Door-roonihii Da’dii aan ogaa: Mujaahid Maxamed Ibraahin Xirsi (Bashiir) (1956kii – 1987kii) Q12aad

0
513

Door-roonihii Da’dii aan ogaa: Mujaahid Maxamed Ibraahin Xirsi (Bashiir)

                                          (1956kii – 1987kii)

“Warka shalayto nagu soo dhaceen, aad u dhego-beellay,

Dhinbiilaha sidoodu wadnaha, nooga dhaawacaye,

Nin dhegaystay Caliyow ma tumo, Dhaanto iyo heese,

Xaqiisii nin lala dheelmadoo, dhuuntay baw darane,

Dhibaatada ka diidaa ma helo, dhaxal adowgiise,

Denbi-dhaaf shahiid lagu dhintuu, kuugu dhow yahaye,”

Maansada Dhoobada Hawaas ee Timacadde ee 1961kii,

Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale – cankaabo@hotmail.com, www.dharaaro.com

Qormada: 12aad

23/12/2015

Aniga oo uga mahad-celinaya Mujaahid Abaadirna taakuleynta hodanka ah ee uu ka geystay ururinta iyo qoraalka taariikh-nololeedka Shahiid Mujaahid Bashiir oo ah walaalkii, waxaan jeclahay in aan halkan ku xuso in uu Abaadir qoraallo taariikhiya oo suganti (document) ah iyo qoraallo uu qorayba noogu deeqay.

Mujaahid Abaadir, mar uu ka warramayay booqashooyinkii walaalkii Bashiir ugu iman jiray gurigooda isaga oo ka iman jiray saldhigyadi SNM, wuxu yidhi:

“Markii ugu horraysay ee uu noo yimid wuxu xaafadda joogay saddex maalmood. Waxaanu kala kulannay dhaqammo cajiib ahaa oo aniga qalbigayga ku cuslaa weligayna aanan samayn kareen.”

Oo maxaa ka mid ahaa dhaqammadaas la yaabka lehaa ee Mujaahid Abaadir labada dhaban gacmihii ku engegeen. Waxaanu Abaadir ku deexday:

“Warqad ayuu maalin iigu dhiibay Sarkaal aanu qaraabo ahayn oo kabtan ahaa jaarna aanu ahayn. Wuxu yidhi warqaddaa ninkaa u gee. Hadda Gebilay ayaanu joognaa. Markii aan dibadda ula baxay ayaan warqaddii akhriyay, waxaana ku qornaa: ‘Waa Maxamed Ibraahin Xirsi. Ma is-arki karnaa.’ Aad baan warqaddii ula yaabay. Aniga oo aan ninkii warqaddii u geyn ayaan dhexda ka soo noqday.

Walaalkay Bashiir ayaan dib ugu noqday. Aniga oo aan hadalba u furin ayuu igu qab-qabtay: ‘Muxuu ku yidhi?’ Waxaan ugu jawaabay: ‘Maya ayuu igu yidhi.’ Inta uu aad u xanaaqay ayuu yidhi uma aad geyn. Maxaad ugu geyn wayday? Waxaan ku idhi: ‘Waar ninkani waa ninkaa sarkaalka ah oo wuu ina sheegi doonaa. Waar ninkan oo kale la iskuma sheego e’ walaal arrinkaa inaga daa.’ Dood badan ilama uu gelin e’, wuxu igu yidhi: ‘Ku noqo oo u gee.’ ‘Waa yahay ayaan ku idhi.’

Su’aal ayaan weydiiyay intii aanan u kicitimin xaggii sarkaalka. Waxaan ku idhi walaalkay Bashiir: ‘Hadii uu igu yidhaa halkee ayuu joogaa maxaan ku idhaahdaa?’ ‘Guriga ayuu joogaa ku dheh,’ ayuu igu yidhi. Tanaaba tii hore igaga darnayd. Aniga   naftayda calool-adayg kama maqnayn, bal se waxaan filan karayay iyo wuxuu qiyaasayay ayaa aad u kala haab fogaa.’

Abaadir sheekadii ha inoo sii wado, bal halka ay ku biyo-shubato:

“Sarkaalkan oo ka yimid koonfur toddobaad fasaxana ku joogay, gurigiisii ayaan ugu tegay. Inta aan u galay ayaan salaamay. Si fiican oo soo dhawen leh ayuu salaantii iiga qaaday, reerkana aad ayuu iiga wareystay. Annaga oo sheekadii reerkayaga ku jirna ayaan warqaddii uu Bashiir soo qoray u dhiibay. Wuu anfariiray… wuu yaxyaxay…..dhabanno-hays ayay ku noqotay. Inta uu is-hayn kari waayay, ayuu si cadho badani ka muuqatoo iigu yidhi: ‘Xagguu joogaa.'”

