Arday Oo Bartay Hogaaminta Iyo Baananka Islaamka

 

Hargeysa (Warsugan) Jaamacadda Caalamiga Ah Ee Beder ayaa Maanta 71 arday oo ka qalin jabiyay Cilmiga Hogaaminta iyo Baananka islaamka ugu qabatay xaflad balaadhan Magaalada Hargaysa.

Munaasibadan loo sameeyay qalin jabinta ardaydan ayaa waxa ka soo qayb galay Guddoomiyaha Jaamacadda Beder, Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye, Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee xisbiga waddani, xoghayaha xisbiga UCID , wasiiro, salaadiin, siyaasiyiin iyo marti sharaf aad u badan .

Xafladan loogu dabaal dagayo ardayn qalin jabiyay ayaa Macalimiinta iyo maamulka Jaamacadda Beder ku shegeen in ay yihiin Xul u soo dhabar adayga maalmo adag, kana soo gudbay intaxaankii, waxaana ay cadeyeen in ay mutaysteen in Xaflad lagu sagootiyo.

Guddoomiye ku xigeenka Jaamacadda Beder Sheekh Aabi Cali Maxamed ayaa ka waramay maraaxilkii kala duwanaa ee ay soo mareen ardaydan qalin jabinaysa maanta waxaana uu yidhi.

“ Barnaamijkan waxa ka qalin Jabinaya Bangiyadda islamka iyo Hogaaminta iyo maamulka,ardaydan qalin jabinaysa waxa ay tiradoodu dhan tahay 71 arday,waana kuwa aynu maanta xafladooda aynu halkan u fadhino,ardayda waxaan leeyahay waxbarashadu ma dhamaato sii wada halkaas hakaga hadhina,una sii gudba maraaxilka kala duwan ee waxbarashada,aqoonta aad barateen ku hawl gala,Horena u sii socda.

Intaas waxa uu ku daray isaga oo hadalkiisa siiwata Guddoomiye ku Xigeenka Jaamacadda Caalamiga Ah Ee Beder in qofka waxbartay uu layimaado kalsooni naftiisa uu ku farayo in ay aqoonta hayaanka dheer loogu jiro wadadeeda qabsadaan.

“ Waxa laydinka rabaa yididiilo fog iyo han-qoto dheer oo aad dalkaaga iyo diinta la doonayo inaad wax ugu tarto,waxa laydinka doonayaa fir-fircooni aan kala go’lahayn,waxa laydinka doonayaa inaad leedihiin hiigsi idiin xadidan oo laydinka doonayo inaad gadhaan,waxa laydinka doonayaa deeqaha ilaahay idinku galaday inaydaan hagran ee aad muujisaan,waxa laydinka doonayaad inaad la dagaalantaan daalka iyo wahsiga.

Guddoomiyaha Jaamacadda Caalamiga Ee beder Mubaarig Ibraahin Aar ayaa ka warbixiyay Jaamacaddu adeegyada ay bixiso,waxaana uu ku dheeraaday in ay yihiin Adeegyadu qaar ardayda loo barayo si cilmi ku dheehan yahay,dhigayaana macalimiin takhakhus ku leh waxaana uu yidhi.

“Jaamacaddu waxa ay bixisaa saddex Program qodobka 1aad waa shareeca,qodobka 2aadna waa Business and Managements qodobka saddexaad waa waa dhaqaalaha islaamka iyo adeegyo kale,Maanta halkan waxa aynu u fadhinaa Ardaydii ka qalin jabisay Postgradute Diploma in Islamic Banking and finance, ardaydi waxa ay jaamacaddaha dalka ka soo qaateen Ander gangways bederna waxa ay u yimadeen in ay kasii kordhiyaan.

Intaas waxa uu ku daray Guddoomiyaha Jaamacadda Beder Mubaarig ibraahin Aar isaga oo hadalkiisa siiwata waxaana uu yidhi.”jaamacadda beder hortu marka ay bilaabayso adeeg waxa ay ka duushaa Tiirarka Horumarka waana saddextiir oo kala ah ka koobaad waa qofka bil aadanka ah 2aad waa lacagta 3aadna waa maamulka hadii aad saddexdaas isla hesho waad guulaysan doontaa lakiin hadii maamulku kaa maqan yahay oo aad lacagtii iyo bil aadankiiba hayso meel gaadhi maysid,Jaamacada beder waxa ay dhigtaa Shareecada si ay qofka diinta ugu dhisto,waxaana kale oo ay ka shaqaysaa in qofkii maamulkii laga dhiso,waxaana kale oo ay runtii dhigtaa sidii ay dadkani lacagta u samayn lahaayeen.

