Doqon Iyo Habeenbaa Madow Ayaa La Yidhi! W/Q:Rashiid Sulub Caalin Email:sulub2007@yahoo.com

0
906

Doqon Iyo Habeenbaa Madow Ayaa La Yidhi! W/Q:Rashiid Sulub Caalin Email:sulub2007@yahoo.com

Sida uu Ilaahay (SW) Qur’aanka inoogu sheegay wuxuu yidhi ‘Waxaanu bini-aadamka u abuurnay suuraddii ugu wanaagsanayd’. Sidaa daraadeed dadka muslimiinta ah ee aaminsan aayadaha Ilaahay waa inay rumeeyaan, oo ay ku qancaan abuurtooda iyo midabka uu Eebbe u sameeyey, taasi oo qaabka Ilaahay u uumay shaqsi kasta ay ka dambayso xikmad Rabbaaniya, oo ay tahay in sideeda loo qaato.

Runtii qalinka umaan qaadan inaan wax deelqaaf amma ceeb ah ka sheego haweenka Soomaalida, oo waxay dhammaanteen inaga mudan yihiin sharaf iyo xurmo gaar ah, oo loo baahan yahay in la ilaaliyo. Runtii maanta kama hadlayo dhammaan gabdhaha Soomaaliyeed inay wada qaldan yihiin, oo waxa jira qaar badan oo sidii Ilaahay (SW) ugu talo-galay u dhaqma una hoggaansan amarka Eebbe

iyo dhaqanka suuban ee Soomaalidu ay caaddada u leedahay iskuna qurxiya waxyaalaha aan dhibayn jidhkooda maadaama aan la diidanayn inay haweenku is qurxiyaan. Laakiin qormadani waxay ku foorartaa inta ku hawlan midab-doorinta jidhkooda ee ka jiho-habowsan tubta suuban iyo sida caafimaadkoodu ku jiro.

Haddaan dib u jalleeco waqtiyadii hore iyo dumarku waxay marsan jireen, aniga iyo dadka ila da’da ahi waxaan soo gaadhnay dumarka oo marsada wajiga labeenta caanaha lo’da. Sidoo kale waxay ku dhaashan jireen oo madaxa u qaboojin jiray burcadka laga saaro, waxa kale oo ay timaha ku maydhi jireen caleenta geedka gobka oo timaha aad u nadiifiya una qurxiya, isla markaana dumarka la qabaa waxay marsan jireen xinne ciddiyaha hore ee gacmaha iyo lugaha. Waxa kale oo jiray inay dumarku isku udgoonayn jireen uunsi, oo intay girgire xamari yar ku ridaan inyar oo uunsi ah ay kor istaagi jireen iyagoo diricii xidhan si uu uumiga uunsigu u gaadho gudaha jidhkooda, gaar ahaan inta hoose. Sidaynu wada ognahay baryahan dambe ilaa 30-kii sanno ee u dambeeyey hableheena iyo dumarkeena da’da dhexe 70%, waxaad mooddaa in lagu falay inay midabkooda dooriyaan, oo ay jidhkooda caseeyaan, oo ay mariyaan Kiimikalis ama dowo loogu talo-galay in xanuun kale lagu daweeyo, oo ay si khaldan u isticmaalayaan.

Haddii aynu wax yar iska waydiino, sababaha kalifaya inay dumarku beddelaan quruxdii uu Ilaahay u dhamaystiray bal aynu dhowr qodob ka soo qaadano.

1. Fikrado qalad ah oo ay aaminsan yihiin, inay raggu jecel yihiin dumarka cad-cad.

2. Raggii oo iska yaraaday tiro ahaan, tayo ahaana liita xagga dhaqaalaha, qaar tahriibay, kuwo jeelasha ku xidhan, kuwo dhul-yaal ah iyo kuwo hawlgab ah. Sidaa awgeedna siday dumarku is leeyihiin ay ku kalliftay inay tartan u galaan ragga soo hadhay.

