Dib U Dhac Mar Kale Ku Yimid Doorashada Aqalka Sare

0
344

Madaxda maamul Goboleedyada ayaa la filayay inay shalay soo gudbiyaan Liiska kama dambaysta ah ee Musharraxiinta u tartameysa Aqalka Sare, si Maanta ay u bilaabato doorashada, sida ku qoran Jadwalka doorashada ee lasoo saaray.

Sidoo kale Guddoomiyeyaasha Baarlamaanada dowlad Goboleedyada ayaan weli soo magacaabin Guddiyada maamuli lahaa doorashada Aqalka Sare, waxaana magacaabay oo kaliya maamulka Jubbaland.

Waxaa xusid mudan in Baarlamaanka Galmudug uu fasax ku maqan yahay, iyaga oo la sheegay inay isku imaan doonaan 1-da bisha soo socota ee Augusto 2021, isla markaana ma jiro weli diyaar garoow ku aadan qabashada doorashada oo socda.

Guddiga dooraahada heer dowlad Goboleed ee Jubbaland ayaa dhawaan sheegay in doorashada Xubnaha Aqalka sare ku qabanayaan waqtigii loo qorsheeyay oo ahayd 25-ka bishan oo maanta ku beegan, hayeeshee ma jirto doorashada halkaas ka dhaceysa maanta.

Dib u dhaca ku yimid doorashada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa ay sidoo kale dib usii riixaysaa Jadwalka guud ee doorashooyinka Soomaaliya, xilli laga heshiiyay khilaaf muddo ku dhow sannad ka taagnaa doorashada dalka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here