Madaxweyne Daacadaan Khudbadiisa ku diirsaday

0
429

Madaxweyne Daacadaan Khudbadiisa ku diirsaday

Waa markii u horeysay ee tirade aduunka ay dhacdo in dawlada deegaanka ee dalka ingriisku tiroba sadex inagu taageeraan waa hankie himiladii iyo hogaankii HE. Axmed Maxmaed Siilaanyo uu ugu hagar baxay ka midho dhalinta ujeedooyinka qaranka ugu waaweeyn, waa dedaal laga helay hawl wadeenada qaran dibab iyo gudoba, waa daacadnimo laysla kaashaday, waa dhiirani quro-joog, waa dedaal ay sameeyeen intii qaraka jeclayd ee horumarkiisa naftooda ka jeclayd, waa abaal naqii dadkii u geeriyooday dalka, waa samrsiinta naafada SNM, waa dhiiri galinta da;yarta bari, waa dhaxal lama ilaabaan ah oo indhaha, dhagaha iyo qalbigu ku diirsado.

Sheffield, Cardiff and Tower Hamlet, waxay diyaar u yihiin taageerideen, waxay gudbiyeencodsi ay kaga dalbayaan raisal wasaarahooda iyo baarlamaankooda inay somalilnad aqoonsadaan una ololeeyaan sidii loo aqoonsan lahaa bulshada taagta daran ee darxumadu daashatay ee xaqa u leh in ay helaan aqoonsi caalami ah.

Waa talaabo geesinimo leh oo ay keeneen dadkeena ku dhaqan qurbaha gaar ahaan reer UK siiba dadka degan deegaanada sadexdan magaalo kuwaas oo hadh iyo habeen heegan ugu jiray sidii loo tixgalin lahaa codsigooda waana run in ay ku guulaysteen dedaalkooda taasoo ay garab ka helayeen markasta iyo talaabo kasta oo ay qaadayaan maamulka dawlada uu hogaamiyo Siilaanyo.

Waxa hubaal ah arinka uu madaxweynuhu ku dhawaaqay inuu dhawaan magacaabi doono guddi kaar ah uu ka shaqayn doonta arimaha raadinta ictiraafku inay tahay talaabo si daran loogu baarnaa taasoo la filayo inay horseedi doonto hanashada aqoonsiga iyo ka gun gaadhida hanka bulshada.

Waxa sidoo kale ah magic iyo maamuus uu madaxweynuhu hantiyayy heerka ay marayso aqoonsi raadinta Somaliland maanta kssoo ah mid jooga meel lagasii amba qaadi karo oohorseedi kar aqoonsi caalami ah oo bulsho ku qabowdo.
Waa hubaal in wax la taaban karo aad ka gaadhay madaxweyne waana kuu ognahay dhamaan waxqabadka aad samaysay halkaa kasii wad ooh ore u soco hankaagana ka midho dhali.

Qalinkii. Hoodo ayaan
Hoodo.ayaan90@gmail.com