QALINJABINTII QOOMAMADA LAHAYD !

0
575

QALINJABINTII QOOMAMADA LAHAYD !

Waxa lagu jiraa bishii September oo ah bisha sagaalaad ee sanadka oo

ah wakhtiga ay dib u furmaan dugsiyada dowlada iyo Jaamacaduhu,

September waa bil ku caan baxday sheekooyin waxbarasho la xidhiidha

oo ay is waydaarsadaan dhalinyarta ku sugan Somaliand. waa bil ku

suntan taariikhda jiilka cusub ee waxbarashada Somaliland waayo waxa

ku beegan wakhtiga la soo dhajio ama lagu dhawaaqo natiijada

imtixaanaadka shahaadiga ah ee fasalka 8-aad dugsiga dhexe iyo

fasalka 4-aad ee dugsiga sare.

sidoo kele isla bishani waa bisha ay ardaydu iska diwaangaliso ama ku

biiraan Jaamacadaha kala duwan ee ku yaala gudaha dalka, halka

ardayda awooda u lihi ay ka beegsadaan Jaamacado dibadeed. inta lagu

gudo jiro bisha sagaalaad waxa qabsooma badiba xafladaha qalin

jabinta ee Jaamacadaha dalka adiga oo maalmo badan oo kala duwan

dhagahaagu maqlayaan maanta waxa qalin jabisay Jaamacad heblaayo

iyo shalay waxay ahayd qalin jabintii ardayda dhigata Jaamcad

heblaayo. bisha sagaalaad waxay kulmisaa farxado iyo naxdimo kala

duwan oo ay la kulmaan da’yarta waxbarashasada ku jirtaa.

September farxadaha ay koobsatay ee ay kala kulmaan jiilka

waxbarashadu waxa ka mid ah iyada oo ay sanad kasta kumanaan kun

oo arday ka qalin jabiyaan dugsiga sare kadib markii ay mudo 12-sano

ah naf iyo maalba usoo hureen waxbarashada mudada dheer ee salka

ku haysa ama laga soo min-guuriyay manaahijta reer galbeedka.

farxadaha kale ee la taaban karo waxa ka mid ah qalin jabinta ardayda

Jaamacadaha oo sanadba sanadka ka danbeeya sii badanaysa oo hadii

aad ka qayb gasho xafladaha qalin jabinta ee sida wacan loo agaasmiay

indhahaagu qabanayaan muuqaalo ku farxad galiya, sidoo kale hadii

aad aad booqato baraha bulshaa ee Internet-ka waxad ku arkaysaa

kumanaan da’yar ah oo ku labisan dirayska qurxoon ee astaanta u ah

qalinjabinta Jaamacadaha. waxa kale oo indhahaagu taabanayaan

muuqaalo ku qiiro galinaya oo ay ka muuqdaan arday iyo waalidiintii

dhashay oo ku wada jira sawiro farxadeed laga soo ururiyay xafladaha

qalin jabinta ee Jaamacahadaha.

dhan kasta oo aad ka eegto waa wax lagu farxo in aad sanad kasta

aragto kumanaan da’yar ah oo ka soo baxaysa Jaamacaadka kala duwan

ee dalka iyo dibadaba, waxanay taasi ku siinaysaa in lagu taagan yahay

dhabihii horumarka iyo tubtii qumanayd ee qaran lagu hinjin lahaa

horena loogu wadi lahaa.

dhanka kale waxa jiro arin naxdin ah oo lid ku ah waxyaabaha

wanaagsan ee ay sare ku soo xusnay waana arin si toos ah u

taabanaysa quluubta qof kasta oo muwaadin ah. arinta naxdinta leh ee

jirta ayaa ah marka ay da’yartii shalay loo cumaamaday aqoonta ay

barteen ee loogu xafladeeyay ay iyaga oo koox koox ah shirar hoosaad

ku yeeshaan makhaayadaha lagu caweeyo iyo goobaha da’yartu ku

kulanto iyaga oo ku showraya ama ku tashanaya sidii ay dalka uga

haajiri lahaayeen.

talada ka soo baxda shirarka da’yartu waxay salka ku haysaa shaqo

la’aan iyo mustaqbal xumo iyo rajo la’aan soo foodsaarta qalinjabinta ka

dib. aqoonyahanka jiilka cusubi wuxu badiba ka midaysanyahay in

aanay dalka oolin shaqo isla markaana ay daruuri tahay in ay haajiraan

oo ay wadamo shisheeye ka doontaan nolol ay ku tuhunsanyihin in ay

uga nacfi badantahay mida ay ku haystaan gudaha dalka.

