Dib U Eegid : 6 Kullan Kaliya Ayaa Tababare Zidane Ka Xigta In Magaciisa Uu Ku Qoro Waa Weynka Laga Xasuusto Kooxdaas.

0
332

waaxa qorey yaasir br

Tababare Zidane ayaa xaalad wacan la maraya kooxda Real Madrid ka dib guushii ay sabtida ka gaareen kooxda Atletico Madrid oo ay ugu martiyeen kullan ka tirsanaa wareegga 12-aad ee La Ligaha xilligaas oo ay sedex gool oo nadiif ah ku soo garaacen

Guushaas Atletico waxa ay Real ka yeeshay kuwo sii wata natiijiijooyinka wacan ee ay ka soo bandhigayaan dhamaan tartamada ay Real ku jirto

Waxa uuna kulankaas u ahaa kiisii 29-aad ee ay bilaa guul darro yihiin Real iyadoo ay kooxda.com soo xiganeyso in haddii tababare Zidane uu badiyo 6-da kullan ee soo socota in uu magaciisa ku qorayo taarikhda Real isla markaana ka mid noqnayo tabarayaashii kooxdaas soo maray kuwoodii ugu fiicnaa .

Guusha uga badan ee Real ka haystaan dhamaaan tartamada waxaa magaciisa uu ku qoran yahay tabavarihii reer Holland ee Leo Beenhakker kaasi oo xilli ciyaareedkii 1989/1990-kii aan qaabillin wax guul darro ah 34 kullan .

Hadaba waxaa Zidane uu haystaa fursad ah in haddii uu badiyo 6 kullan ee soo socda uu ku jibin karo irkoorkaas .

Sidaas oo ay tahay arintaas sahal uma muuqato marka la eego kulamada Real ku soo wajahn oo ay ka ciyaarayaan tartamada Champion-ka , La Ligaha iyo Cope Del Rey waxaana kulamada ku soo wajahan ka mid ah Sporting Clube , Cultural y Deportiva Leonesa oo Cope Del Rey ah , Barcelona oo La Liga ah , Dortmun oo Champion-ka ah iyo Deportivo de La Coruña oo La Ligaha ah