Dhibaatada Ayey Leedahay Lacagta Yar-Yar ee Suuqyada Somaliland ku Sii Yaraanaysa

0
357

Dhibaatada Ayey Leedahay Lacagta Yar-Yar ee Suuqyada Somaliland ku Sii Yaraanaysa

Asc, waxa dhibto iyo caqabad ku ah dhaqaalaha Somaliland lacagahii yar-yar oo badanaa kasii dabar go”aya suuqyada kala duwan ee jamuuriyada Somaliland .

Hadii aynu soo qaadano dhibtaada ay leedahay oo ah mid aan lagu soo koobi karin qoraal iyo maqaaltoona ayaan haddana jecelaystay inaan xogaa ka iftimiyo waayo waa dhib laga yaabo in aan badanaa la dhaadin.

Waxaa bulshadeenu markhaati ka tahay in dhamaan lacagaha kala duwan ee yaryari meesha ka baxeen qaarkood. qaarna sii yaraanayaan Waxaan ka mid ah 50 SLSH, 100 SLSH, 500 SLSH. Iyadoo mar horeba ay suuqa ka baxday lacagtii ka sii yarayd lacagtan.

Dhibaatooyinka ay leedahay waxaa ka mid in sicir-bararkan aynu ka cabanayno ay ku leedahay qayb aad u weyn oo hadii shay ahaa 100 SLSH laga yaabo inuu maanta marayo 500 SLH Kii 500 SLSH ahaa noqodo 1000SLSH, arintani waxay meesha ka saaraysaa lacagtii yar-yarka ahayd ee aynu lahayn.

Waxa kale oo laysku waafaqay in lacagiba lacagta ay ka yar tahay ay ka tashilid fiican tahay ta ka weyn dhaqaale ahaan marka laga eego.

Waxa kale oo meesha ka baxay dhamaan shaydii kala duwaan ee aynu ku iibsan jirnay lacagta yaryar oo ay noqonayso hadba lacagta taa ka saraysaa meesha ka baxaday.

Guntii iyo gabgabadii Waxaan xukumada jamuuriyada Somaliland kula talin lahaa inay awooda saarto soo noolaynta,dardar galinta iyo soo daabicida lacagta yaryar oo mudooyinkan danbe lagu hilmaamay in bedelkeeda la soo daabaco lacago sababi kara inay meesha ka baxaan lacagteenii yar-yareed.

Taasoo suuqyadeena lasoo galiyo si sixir bararkuna u yaraado . sidoo kale Waxaan bulshadeenana u soo jeedin laha inay ku dadaalaan isticmaalka lacagaha yar yar ee qarankani uu leeyahay.

Allah Mahad Leh

Maxamed C/laahi Cige (Garaadka)

Madadaal222@gmail.com

Hargeysa, Somaliland