3. Guurkii oo yaraaday.

4. Raggii oo aan garawsanayn inay guursadaan gabadh wax ka badan oo middaas kaliyi ay nimcaysato kuwa kalena qatanaadaan. Taas oo ah xaq darro iyo naf kaliyi jeclaysi.

5. Dumarka oo yasa ragga aan waxba haysan ee hela ama waaya.

6. Dumarkii oo shuruudo badan ku xidhaya guurkii, oo raggiina ka dayriyeen.

7. Kiradii guryaha oo sii fogaynaysa in la guursado, oo heer aan la goyn karayn maraysa.

8. Hablo amma dumar iska baahan oo balwado leh, oo bidaya is caddayn inay ku soo jiitaan ragga.

9. aqoon darro ka haysa dumarka kiimikalka ay marsanayaan halka ay ka timi iyo waxa ay ka samaysan tahay iyo dhibaatada caafimaad ee ka iman karta.

10. Iyagoo aan waxba ku qaadanayn dumarku kuwa muddo is marinayey oo jidhkoodu qayirmay ee qorroxdana aan u adkaysan karayn.

11. War la’aan dumarka ka haysata in waddanka oo dhan aan laga helayn 5 dhakhtar oo ku takhasusay maqaarka, oo aanay helayn cid dowaysa.

12. Waalidka iyo bulsho weynta oo aad uga gaabiyey inay doorkoodii ka qaataan joojinta arrintan. Sidoo kale, Wasaaradda Caafimaadka oo faraha ka laabatay wacyigalinta arrintan.

13. Wasaaradda Caafimaadka dalka oo caafimaadka guud ee dumarka badbaadintii ay ku lahaayeen aanay waxba ka caddayn, isla markaana aan garawsan inay arrinani soo kordhinayso dhibaato bulsho iyo mid caafimaadba, maadaama ay saamayn ku yeelan karayaan ubadka dhalanaya xataa, maxaayeelay waxay qash-qashayaan inay dumarku yihiin beer ubad soo saaraysa oo loo baahan yahay inay iska dhowraan wixii dhibaya.

14. Haya’daha Caalamiga, ururada bulshada iyo dadka ku hawlan caafimaadka oo aan u soo jeedin dhibaatada ka dhalanaysa midab-doorinta jidhka dumarka iyo dowooyin aan la garanayn cawaaqibkooda.

15. Waxay ku dagmaan dumarku hadalka ganacsatada kiimikalka keenta, ee ay yidhaahdaan dowadani waxay ka samaysan tahay walxo dabiici ah.

16. Afeefta xun ee odhanaysa ‘doqon iyo habeenbaa madow dhillo iyo maalinbaa cad’ oo ku sallaysan khuraafaad mana jiraan meel layskaga xidhi karo madowga qofka dumara iyo doqonimada oo cudurdaar loo samaysanayo. Sidoo kale dhillo iyo maalintuna maaha wax laysku xidhi karo oo macno samaynaysa ee waa iska jiho-habaabin kale, oo dadka iibinaya kiimikalku ay ku suuq geeyaan waxooda.

17. Waxa kale oo xaqiiq ah dumarka aan jidhkooda doorin waxna aan marsan sida libista dibnaha la mariyo iyo waxyaalaha kale ee laysku caddeeyo ay yihiin kuwo isku kalsoon, oo runtii ka jaanis fiican xagga guurka kuwa kale iyo guud ahaan horumarka nolosha, taasna ma aaminsana.

18. Dumarka oo aan iska waanin kiimikalkan khatarta ah, oo ay qaarkood ku faanaan.

19. Dumarka oo aan dheg-jalaq u siinin talada dhakhaatiirta iyo caqliga wanaagsan ee odhaynaysa ‘ha isticmaalina dowooyinka kiimikalku ku jiro xilliga uurka, maadaama ay dhib ka soo gaadhi karto ilmaha caloosha ku jira.

