Dood Furan: Gobolka Maroodi-jeex Doorashadii Hore Waxaa Is Diiwanageliyey 417,000, Tana Suurto Gal Maaha Inay Gaadho Milyan iyo Wax Ka Badan?

0
418

Dood Furan: Gobolka Maroodi-jeex Doorashadii Hore Waxaa Is Diiwanageliyey 417,000, Tana Suurto Gal Maaha Inay Gaadho Milyan iyo Wax Ka Badan?

Guddiga doorashooyinka qaranka ee Somaliland oo la filaayo inay maanta April 09/2016 inay soo af-meeraan diiwaangelintii gobolka Saaxil.

Guddiga doorashooyinku waxay muujiyeen bisayl ah inay ku shaqeeyaan hawlo qorshayn oo ku socda sidii loogu tala galay Alle swt uu ku asturay waanay ku guulaysteen sidii uu ahaa nidaamka shaqo ee guddiga doorashooyinku.
Hargeysa marka laga hadlayo dadka inta badan codkooga dhiibtay dinwaangelinihii kala duwanaa ee la sameeyey waxaa soo baxay xogo isku mid ah oo muujinaya in dadka gobolka Maroodij-jeex codka ka dhiibta aanay gaadhin milayn badhkii waxaana taas cadayn u ah shaxda hoose oo muujinaysa tirada dadka ka codeeyey goboladda Somaliland qaarkood:
Tirada hore isu Diiwaangelisay

Goboladda Saaxiil, Awdal, Maroodi-jeex, Togdheer ayaa qiyaas ahaan la hayaa inay is diiwaangeliyaan wax ka yar hal milyan sida ku cad shaxda xageeda sare: 963,000 (sagaal bqol iyo saddex iyo lixdan kun oo qof).
Hadaba haddii ay sidaas tahay sidee ayey caqli gal u noqon kartaa in gobolka Maroodi-jeex la yidhaahdo waxaa is diiwaangelin kara hal milyan iyo laba qobol oo kun (1,200,000)? Taasi waa arrin adag oo u muuqata riyo iyo malo awaal indha sarcaad ku jiro.

Gobolka Maroodi-jeex waxaa doorashadii ugu danbaysay is diiwaangaliyey 471,000 (Afar boqol iyo todoba iyo toban kun) bal qiyaas farqiqa u dhaxeeya labada tiro ee mid rasmiga tahay midna mala awaalka tahay. Waxaa hubaal ah in aanay been abuurka iyo xog la’aanta shaqsiyaadku noqon doonin mid wax u dhinta geedi socodka hawlaha guddiga doorashooyinka ee haatan qarka u saaran in la soo gabagabeeyo.

Xil Gudashadda guddiga doorashooyinka
Guddiga doorashooyinku iyaga ka feejigan waxay gobol kasta oo diiwaangelintu ka dhacday u sameeyeen maalmo dheeraad ah goob kasta waxaa laga soo sheegaya in dadkii la diiwaangelin lahaa aanay jirin kadib markii dadku dhamaan is diiwaangeliyeen, taasina ay noqoto mid lagu amaano guddiga doorashooyinka qaranka.

Gobolka Maroodi-jeex caqli gal ma tahay inay iska diiwaangeliyaan milyan iyo dheeraad marka lo eego xogtii hore Ee 417,000 Kun codkaga lagaga dhiibtay doorashooyinkii hore ee madaxtooyadda iyo golaha deegaanka ee 2010-2012?
Xogta aad qoraysaa haddii aanay lahayn meel laga tix raacayo waxay noqonaysaa rayi aad dhiibtay, sidaas daradeed waxaan jeclaan lahaa Xildhibaan Saleebaan Daahir Cabdilaahi (Dogox) inuu ka fiirsado qoraalka uu baahinaayo, waxayse u muuqataa mid ku xumayn ah oo lagu tafaafulayo hawlaha guddiga doorashooyinka, balse ma noqon doonto mid wax u dhinta geedi socodka diiwaangelinta ee gobolka Maroodi-jeex.

1

diiwaangelin

Mustafe Cabdi
mustafec99@gmail.com