
waaxa qorey yaasir br
Old Trafford waayadaan dambe ma ahayn godkii laga cabsan jiray ee kooxaha marka ay soo galaan iyagoo jajabsan ka bixi jireen, laakiin haatan wuxuu noqday meel koox kasta ku xisaabtamayso.
Ibra ayaana lahaa amaanta in United guuldaro ka qaabilin kooxda West ham United maadaama u dhaliyey goolka barbaraha ee kooxdiisa ee dhibicda u keenay.
Hadaba Kooxda.com ayaa xusaysa in goolkii caawa uu dhaliyey Diafra Sakho uu noqday goolkii labaad ee ugu dhaqsiyaha badnaa taariiqda PL ee lugu dhalayo Maslaxa Riyada, hal daqiiqo iyo 30 ilbiriqsi ayeey ku qaadatay.
Goolkii ugu dhaqsiyaha badnaa taariiqda Premier League waxaa ku dhaliyey Eden Dzeko kaas oo ay ku qaadatay keliya 43 ilbiriqsi