Mujaahid Abaadir bal hadda ha inoo sii gundhiyo sheekadan ma-hadhada ku noqotay, waxaanu intaa hore ku daray:

“Aniga oo ay naftuba igu sii dabo yar tahay, ayaan ugu jawaabay: ‘Xaafadda.’ Sarkaalkii aan warqadda u geeyay inta uu aad u naxay, ayuu dirir ay naxariisi ku jirto ii deddejiyay, waxaanu yidhi: ‘Waar ninkani hadduu lafiihiisa ka quustay oo uu  nacay, waxaad ku tidhaahdaa ha galaafan odeygan iyo islaantan cadka ah ee ku noqo meeshaadi, xaafaddana deg-deg uga bax.’ Waa wixii aan rajaynayay weji-gabaxa noocan ahi iyo ku ka daraniba. Bashiir ayaan ku soo noqday iyo xaafaddii waanan u warramay. Wax hadal ah wuxu igu soo celiyay: ‘Ma sidaas ayuu ku yidhi.’ Ilaahay uun baa maalin kale noo dhigtay, bal se taasna Bashiir waanu isla soo marnay.”

Ma dha-dhawa. Weli waxa inoo socda oo ma-hadhooyinkiisii inooga muddakaroonaya, Mujaahid Abaadir oo ay Mujaahid Bashiir walaalo ahaayeen. Waa kan misana gufaaco kale soo rogay, waxaanu markan ku deexday:

“Maalin ayuu aabbo aad uga waraystay dadka aanu jarka nahay. Habeen habeennadaa ka mid ahaa ayuu naga baxay. Wuxu u galay nin aanu jaar ahayn oo Isbatoore (Xadhigle) taarwale ah ahaa. Qoys ahaan waanu isku xidhnayn oo waa uu ogaa in uu Mujaahid Bashiir tallowsan yahay oo maqan yahay. Runtii wuxu ahaa nin aad u necbaa millateriga iyo nidaamka dawladeed ee uu ka midka ahaaba. Mar walba aabbo ayuu u sheegi jiray goldaloolooyinka ka muuqda xerada iyo sida loo cadaadiyo. Ninkaas, waxa la odhan jiray Ismaciil Jibriil, beryihii danbena waa uu dhintay.”

Wuxu sheekadan xaradhaamada lahayd, Mujaahid Abaadir ku soo gunaanaday:

“Xadhigle Ismaaciil, markii uu gurigiisa ugu galayba waa uu isu sheegay. Aad iyo aad ayay habeenkii oo dhan u wada sheekaysanayeen. Ma ay sahlanayn in nin ciidanka millateriga Soomaaliya ka tirsan aad is aragtaan adiga oo SNM ka tirsan kana yimid oo hawlo u socday. Qof dun wanaagsan oo waddaniya ayay taasi ka suurtoobaysay, waanay jireen dad caynkaas ahi haba yaraadaan e’.”

Hadda halka aynu joognaa ee sheekadan la yabka leh aynu ku durduuranaynaa waa Gebilay iyo xaafaddii ay deggenaayeen reer Ibraahin Xirsi. Mowduuca sheekadu waa Mujaahid Bashiir iyo dhaqammadiisii halgameed. Waxa taxanaha sheekada inoo daaddihinaya Mujaahid Abaadir oo aynu gaaxdiisii halgameed maalaynaa.

Maah-maahdii Soomaaliyeed, ayaa ahayd: “Lababa isa saaray oo laba tagoogood is-ma saarin.”

Bal hadda u fiirsada sida ay xaaladdani halista ugu tahay qoyskan dhan iyo dadka ku xidhanba, iyo sida deggenaanshaha leh ee ay iyaguna iskaga daansho-daanshoonayaan. Muran iyo dood ayay iskaga jiraanba.

Bal hadda Mujaahid Abaadir, godollo kale oo ma-hadhadhooyinkii uu walaalkii Bashiir kala kulmay ah ha inoo sii mariyo, waxaanu yidhi:

“Habeen habeennadaa ka mid ahaa ayuu aniga iyo inan kale oo iga weynaa oo aanu walaalo ahayn noo yeedhay. Wuxu nooga sheekeeyay sida loo qoro waraaqo aan cid kale fahmi karin. Waxaanu tusnay qoraal af-soomaali ahaa oo aanu annagu ikhtraacnay kuna salaysnaa BTJ-dii oo aanu kala beddelnay, laakiin shaqallada sidoodii ayaanu u isticmaalaynay. Hal xaraf ayaa saa’ida R-da ayaa caadi ka dhignay.

 B T J X K H D R S SH D H—- C G F Q K L M N W H Y

 C G F Q K L M N W H Y    —–B T J X KH D R S SH DH

(La soco berri, haddii Eebbe idmo)