Dhulka La Isku Haysto Ee Sheekh Cumar, Xadhigu Xal U Noqon Maayo, Ee Waa In La Ogaadaa Cida Dhibanaha Ah

0
398

Dhulka La Isku Haysto Ee Sheekh Cumar, Xadhigu Xal U Noqon Maayo, Ee Waa In La Ogaadaa Cida Dhibanaha Ah

Waxa aan warka ku hayaa in muarnka isku haysashada dhulkan la hor keenay Maayarka caasimada

ASC, Waxa shalay oo ay taariikhdu ahayd 27/8/2015, waxa ka dhacay dhcado ka dhacday duleedka koonfurta galbeed ee magaalada Hargeysa, oo loo yaqaano Sheekh Cumar, deegaankaas oo ay ku yaalo dhul muddo dheer la isku haysatay, illaa taariikhdii dalka dib loo xoreeyay, waxaana dacwada meeshaas ka qeyb qaatay dad iyo masuuliyiin kala duwan oo ay ka mid yihiin odayaal beeleed, xildhibaano baarlamaan iyo masuuliyiinta dawlada hoose ee Hargeysa, iyo Maayarkii hore ee caasimada Hargeysa Eng Jiciir, iyo weliba xubno kale oo masuuliyiin ah oo loo magacaabay.

Waxa aan warka ku hayaa in muarnka isku haysashada dhulkan la hor keenay Maayarka caasimada Hargeysa, ee hada xilka haya iyo golaha deegaanka ee Hargaysa, sidaa

daradeed, dhamaan intaas oo masuuliyiin qaran oo kala duwan ahina aanay haba yaraatee waxba ka qaban, markaa sidaas oo ay tahay waxa aan leeyahay masuuliyada shacabka isku dilaya lahaanshaha dhulkan waxa uu xil ka saaran yahay xukuumada, golaha deegaanka Hargeysa oo uu u horeeyo Maayarku, iyo odayaasha dhaqanka, markaa waxa aan leeyahay cidii masuuliyad lahaydeey hadaad gabtay oo aad waxaba ka qaban weydeen, joojiya dabka dabka aad ku sii shidaysaan, ha iska hor keenina bulshada iyo ciidamada nabadgelyada, waayo sidaas ay xabada ugu badheedhayaan ayay nabadana wax uga qaban lahaayeen, dadka shacabkana yaan la laynin oo aan xabad iyo qori caaradii loo adgeegsanin.

Waxaan ku talinayaa si loo baajiyo fidmo iyo khasaare nafeed oo arrintan ka dhasha waa in la sameeyaa xal cidii loo baahan yahay lagula hadlo, isla markaana la ogaado cida dhibanaha ah, xadhiguna xal u noqon maayo xalinta arrintan, waxaanan ka xumahay cidii ay dhibaatudu ka soo gaadhay, oo waanu u ducunaynaa, nabada iyo sharcigana haloo hogaansanaado.

ILLAAHAY BAA MAHAD LEH

Adan Cali Xasan

Hargeysa-Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here