DHIS CAQIIDADAADA

0
921

DHIS CAQIIDADAADA

Waxaynu maantana soo gudbinaynaa mid ka mid ah duruustii aynu ugu magac darnay DHIS CAQIIDADAADA waana darsigii saddexaad waxaana uu ku bilaabmayaa sidan.

Ogow ilahay hakugu hanuuniyo daacaadkiise in diinta toosan ee Nabiyu laahi ibraahim ay qabto ama ay leedahay waa in ilahay kaligii la caabudo loona badhax tiro arinkaasaanu ilaahay amray dhamaan dadka una abuuray sida uu ilahay ku sheegay kitaabkiisa qaaliga ah suurada layidhaaho daariyaat aayadeeda 56 aad.

Waxaa kale oo uu ilaahy sii cadeeyay arinka ah inaan cid aan ilahay ahayn la caabudi Karin sida uu ku sheegay suurada nisa aayadeeda 36 aad.

Waxaa kale oo sheekha kitaabka qoray uu sii raaciyey oo uu yidhi hadii lagu waydiiyo waa maxay usuusha saddexda ah ee iinsaanka ku waajibka ah inay ogaadaan ama ay bartaan?

Waxaad tidhaa adoonku waa inuu gartaa rabigii, diintiisa iyo nabigiisa muxamed ah naxariis iyo nabad galyaba korkiisa ha ahaatee.

Hadii lagu waydiiyo rabigaa waa ayo? Waxaad tidhaa rabigay waa allah kaasoo I rabeeyay dadka oo dhana rabeeyey kuna rabeeyay nicmadiisa isagaana xaq u leh in la caabudo cid kale oo wax lala wadaajinayaana ma jirto.

Waxaana arin kan daliil u ah aayada 2aad ee suuratul faatixa, wax kasta oo ilahay kasoo hadhayna waa caalam, hadii lagu yidhaaho maxaad ku garanaysaa rabigaa? Waxaad tidhaa waxaan ku garanayaa aayaadkiisa iyo makhluuqaadkiisa, aayaadkiisa waxaa ka mid ah habeenka , maalinta,cadceeda iyo dayaxa.

Makhluuqaadkiisana waxaa kamid ah samooyinka todobada ah iyo dhulalka todobada ah iyo waliba wixii labadaasi dhexdooda ku nool.

Arimahan aynu sare ku sheegnayna waxaa daliil buuxa u ah aayada 37 aad ee suuratul fusilat iyo aayada 54 aad ee suuratul al acraaf.

La soco qaybta afraad ee duruustan DHIS CAQIIDADAADA. insha allah.

W/TURJUMAY:­- JAMAAL CABDILAAHI MUXUMED ( ABU CIZA)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here