Mubaarig ibraahin aar ayaa ka warbixiyay sidoo kale qodobada ay jaamacadu ka duusho marka ay doonayso in bilawdo adeegyo dadka anfici kara,waxaana uu yidhi.”jamaacadu marka ay adeeg bilaabayso qorshaheedu waxa weeyaan waxa ay ka duushaa saddex meelood dadka u baahan in ay bartaa adeegan,waxaana ay ka duushaa in ay jiraan dad adeegan xiisaynaya oo u baahan in ay bartaan iyo baaxada jaamacadda,markaas adeegyada aanu bixino waxaanu u eegnaa waxtar maleeyahay,anagu jaamacadda umaanu furin lacag ku uruursada balse waxaanu u furnay inaanu aqoon yahay soo saarno.

Guddoomiyaha xisbiga Talada Dalka haya ee kulmiye Mujaahid Muuse Biixi Cabdi ayaa isna dhankiisa ku dheeraaday ardayda soo bartay Cilmiga Hogaaminta iyo Baananka islamka waxaana uu u rajeeyay in ay noqdaan qaar aqoontooda ku anfaca dalka iyo naftooda,waxaana uu u hambaleeyay wakhtiga iyo juhdigii dheeraa ee ay soo galeen in ay Gadheen hadafkoodii manta waxaana uu yidhi.

“waxaan hambalyaynayaa ardayda qalin jabinaysa waalidiintoodii ku soo tabcay,waayo ardaydan manta qalin jabinaysa waxaan leeyahay aqoonta aad hesheen maaha mid aad idinku hesheen ee waa mid qaranku helay,dalna hore uma maro hadaan dalkiisu aqoon lahayd taasna waa la hubaa,markasta oo aqoonta bil aadanka ku jirtaa ay sii korodho dalkuna guul ayuu gadhaa caalamkana waa uu dhafaa,ardayda waxaan leeyahay waxaad eegtan maalintii aad aqoonta bilawdeen iyo maanta oo aad heer taagan tihiin,waxa muuqata inaad tihiin dad halgan dheer soo galay.

Guddoomiyaha Jaamacadda Fang University Xuseen Cabdilaahi Bulxan ayaa dhankiisa ku sheegay inaanu cilmigu dhamaanin ee loo baahan yahay Ardayda Maanta Qalin jabisay in hayaankooda dhereeyaan una xadhka xidhan lahayeen in xaqiijiyaan in ay naftooda u sheegaan inaanay waxbarashadu dhamaani ee tubteedii iyo toobiyihii ay wali hayaan,waxaana uu ugu bushareeyay in ay barteen cilmi loo baahan yahay in ay jiilkooda danbe ku anfacaan.

Xog-hayaha Xisbiga Ucid Cabdi Naasir Qodox iyo Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee xisbiga Mucaaradka Ee Wadani Axmed Muumin Seed ayaa iyaguna Dhankooda guul ay gadheen oo qaranka Somaliland u soo hoyatay ku macneeyay inuu qarankani Somaliland aqoonta wax badan ku soo kordhisay jaamacadda beder,waxaana ay si wada jir ah u shegeen in loo baahan yahay in ay Ardaydu aqoontooda sii kordhistaan,waxaana ay u hambalyeyeen wakhtigii badnaa ee ay ku soo jireen aqoonta.

Wasiirka Diinta iyo Aw Qaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed Iyo Wasiirka Wasaarada xidhiidhka golayashaa Ayaa iyaguna dhankooda ku amaanay jaamacadda beder ardaydan ay ku dheehan tahay diinta iyo aqoontu ee ay soo sareen,waxaana ay ku guubaabiyeen in ay halkaas kasii wado ubax ay dalkooda hooyo wax u barayso iyaga oo waalidkii,macalinka iyo ardaygaba u hambalyeeyay wakhtigii adkaa ee ay u soo dhabar adaygeen.

