Harry Kane Oo War Cad Ka Yiri Mustaqbalkiisa Tottenham , Man United Farriin Noocee Ah Ayuu U Diray

0
399

waaxa qorey yaasir br

Weeraryahanka kooxda Tottenham ee Harry Kane ayaa si cad u sheegay in uu ku faraxsan yahay kooxdiisa ka dhisan qalcadda White Hart Lane

Arintaan ayaa imaaneysa xilli warar badan oo suuqa hareeyay sheegayeen in laacibkaan uu joojiyay wadahadallo hishiis kordhin ah oo uu kooxdaas kula jiray taasi oo keentay in kooxo kala duwan damaaciyaan in ay helaan kala wareegga soo socda

Laacibkaas 23 sano jirka ah ayaa haatan kooxdaas kula jira hishiis gaaraya illaa iyo sanadka 2020-ka kaasi oo qiimihiisa uu gaarayo 50 kun oo gini balse Tottenham wax ay doonayaan in dib u shaandheyn ku sameeyaan si kooxaha doonaya albaabka uga xertaan iyaodo la sheegay in laaicbka uu ka ganuunacayo mushaarka uu ka qaato kooxdaas.

Laacibkaas oo dhawaan ka soo kacay dhaawac dhowr todobaad uu la maqnaa ayaa sedex gool u dhaliyay kooxdaas ka dib laba kullan oo uu la soo muuqday waxa uuna sedexdaas gool ka dhaliyay kooxda West Ham oo ay axaddii wada ciyaareen

” Tottenham ayaan ku faraxsanahay mana igu soo dhicin arin la xariirta in aan kooxdeyda ka aado meel kale , mustaqbalkeyga waa cad yahay waana Tottenham” ayuu si cad u yiri Harry kane sida Sports Mole soo xiganeyso

Kooxaha laacibkaas reer Ingiriis doonayay ayaa waxaa ku jira Man United iyo Ac Milan balse warkaan ka soo yeeray laacibka ayaa hakinaya damacii ku jiray