20. Iyaga oo aan garawsanayn in waxan ay is uu keeni karo xanuun ku soo baxa marka ay waynaadaan oo ay wadaagi karaan iyaga iyo ubadkooduba.

21. Waxa kale oo aad arkaysaa lana yaabaysaa kiriim glosoline ama body loshin la yidhaahdo oo tu yar iyo tu weyniba mar walba ay gacmahooda, lugahooda iyo wajigooda marinayaan oo ku kaca lacag badan, markii aan waydiiyeyna ay cudurdaar ka dhigteen jidhkayaga ayaa jajabaya oo qallalaya haddii aanan marsan. Taasina waa khuraafaad.

22. Waxa kale oo iyaguna jira timaha dumarka in lagu maydho shaambooyo kala nooc-nooc ah oo marka horena qaar lagu maydho marka dambana qaar lagu maydhayo kuwaasoo iskugu jira qaar madooaynaya kuwo casaynaya, kuwo la yidhi timaha ayey nafaqaynayaan iyo timo la kaawiyadaynayo, oo intaasi oo dhami xanuuno wataan oo aan la garanayn waxa ka imanaya oo ganacsi uun looga jeedo.

23. Inay dumarku suniyahooda xiiraan, isla markaana mariyaan qallin sunne ay ku samaynayaan kolba siday doonayaan inay ka dhigaan sunniyahooda, si ay ragga u soo jiitaan.

24. Waxa kale oo aad arkaysaa dumar sanka daloolinaya oo maar ama dahab galinaya, taas oo ay ragga ku soo jiidanayaan.

25. Waxa kale oo aad dumarka kaga yaabaysaa siday uga badbadiyeen qasab qurux ku keenta, haddii aad maqashay amma aad aragtay in laga mabnuucay 3 goobood oo jimicsiga lagu sameeyo magaalada Hargeysa, ka dib markii ay ku tagrifaleen qolka yar ee huurka amma uumiga xoogga leh. Qolkaas yar oo marka la jimicsado ilaa 4 qof ay gali karaan, 20 daqiiqana ay tahay in lagu jiro. Waxaana loogu talo-galay qolkan yar oo dhidid badan kaa imanayo inay furaan daloolada yar-yar ee jidhkeena marka ay awdmaan siibba waxay u fiican tahay dadka macaanka qaba, maadaama qolkan yar uu aad u kulul yahay oo uu dhidid faro badan kaa imanayo, ayaa waxay dumarkii imanayey goobahan jimicsigu waxay qolkan ugu dhaqmeen si xun, iyagoo ku soo gala inta qof ee ay doonaan soona qaata dowooyin kiimikal ah oo ay is marinayaan kadibna baco ay isku xidhayaan, isla markaana waxay soo qaataan liin dhanaan amma khudaar kale oo ay jidhkooda ku xoqaan. Arrintaas oo caafimaad ahaan aan u fiicnayn. Sidoo kale waxay xumeeyeen nadaafaddii goobaha jimicsiga ee uu ku yaallo qolkan yar ee uumiga. Qolkaas oo lagu nadiifiyo maalintii 2 jeer dowada Dhiitool.

26. Waxa kale oo aad arkaysaa kuwo xidhanaya cidiyo dhaadheer oo artafishal ah.

27. Waxa kale oo aad arkaysaa kuwo xidhanaya kabo dhaadheer, oo qofka dheer aanay waxba u ogayn kuna sireen rag badan oo ayay dirqi ku talaabsanayaan.