Salaadiin,cuqaal,siyaasiyiin iyo waalidiin madasha hadalo kooban oo mahad naqa ah ka jeediyay ayaa jaamacadda beder ee culuumta shareecada islaamka ah waafaqsan dhigta ku hambalyeeyay cilmiga ay ku shubeen ardayda maanta xaflada qalin jabinta ah madashan loogu sameeyay.

Gaba-gabadii wasiirka Ku Xigeenka Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Somaliland ayaa soo gaba-gabeeyay xafladan loo qabtay 71 arday eek a qalin jabiyay hogaaminta iyo baananka islaamiga ah waxaana u rajeeyay cilmigaas faa’idada badan dalka ugu fadhiya ee ay soo barteen inuu ilahay ku anfaco dalkooda iyo diintoodana wax ugu qabtaan,waxaana uu guddoon siiyay shahaadooyinkii.

 

Axmed Muumin Seed Oo Kulan Lagaga Tashanayo Diiwaangelinta Gobolada Awdal iyo Salal La Qaatay Siyaasiyiinta iyo Aqoonyahanka Degaankaas

 

Hargeysa(Warsugan):-Guddoomiye xigeenka xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Md.Axmed Muumin Seed, ayaa maanta kulan qado sharaf oo lagaga lagaga tashanaayey siddii deegaanada galbeedka Somaliland ee Awdal iyo Salal ay si habsami ah uga qabsoomi lahayd diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha hotel SAFARI  ugu sameeyey siyaasiyiin, hal-door, aqoonyahan, dhallinyaro iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan xisbiga WADDANI, sida oo kalena ka soo jeeda deegannadaasi.

 

Siyaasiyiintan iyo aqoonyahankan oo ka soo kala jeeday deegaanada gobalka Awdal iyo Salal oo uu ugu horreeyo guddoomiye xigeenka xisbigaasi Md.Axmed Muumin Seed, wasiirkii hore ee wasaaradda xidhiidhka goleyaasha Somaliland Md.Aadan Axmed Warsame, wasiirkii hore ee Boosaha iyo Isgaadhsiinta Somaliland Siyaasi Cali Cilmi Geelle, guddoomiye xigeenka saddexaad ee xisbiga WADDANI Pro.Qaasim Saleebaan Tubeec, Siyaasi Xasan Codyare, xildhibbaan Cali Aareeye iyo weliba xoghaye xigeenka arrimaha siyaasadda ee xisbiga WADDANI Md.Maxamed Abiib.

 

Kulankan oo warbaahintu dibad-joog ka ahayd, ayaa ay mas’uuliyiintani diiradda ku saareen siddii iyada oo la isku duuban loogga wada qeyb-qaadan lahaa wacyi-gelinta diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha oo la filaayo in ay deegaanaddaas ka billaabanto badhtamaha bisha foodda innagu soo haysa, sida oo kalena shacabka ku nool deeganaddaasi loo dareensiin lahaa muhiimadda ay u leedahay diiwaan-gelinta codbixiyeyaashu, waxaana ay si buuxda isula waafaqqeen in ay lama huraan tahay siddii shacabka deegaanaddaas iyo guud ahaanba dalka looggu wacyi-gelin lahaa diiwaan-gelinta codbiyeyaasha.

 

Ugu dambeyntiina, kulankan ayaa noqonaya mid dhabbaha u xaadhaya siddii ay siyaasiyiinta iyo aqoonyahanka ka soo jeeda deegaanaddaasi ay iskaga kaashan lahaayeen wacyi-gelinta diiwaan-gelinta iyo sida oo kale ku boorrinta shacabka ku nool deegannadaasi ka qeyb-qaadashada siddii ay isagu diiwaan-gelin lahaayeen kaadhka isbedelka ee ay ku dooranayaan ciddii haggi lahayd mustaqbal ahaan ka dib marka uu xilkaas banneeyo madaxweynaha hadda talada dalka haya ee Somaliland Md.Axmed Siilaanyo oo wakhti sannadeedkiisii waxyar u hadhsan tahay.