Waxaad Qaran Ku Weydeen, Qabiil-Qabiil Kuma Helaysaan

0
429

Waxaad Qaran Ku Weydeen, Qabiil-Qabiil Kuma Helaysaan

Xeel-dheeraayaasha aqoonta fiican u leh culuunta siyaasada ayaa waxay ku sifeeyaan inay tahay hanaanka ugu qurxoon ee fikir ahaan iyo ficil ahaan ba lagu hanan karo quluubta dadka, loogana jawaabi karo xal u helka waayaha iyo duruufaha noloshooda ku gadaaman, waa nidaam dhisa akhlaaqiyaadka, fekerka, garaadka, dhaqaalaha, aminiga, wada-noolaanshaha iyo midnimada mujtamaca ee ku aadan horumarinta noloshooda, laakiin, taa cakiskeeda, inagu siyaasada waxaynu u naqaanaa Khiyaamo, qaylo, cay/aflagaado, gacan-ka hadalka, kuwaasoo aan midkoona raad ku lahayn hidaha iyo caadda togan ee siyaasadda.

Bal u fiirso, waxaad arkaysaa nin siyaasi sheeganaya oo aan haba yaraatee awoodin inuu si quman u kasbado laabaha dadkiisa, wuxuu k hadlayaa reer Hebel iyo reer hebel, iyo Haddii aanu reer Hebel nahay, wuxuu weerarayaa reer hebel, isagoo reer hebel kalena difaacaya, halkii uu ka hadli lahaa barnaamij, iyo aragtiyo waxqabad ku qotoma oo soo jiita dadka maskaxdiisa, wuxuu awoodi lahaa haddii uu caqliga si wacan u isticmaalo inuu dhamaanba reeraha uu kala qaadqaadayo mid qudha ka dhigto oo kasbado, una jiheeyo dhanka uu rabo isagu, laakiin, waxaa maqan awoodii isticmaalida caqliga togan, waxaana firfircoon isticmaalida awoodii caqliga taban, waxaa ka maqan garashada ah in dadka hal wadan ku wada nooli uu marka horeba hal reer uun yahay, hal Aqoonsi (identity) oo dalkaas ahna ay wada wadaagaan, tusaale ahaan, dadka ku nool Soomaaliya, dunidu waxay u taqaanaa reer Soomaaliya, kuwa maraykan ku noolna waa reer maraykan, markaas caqliga wanaagsani uma baahna inuu kala qoqobo oo fidqooyin u kala dhigo, ee wuxuu u baahan yahay in caqligooda, xoogooda, iyo maalkoodaba mideeyo oo uu iyaga ku horumariyo.

taas waxaa la mid ah, ruux sheeganaya aqoon yahan oo ay qabyaaladi dilootay, marka aan aqoonyahan leeyahay waxaan u jeedaa dadka sita Shahaadooyinka sarsare ee maadiga iyo diiniga-ba ah, ee qaatay Taytalada Sheekh, Professor, Dr, Engineer, iwm, oo hadana mid waliba reer dabada geliyay, in badan oo kuwan ka mid ah ayaad arkaysaa iyagoo si toos ah iyo si dadban-ba u muujinaya fikirkooda ku aadan reernimada iyo aaminsanaanta qabyaalada, waxaana isweydiintu tahay, marka umad ay indhaheedii iyo haldoorkii ay ku dhaadanaysay uu sidan yahay, muxuu nqonayaa mustaqbalka ay ka dhursugaysaa, side buu u eekaan doonaa aayaheeda danbe?

Warbaahinta maanta, ayaa iyana qayb weyn ka noqotay bandigida foolxumadda soomaalida maanta, marka ay baahinayaan haldoorkii aqooneed iyo kuwii siyaasadeed ee umadan oo af reereysan ku hadaaqaya, halkii ay nqoqon lahaayeen tusaale fiican oo ay da’ yarta soo koraysa iyo caamadu kaga daydaan kalagacalka midnimada umadda iyo hilowga dhisida qaranimada, waxaana layaab leh, in kuwan aqoonta loo nisbaynayaa aanay weli fahmin in isticmaalka qabyaaladu tahay tii burburisay qaran-weynihii Soomaaliya, oo mar ahaa qaran iyo dawlad awoodooda si weyn looga majeerto Afrika oo idil iyo Guud ahaanba caalamka, tan kale ee layaabka lihi waxay tahay, bulsho sheeganaysa inay dawlad iyo qaran madax-banaan yihiin oo hadana habeen walba warbaahinta la taagan haddaanu reer Hebel iyo Reer hebel nahay, waa xishood la’aan, waa garasho xumo, waa ceeb loo hanweyn yahay in lagu dhex jiro, taasoo maxsuulkeeduna noqon doono cidhib xumo aakhiro iyo aduunyo-ba kula socota, iyo inaad weligaa khayrkaa hoos joogto oo aad gacanta hoorsato, taladayduna waxay tahay, waar qaran iyo Qabiil meel ma wada galaane, Qaranimo ogaada, oo iska daaya qabyaaladda, oo qaata oo ku dhaqma xadiiskii uu nebigeenii Suubaanaa (NNKHA) uu inagula dardaarmay ee ahay WAAR QABYAALADU WAY URAYSAAYE, KA DURKA OO KA DHEERAADA KU DHAQANKEEDA.

Wa bilaahi Towfiiq

Qalinkii Husseinlucky Mohamed Mohamood,

Burco,

Email, husseinlucky@hotmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here