Waxa kale oo aad maqlaysaa waxyaalo fowqal caqli ah oo ay dumarka qaarkood ku hagaajiyaan qaab-dhismeedka jidhkooda si ay jidhkooda u naaxiyaan. Waa iyaga iyo Allahoode waxa la yidhi waxa jira hablo iskood u dhuuban oo qaata dowooyinka lagu daweeyo T.B-da oo la yidhi waa lagu naaxaa. taasi oo aan laga sheekayn karayn dhibaatadeeda. Sidoo kale waxa la sheegayey dowo kale oo la yidhi wajigay naaxisaa inay isticmaalaan. Dhinaca kale waxa la sheegay inay soo baxeen innamo dhalinyaro ah oo iyaguna marsada dowooyinka dumarku isku caddeeyaan, isla markaana ay jilciyaan oo ay madoobeeyaan timahooda, taasoo lagu suurayn karo inay ka qaateen dhaqankan filimadda la daawado iyo qaabka gaaladu u dhaqanto.

Waxa haddaba loo baahan yahay inay garawsadaan inta ku hawlan arrimahan, inay waxan oo dhan ay ka maarmi karaan, oo Ilaahay noloshan inoo diyaar gareeyey inaga oo aan dhalan wax kasta oo xalilaya dhibaatooyinka inaga hor yimaadda mar kastana uu diyaar inoo yahay xalkaasi. Xitaa haddii aanad saabuun ku maydhanin oo biyo kaliya aad ku maydhatid way ku nadiifinayaan, waxay wataan oo Ilaahay naxariistiisa inoogu daray barako iyo nadiifin. Waxa kale oo jidhka lagu qurxin karaa wixii aan dhibaato caafimaad keenayn, oo ay ka mid yihiin kuwa dabiiciga ah loona isticmaalo sida ugu habboon. Sidoo kale qofka quruxdiisa iyo caafimaadkiisuba waxay ku jiraan qofka oo jimicsi sameeya.

Dhibaatadaasi waxa qeyb laxaad leh ka qaadanaya dhalinyarada iyo ragga dhexe ee Soomaaliyeed, ee qalbigooda ka buuxiyey baqdinta iyo werwerka ay ka qabaan inay guursadaan iyo guurkan ay bulshadu sii adkaynayso maalinba maalinta ka dambaysa, waxaanu noqonayaa marka dambe wax farahaba laga qaado.

Talo-soo-jeedin

1. Hablaha iyo dumarka dhexe ee wax is mariya si loo badbaadiyo in la siiyo 3 bilood inay joojiyaan waxa naftooda hallaynaya ee ay jidhkooda ku casaynayaan, iyadoo wacyigalin badan la samaynayo.

2. Haddii ay joojin waayaan, inuu raggu qaaddaco kuwa is caddaynaya ama jidhkooda doorinaya inaan la guursan muddo sannad ah.

3. In la keeno qalab casriya oo sheegaya jidhka haddii la mariyey wax kiimikal ah halkaasna aanay ku siri karayn ragga.

4. Inay dowladda dhexe joojiso dhammaan waxa keenaya hableheenu inay dhulka afka u daraan, oo ay ka qaadaan xannuuno kale oo ay ka mid yihiin kansarku kuwo kale oo soo dajiyaana faa’iido ka sameeyaan.

5. In wasaaradda Caafimaadka iyo Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyigalintu iska kaashadaan wacyigalin xoog leh oo miyi iyo magaalaba ah, si loogu sheego dumarka khatarta caafimaad ee ay leeyihiin kiimikalku.

6. In ganacsatada soo dajiya dowooyinkan kiimikalka ah digniin la siiyo marka dambana liisanka lagala noqdo.

7. Inay culimaduna ka hadasho arrintan oo ka hadalkeedu ay yar tahay.

Imikana waxaan halkan idiinku soo gudbinayaa qodobo muhiim ah oo waano ah, oo haddii aad si dhab ah ay u qaataan hablaha iyo dumarka dhexe qeybta aynu ka hadlaynaa, oo aad ka hadhaan waxyaalaha aan kor ku xusay ee sababaya inay dumarku kiimikal ku dilaan jidhkooda qasabna qurux ku keenaan ay ku guulaysan doonaan noloshooda adduunka iyo aakhiradaba.

