Gabaygii gurisan ciidbaa leh‏

0
455

Dhaqanka iyo geela
Gurisan Ciid baa leh
♡♡♡♡♡♡♡♡♡♡♡♡♡
1:Gunburrada Xidhiidhiyo ilaa Gurada yaaheelka
2:Gaankaa Higlooliyo ilaa Gudubka Siixawle
3:Gosha laasadaar Ceelka Iyo Meesha Gobab Raaxo
4:Shululux Geeseheediyo ilaa Togaga Gaankaaaasa
5:Gunbur Geel Mawaydiyo Taniyo geeska Kalabaydha
6:Tuuraha Galbeed iyo ilaa Ciid Fog Guradeeda
7:Ama Goob Dugsoon iyo Bar uu Cosobku Gawdhiidho
8:Muxuu Waa Guduudtaba Dhulkaa Gaane ila Jiiidhay

9:Sange Naaxshe Waa Galaha Iyo Goobta uu Dago e
10:Maxaan Guri Kasoo Daayay Oo Hees La Daba Goohay
11:Anigoon Dhulkii Gaadhin Iyo Geeddigaan Rabayba
12:Maxay Ina Gammuun Foolatayoon Goosayga U Ooday

13:Gu Barwaaqo Oo Hooray Oo Meel Walbaba Gaadhay
14:Gudguduhuna Uu Maray Nugaal Gudubbadeedoo Dhan
14:Maxaan Daranta Gaadhsiiyay Oo Dhoodi Godan Aaday
15:Anoo Gagi Banaan Soo Tubuu iina Gaballaaxo
16:Oon Garab U Jiifsaday Markaa Daalla Golosoobay
17:Oo Aan Gadtaatiya Dhacoon Gaajona i haynin
18:Muxuu Roob Gudgude Soo Curtoon Gaawaha U Qaatay
19:Anigoo Markaa Gorof Dhamoo XoorKa Galacsiiyay
20:Muxuu Gelin Dhexaad uu i Miray Geela Xeradiisa
21:Muxuu Galalka igusoo Ceshiyo Daad Gurguuranaya

22Gurigii dugsoon iyo ugbaad waa gedduu rabo’e
23:Godka Buulley Garab Buurta Dheer Soolka Guradiisa
24:Goblay iyo Uduuduxa ilaa Gawlalliyo Cuunka
25:Garbadaa Sindhoobiyo ilaa Geesta Caga Laaye
26:Gudahaa Casuuriyo ilaa Dacarrey Geesteeda
27:Gundheeriyo Gob Deeriyo Cadduur Labada Geesoodba
28:Muxuu Galab Carraabo ila Maray Gaane Fadhaqlayntaa

29:Sidaan Gaasas ciidana wato iyo Guuto iyo duullan
30:Sidaan Guluf korjooge u ihay iyo gaban ilaaleeya
31:Sidaan Gaade meeraayo oon gurayo raad jiitay
32:Sidaan geyshash baacsanayo iyo Gaalo cararaysa
33:Guuraha habeenimo waxaan gudiyo mayliig
34:waxaan soo Gawaan joojiyoo galabba meel oodo
35:Muxuu ciid Gunteed uga baxoon hawd u xero geeyay

36:Gabaahiirta lama sheego iyo guri cas jiilaale
37:Galgal iyo godkii qaydar iyo tuuro guradooda
38:Gobkii calanle garanuugle iyo gaafo iyo faafan
39:Geed’dheer dusheediyo halkaa galalka tuur caano
40:Gaalfay goldheeraha sariyo guriga yayloo dhan
41:Gunburxero galooleyda siman gagida loo saantay
42:Ceegaag galkiisiyo Dulgaal geelu kuba naaxo
43:Biyo boob goshii buurta iyo gadhadhka soo jeeda
44:intaas oo hilaac galac ka yidhi guguna uu doojay
45:Gabal qariyehoo maray dhulkaa mayayna uu gaadhay
46:Gidi kaymohoo hamasha oo saacu wada gaadhay
47:Laankoo garaaraha baxshoo jalaqu gawdhiidho
48:Gaawaha Darmaan laga lisaa waa guf iyo xoore
49:Meel guuyo lagu maalo iyo guri san ciidbaa leh

W/T/Abdijibaar Aadan Gaas