Donald Trump oo bartiisa twitter-ka ku weeraray siyaasadda dalka Shiinaha

0
356

Madaxweynaha loo doortay talada dalka Mareykanka ee Donald Trump ayaa qoraalo dhowr ah oo uu soo dhigay bartiisa tweeter-ka waxaa uu ku weeraray siyaasadda dalkaasi Shiinaha.

Trump ayaa xukuumada Beijing ku edeeyay in ay khakhal galineyso lacagta Mareykanka, oo ay la wareegayaan shaqooyinkii Mareykanka misana ay sii xoojinayso awoodeeda milateri iyadoo saldhigyo milateri ka dhisaysa Koonfurta Badda Shiinaha.

Mareykanka ayaa horay ugu dhaleceeyay Shiinaha hoos u dhaca ku yimid qiimaha lacagta dollarka , waxaan uu sheegay in ay si cadaalad darro ah ugu eexaneeyso ganacsatada Shiinaha . Trump ayaa ka carooday wada hadal dhexmaray Shiinaha iyo Taiwan .

Mareykanka ayaa sidokale horay u sheegay in xukuumada Beijing ay joojiso sheegashada jaziirada koonfurta shiinaha oo dalal badani ay sheegtan , halkaasi oo ay ku suganyihiin Ciidamo Mareykan ah .

Goor sii horeesay na xoghaya arimaha dibadda ee Mareykanka John Kerry waxaa uu kula taliyay kooxda Trump ee ku howlan la wareegida xukunka in la tashi ay la sameeyaan wazaarada arimaha dibada ee Mareykanka kahor inta aysan xiriiri la sameyn hogaamiyeyaasha shisheeye.