go’aamada ka soo baxa talada ay gooyaan aqoonyahanka casrigii waxa

ka dhasha ficilo aan la mahadin oo lid ku ah jiritaanka ummada iyo

Diinta. da’yartii farxada aqoonta ay barteen u damaashaadasay waxay

bilo gudohood ku dareeraan badaha iyo kulaylka saxaraha waqooyiga

Africa iyaga oo uurka ku haya in ay yurub kala kulmi doonaan nolol ka

fiican mida dalka taala. laakiin natiijada ka soo baxda safarka qalafsan

ee ay ku tacabiraan da’yartu waxa ka dhasha caawaaqib xumo iyo aaye

daro aan laga soo kaban karin mudada ka dhiman cimriga qofka, tiro ka

mid ahi waxay ku dhimataa haraadka iyo gaajada kasoo gaadha kulaylka

saxaruhu leeyahay, tiro kalena waxa jidhkooda qayb qayb u iibsada

nimanka magaca la baxay (Magafe) ee gacanta ku dhiga habqanka

da’yarta aan waligood darxumoon ee tacabirka wakhtiga dheer caguhu

ku biyo galiyeen.

Tirooyin kale waxay ku xidhan yihiin xabsiyo aan dowalad adag oo

daryeesha lahayn oo ku yaala dalka Libiya, halka tiro kale ay ku naf

waydo bada dhexe ee kala qaybisa Yurub iyo Africa, ugu danbayna tiro

kooban oo dhaafta dhibaatooyinka is daba taxan ayaa gaadha xeebaxa

dalka Talyaaniga iyaga oo sidi xoolaha lagu xereeyo xeryo qoxooti ku

meel gaadh ah oo aan lahayn adeeg wacan. hadaba waxa jirta tiro

kooban oo nasiib u hela in ay ka baxsadaan dalka Talyaaniga oo gala

wadamada yurub ee dhaqaale ahaan ka jeeb roon dalka Talyaaniga oo

la kulma nolol dhaanta mida Talyaaniga ka jirta, inkasta oo aanay

marnaba helay nolol u dhiganta midii ay ku haysteen dalka gudihiisa.

dhibaatadan aynu sheegnay ayaa ah mid si guud u taabatay bulshada

Soomaaliyeed meel ay joogtaba waxanad arkaygaa da’yar ka soo jeeda

gobolada soomaalidu degto oo dhan oo dhamaan ku hadaaqaya sidii ay

mar uu cagta u saari lahaayeen dhul shisheeye. iyada oo dhanka kale

aad arkayso waalidiin aan dhaqaale ahaan awoodin wax ka badan waxa

ay afka galinayaan oo xaraashaya guryihii ay ubadka ku soo koriyeen

marka loo soo sheego in wiilkii ama gabadhii ay dhaleen lagu haysto

Saxaraha Libya iyo Sudan u dhexeeya.

hadaba ma ogtahay aqoonyahan in waalidkaa kugu soo tabcay ugu

yaraan 15-sano oo waxbarasho ah iyo noloshaada intii aad jirtay oo

dhan.

ma ogtahay aqoonyahan in waalidkaa ay naawilayeen maalin

maalmaha ka mid ah ay arkaan beertii ay ku tabceen oo midheheedii

bislaaday, ma ogtahay aqoonyahan in aad tahay maskax cusub oo

kusoo biirtay bahda aqoonyahanka oo doorkeeda ka qaadan karta

horumarka waxbarasho iyo bulsho ee dalka.

ma ogtahay aqoonyahan in aad tahay qof aan laga maarmi karin oo loo

baahan yahay, aqoonyahan ma garowsantahay hadii aanad aqoonta

lagu baray dadka iyo dalka wax ugu qaban in ay tahay dayn lagugu

lahaa oo aanad bixin.

ma ogtahay aqoonyahan in qiimayn karaamo aad dadka dhexdooda ku

hesho magacaaga oo laguugu yeedho ay kugu danbayso maalinta aad

dalkaaga hooyo ka ambobaxdo ee aad cagta saarto wadan shisheeye,

ma ogtahay in aad nolosha ka soo bilaabayso caruurnimo adigoo heer

jaamacadeed ama dugsi sare hore u gaadhay.

aqoonyahan aqoonta aad baratay yay noqon mid kuu horseeda oo ku

tursta ceebaha iyo dhaliilaha dalkaagu leeyahay, laakiin ha noqoto mid

kuu bildhaamisa sidii aad horumarka iyo hawsha qabyada ah

darafkaaga u qaban lahayd ee ula hinjin lahayd cidii ku hawlan. ugu

danbayn aqoonyahan waxan kugu baraarujin lahaa in aad tashato oo

aan laguu talin, in aad is maamusho oo aan lagu maamulin.

Qalinkii: Maxamed Cumar Jibriil (MOJ)

Contact mx7lee@gmail.com, 063-4427831

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here