· Inay Alle ka cabsadaan dumarku.

· Inay asluub iyo akhlaaq wanaagsan la yimaaddaan habluhu.

· Inay waalidka addeecaan habluhu.

· Inay dadka jilicsan u gargaaraan.

· Inay hadalka wanaagsan badsadaan waqti kasta iyo goob kasta oo ay joogaan.

· Inay jimicsi sameeyaan hablaha iyo dumarka dhexe iyagoo asturan gurigooda dhexdooda amma ay lugeeyaan iyagoo dhowr ku wada socda oo ay jimicsiga caadaystaan.

· Inay daryeelaan caafimaadkooda gaar ahaan cuntada ay qaadanayaan.

· Inay miisaanka jidhkooda ilaaliyaan.

· Inay iska ilaaliyaan cunista milixda, sonkorta iyo subagga si aanu idanka Eebbe ugu dhicin xanuunada ay ka mid yihiin macaanka, dhiig-karka, subagga-dhiigga.

· Inay adkaystaan xishoodkii dumarka Soomaalida lagu yaqaanay.

· Inay balwadaha iska ilaaliyaan.

· Inay wax bartaan oo ay aqoontooda kororsadaan.

· Inay shaqo nadiif ah ka shaqaystaan oo ay wax soo kordhiyaan.

· Inay iska ilaaliyaan filimada Afka Soomaaliga ku turjuman amma kuwa kaleba oo dhaqan xumo soo kordhinaysa.

· Inay waxyaalaha xun ee internet-ka la galiyo naftooda ka dhowraan.

· Inay samraan haddii guurku ka raago.

· Inay iskaga hadhaan rag loo tartamo, oo lagu baadidoono wax dhibaya caafimaadkooda oo ay is mar-mariyaan amma dhaqanno kale oo aan fiicnayn.

· Inay ka digtoonaadaan dhoofka loo waashay ee nafta la biimaynayo, iyadoo lagu cararayo nolol dad kale ay kun sannadood ka soo shaqaynayeen.

Waxaan aaminsanahay haddii qodobadan iyo kuwa kaleba aad ku dhaqantaan oo aad qaadataan aad aflixi doontaan if iyo aakhiraba, isla markaana aad u heli doontaan waxa aad raadinaysaan si dhib yar.

‘Caqligii wanaagsani itaal inuu ka roon yahay bal eegoo u fiirsadaabuurta fiican ee Ilaahay ina siiyey.

Qosol lagama maarmee: Marka hore W’, waxaan masal u soo qaadanayaa horraantii kontonaadkii oo aanan anigu noolayn oo aan ka maqlay dad waa weyn, waxaanay ii sheegeen inuu gumaysigii Iingiriisku u yeedhay odayaashii markaa deegaanka ahaa, oo uu ku yidhi ‘ maxaan idiin qabtaa oo aad u baahan tihiin’? markii dhowr oday hadleen, ayaa wuxuu aabbahay ku yidhi ‘waxaan kaa doonaynaa inaad noo qabato, dadkan reer miyiga ah ee magaalada ku soo qul-qulaya inaad u sii diyaar garaysaan sidii ay ula qabsan lahaayeen, oo aad u abuurtaan shaqo iyo waxyaalihii aas-aasiga u ahaa’ Alla ha u naxariistee aniga oo aan aabbahay u ammaanayn si gaar. Waxaana hubaal ah in dhibaatooyinka ugu waa weyn ee imika nolosha loola qabsan laayahay ay tahay, iyadoo aan waqtiyadaa hore loo diyaar garayn wax qorshe ah oo ay ku noolaan karaan marka ay magaalooyinka soo galaan. Haddaba markay odayaashii hadalkii dhammeeyeen ayuu haddana waydiiyey odayaashii hablihiina wax ma inii baraa? waxaanay ugu jawaabeen buuq iyo sawaxan xoog leh, oo waxay yidhaahdeen ‘ma waxaad doonaysaa inaad hablahayaga inaad gaalayso. Mar labaad anigoo hadalkii aabbahay Alla ha u naxariistee dib ugu noqonaya wuxuu ku yidhi odayaashii ‘laba kala doorta, in hablihiinu ayna waxba baranin oo aanay shaqaysanin, oo ay ku kallifto inay dhaqan-xumo ku kacaan iyo inay wax bartaan, oo ay kaga gudbaan dhibaato kasta oo soo wajahda cilmi iyo garasho u korodhay. Sida la yidhi arrintaa markay dhugteen waxay qaateen in hablaha wax loo baro. Waxaan ugala jeeddaa qisan taariikhda hore ee dhacday ah, in cilmigu wax xun oo kasta oo aad gasho uu cilmigu kaa saarayo. Sidaynu la socono imikana hablaha is caseeya ee ku hawlan kiimikalku waxay u badan yihiin kuwo aan waxba baran oo iskuuladii seegay.

