DHIIRI GALIN LA,AANTA DHALINYARADA ISBOORTIGA

0
752

DHIIRI GALIN LA,AANTA DHALINYARADA ISBOORTIGA:-

Marka hore waxan salamaya akhristayasha iyo bahda saxaafada. Salan kabacdi waxan donaya in aan idinla wadaago

Dastuurka jamuriyada somaliland wuxu qodobkiisa 24 naad ku sinaya awood dhalinyarada isboortiga dhirigalinta isboortiga waxanu odhanaya:-

DHALINYARADA IYO ISBOORTIGA:-

* Si dhalinyarada loogu xaqiijiyo koritaanka jidhka iyo maskaxda oo cafimad qaba, korna loogu qaado barbaarintooda iyo dareenkooda, dawladu waxa ay ahmiyad gaara sinaysa ciyaraha jidhka iyo isboortiga.

Kuwaas oo loo aqoonsan doono mudooyinka asaasiga ah oo ka mid ah manhajka waxbarashada dugsiyada dawlada iyo kuwa kale.

Hadaba isagoo dastuurku sida dhigaayo wa maxay sababta sanad kasta dhiri galinta dhalinyarada somaliland isboortigooda dib loogu dhigo ee aan ahmiyad gara loo sinayn??

Wax yaabaha abura barakaca dhalinyarada somaliland ee ay u tahribaan ayey kaw katahay iyago aan haysan dhalinyaradu wixi uu dasturku u damanad qaday ee ah sida dhirigalinta isboortiga iyo shaqo abuurista.

Waxa ayaan dara iyado sanadkasta uu dib u dhac iyo xil kasnimo uu tartanka kubada cagta dhalinyarada somaliland dib uga dhaco xiliga lo qondeyey iyo sida anayba xil weyn iskaga saarin masuuliyiinta ku shaqada leh ciyaraha iyo dhiri galinta iyo u diyaar garaw la,aanta haysata ciyaartooyada u kacaya wadanka iyo goboladooda.

Waxa kale oo jira iyago Qalab ciyarood iyo tartamo lagu horumarinaayo dhalinyarada Gobooladu anay haysan oo anayba hawl iska saarin wasarada dhalinyarada iyo ciyaaruhu.xita hadi anay awoodin dawladu inay la kashato ganacsatada si ay u malgaliyaan uguna dhirigaliyaan wadankooda inay u ciyaran kanana mashquliyaan balwada sida jaadka iyo sigaarka.

Ugu danbaynti waxan uso jeedinlaha masuliyiinta bahda isboortiga wa inay mabda’a adag ka yeshaan iyo qorshe fog oo lagu horumarinayo dhalinyaradan somaliland si looga jeediyo wax yaabaha mukhadaradka ah iyo aafadan tahriibke ku habsatay dhalinyarada somaliland.

Maxamed Salebaan Cumar (M.Axbaabi)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here