Waxa jira iyaguna dumar iyo rag ganacsato ah, oo runtii ku dedaalaya inay keenaan daawooyin dhir laga sameeyey oo la yidhi kuma jiraan wax kiimikal ah lana yidhi nafta dhibaato uma laha, kuwaasi Ilaahay khayr ha siiyo. Laaliin marnaba laga maarmi maayo gacan dowladeed iyo shaybaadhyo casriya iyo dhakhaatiir ku takhasusay in la isla helo oo wax kastaba caddeeya tayadooda iyo khatartooda.

Ugu dambayn waxaad waxaan odhan lahaa aynu Ilaahay ka baqano, oo aynu ku kalsoonaano.

Waxaan Ilaahay ka baryeyaa muslimka daafaha adduunka ku dhibban in Ilaahay u gargaaro, oo dhibta cadawga iyo ta ay isku hayaanba ay ka gacan sarreeyaan, inagga dhexdeenana uu Ilaahay naxariis iyo is qiimayn ku shubo qalbiyadeena, oo uu Ilaahay xasadka iyo xiqdiga ka maydho qalbiyadeena. Marka intaas laga yimaaddo qosol lagama maarmo xaalad kasta oo lagu jiro’e. Soomaalidu waxay ku ducaysataa Ilaahayow ceebtayada astur, barigii hore waxa jiray guryo Hargeysa laga wada yaqaanay oo ragga iyo dumarku ku wada qayili jireen. Markaa nin baa maalin ku qayilay guryahaas guri ka mid ah, waxaanu la fadhiistay gabadh ay ballansanaayeen, markii layska mirqaamay ee jaad badan la cunay, ee hawlahoodii isku duba dhaceen lana dhamaystay muraadkii ay u wada fadhiyeen, ayaa ninkii is yidhi iska hoyo. Intaa ka dib ninkii ayaa is yidhi qaado cumaamaddiisii caddayd ee uu sudhay katabaanka, waa nin mirqaamayoo isma oga’e wuxuu garabka saartay googaradaha dumarka ee qafiifka ah mid cad oo katabaanka saarnayd oo aan laga garanayn cumaamaddiisa. kadib wuxuu wuxuu macasalaameeyey gabadhii uu la fadhiyey. Wuxuu calaa duul u tegay gurigiisii, isagoo aan la kulmin cid u sheegta googaradan garabka u saaran barigaana aanay sidan imika laydhku meel walba ku oolin. Markii uu gurigii uu garaacay ee laga furay, ee uu salaamay reerkii ayey naagtiisii aragtay googarada tunka u saaran, markiiba way fahantay oo furka ayey tuurtay. Wuxuu hadal socdaba waxay ka dalbatay furitaan maadaama ay horena ay ugu maqli jirtay inuu meelahaa xun-xun fadhiisto, oo uu fawaaxiishtaas ku jiro. Wuxuu ku dhamaaday inuu reerkii saacad wax ka yar ku burburo halkiina wuu ku furay.

Qosol kale: Nin milatariga dowladdii hore ee Soomaaliya ka mid ahaa oo kabtan ahaa, oo ciidanka cirka ee diyaaradaha dagaalka ahaa bayloodna ahaa, oo magaalada Hargeysa aad looga wada yaqaanay, oo wade ka ahaa diyaaradaha la mid ah tan imika saaran qayriyada Hargeysa miig 17. Ninkaasi wuxuu caado u lahaa inuu guryahaasi lagu qayilo ee ragga iyo dumarku fadhiistaan ee kor aynu ku sheegnay, wuxuuna ahaa nin iska faan badan. Marka uu fadhiisto ee habluhu la soo fadhiistaan ee uu yara mirqaamo, ayaa wuxuu caado u lahaa inuu gacmaha sare u taago oo uu dhowr jeer jimicsado oo uu habaansado, oo uu yidhaahdo ‘intaasoo dhan ayaan maanta diyaaradda mariyey, xadka ayaan ka soo laabay, walaahi waan daalanahoo waan wareejiyey bahasha maanta intaas oo fiit ayaan cirka u baxay, halkaasaan ka soo majiiray, bayloodkii kale ee hebel ayaan muuqayga arki waayey’. Markaa koox dumara oo ay wada fadhiisan jireen, ayaa mid ka mid ah oo ka daashay faankiisaa ayaa ku tidhi ‘ kabtan bahasha horto miyaad qaaddaa oo waad baacisaa mise waad waddaa labadaasaan kala garan laayahaye, ee noo kala sheeg?’ isaguna wuxuu ku hadlo ayuu garan waayey, hadalkaasna kamuu filayn. Maalmihii dambe lagama maqal faan dambe oo diyaaradda ku lug leh. Faanka badan mar-mar buu baxar ku galiyaa.

Ma Maqasheen: Aakhirkii todobaatanadii anigoo waddanka Maraykanka jooga, ayaa super-market-yada Maraykanku waxay khaati ka istaageen muranka iyo wareerka ka dhasha marka ay dumarka ka iibinayaan keeshaliyada iyo nigisyada, iyagoo dumarka wax iibsanayaa odhan jiray ‘kani kaygii maaha, soo badal, kani ima leeka, mid balaadhan keen I.W.M’ rag iyo dumar talo lagama waayee waxa la sameeyey mishiin casri ah, oo yaalla albaabka laga soo galo super-market-ka, mishiinkaas oo ku soo bandhigaya marka aad istaadho nooca keeshaliga aad doonayso amma nigiska, midabkiisa, seeskiisa, sida loo tolayo, qiimihiisa, maradiisa, lacagtiisa. Waxaas oo su’aalo ah marka uu waydiiyo ayaa loo dalbi jiray samaynta shayga, waxaanu mishiinku soo tuurayaa kii ay dalbatay oo sidiisii ah, sidaasi ayuuna arrinkii ku xallilmay. laakiinse adduunka inta aynu ka dambayno wax laga sheekayn karo maahee, waxa inagana dad inaga mid ahi inoo soo waaridaan intay gudaafadaha ka soo gurtaan dharka hoose ee la tuuro oo aynu iibsanaa inaguna nigisyada, sharabaadada iyo keeshaliyada ay gudaafadaha ka keeneen, waa kala maan waana la kala fog yahay. Arrintaas la xidhiidha xidhashada dharka hoose ee lasoo isticmaalay oo aan wacyigalin ka samaynayey muddo dhowr iyo toban sannadood ah, waa nasiib darro iyo caafimaad darro. Soomaaliduna waxay tidhaahdaa ‘Doqonino waa shil’

W/Q:Rashiid Sulub Caalin Email:sulub2007@yahoo.com

Hargeysa, Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here