Hablaha Qorraayada ah !

0
351

Hablaha Qorraayada ah !

Ma odhan karnaa Qofku marka uu wax Akhriyaayo wuxuu is-Weydiiyaa Buuggaasi amma Qoraalkaasi ma Lab ayaa Qorey Mise Dhedig.Buugga Marka lagu yidhaahdo Haween ama Gabadh Ayaa Qortey Dareen Is-bedell ma kugu Dhashaa.Inta aannad waxani Akhriyin horta Su,aasha Yaa Qorey ma Is -weydiisaa.Mase kugu Beeran tahay in Marka aad Oggaato Qoraaga aad Jeclaato ama Nacdo Wixii Qornaa.Marka Buugga Ruux Haween ahi ay Qorto Suuurtagal ma tahay in laga sameeyo Falan-qeyn iyo Gorfeyn ama Iibka Buuggaagta Haweenku sidee ayey ku yihiin Suuqa iyo Maktabadaha marka la hor-dhigo kuwa ay Raggu soo Qorraan.

 

Weli ma Arragtey Gabadh Soomaaliyeed oo Buugg ka Qortey Arrrimaha Siyaasadda soomaalida,Dhaqanka,Gabayada,ama Diinta Islaamka iwm.Mawduucyadda Qaarkood Ma la odhan karaa Haweenku ma geli karaan ama haddii ay Wax ka Qoraan Xitaa lama Akhrisan doono.Haa Waad Arragtey Qaar ka mid  ah Hablaha Qoraayada ah oo Arrimaha nolosha Sida Jaceylka,Qoyska,Waxbarashada,Caafimaadka iyo Arrimaha Horumarinta Shakhsiyada Qofka wax ka Qoraaya.

Waa Run in aad Buuggaag badan soo Akhridey,Waxaanna sii Run ah in buuggaagtaasi badan ee aad Akhridey ay u badnaayeen kuwo ay Ragg qoreen Meel kasta adduunka ha ka joogaan gaar ahaan Soomaalida Dhexdeeda.Ma wadda dhammeyn karno Qoraayada Magacyadooda aynu halkani ku sheegi karno ee buuggaag Soomaliyeed oo ay Qoreen aynu Akhriney.Laakiin haddii aynu Xagga Dumarka u Kacno Qof kasata wuxuu Caddeynayaa in uu inta ugu yar ka Akhriyey ama Arkey Buugg ay Gabadhi Qortey.Annigu waxaan ku Jiraa Dadyowga weli aan akhriyin Buugg Gabadh Haween Soomaaliyeed ahi ay Qortey, Weligey.waase Suurtagal in aan Akhristey Buugg Nolosha ah oo Haween Suxifyiin Dalal kalle u Dhashey ay Qorreen.Dad badan oo Adduunka ah oo su,aashani la weydiiyey Ayaa ku Jawaabey in aaney Dedaal iyo tamar badan ku bixin Akhrinta ama Dhammeynta buuggaagta Haweenku ay Qorraan.

Ma waxa la diidan yahay sida ay haweenku wax uga Warramaan marka aan Buuggagtooda la Akhrisan,Ma Haweenimada Lafteeda ayaa lagu diidan yahay Mise iyaga oo aan Naxwaha,Luqada iyo guud ahaan Cilmiga wax Qorida u laheyn aqoon xeel dheer sida ragga.Marka aynu Carabaabno Ruuxa Buugga Qorey in uu Haween yahay ama ragg Waxa kor u kici doonta ama Hoos u dhici doonta Qeybta xiiseynta ee Maskaxdaada iyo Hillowgii aad buuggaasi u Qaadi laheyd.

Maktabadaha Haddii aad booqato Qaar Adduunyada Meel gaar ah iyo Khaanado gaar ah ayaa loo Sameeya Buuggaagta Haweenka,Haween badan ayaana u arka in la takooraayo oo ay tahay in buuggaagta  La is dhex-Dhigo.Waddamo badan Ayaase Adduunyada heysta Tiro Qoraayo Haween oo ku Filan Bulshaddooda,Kuwaasi oo Awoodd u leh soo bandhiggida Mawduucyo iyo Buuggaag kala duwan oo Xitaa Ragga gaar ahaan Qoraayada ahi ay Akhristaan.Haween  tiro yar oo Adduunyada caan ku Noqdey Qoraallka ama Saxaafadda iyo Qoraallka Ayaanna laga soo helayaa Europe,Asia,America ,Africa Intaba.Harry Potter iyo JK Rowling ayaaba ka midd ah.

Hablaha somaliland wax Qoraa Tiro ahaan ma Badna,Waxaannan Qiyaasi karaa in aanney 20 Kor u dhaafi karin haddii aaney kaba Yareyn intaasi Somaliland, Hadda Ogow 2 Million in ku dhow Ayaa Haween iyo Carruur ah Somaliland haddana 20 Haween Wax Qora lagama wada heli karro.Haweenka Qorraayada Qurbaha ee Somaaliyeed ayaa iyaguna aan u badneyn sida ay u Joogaan waddamadaasi horumarka leh.

Haddii aan Arko Buugg ay Qortey Gabadh aan u dhalan dalka Somaliland in aan buuggeedaa soo Qaaddo oo aan Akhristo Waa laga yaabbaa,lakin in aan buugg soomaali ah oo ay Qoreen Hablaheenu soo iibsado oo aan lacag u huro lagama yaabo kkkkkkkkkkkkkkkk.Anniga oo aan Qarsaneynin arrintan sarre ayaann haddana waxaan Dalal Dibaddeed oo gaar ah kaga Xidhanahay Haween suxufiyiin iyo Qoraayo isugu Jira Cilmi Xeel-dheer leh,Luqad Hodan ahna Wax ku Qora.

Qoraaayada somaliland marka la leeyahay,Ma waxa loo Jeeddaa Guud ahaann Qoraayadda somaliland Mise,Ragga ayaa Keliya isku heysta Qoraayadda somaliland oo iyaga ayey ku socotaa.Sheekooyinkii Jaceyl ee ugu Wanaaggsanaa soomaalida dhexdeeda waxa inoo Qorey Ragga,Buuggaagtii Siyaasaddeed ee ugu Wanaaggsanaa waxa inoo Qorey Ragga,Buuggaagtii Suugaanta ugu Fiicnaa iyo Heesaha waxa inoo uruuriyey oo Qorey Ragg,Buuggaagtii Waxbarashada ugu Fiicnaa waxa inoo soo Uruuriyey oo Qorey Ragg,Buuggaagtii Diinta Islaamka ugu Wanaaggsanaa waxa inoo Qorey Ragg.Qoraayaddii iyo Suxufiyiintii ugu Wanaaggsan ee Bulshadda soo Maraa waxa ay ahaayeen Ragg.

Waxa Qorey……………………………………….

Waxa Qortey …………………………………………..

Ujeeddada Qoraallkani :Haweenka wax Qora,Caqabahadaha hortaagan haweenka wax Qora,Dhiirrigelinta Da,yarta hablaha wax Qoraaya.

Akhriste iyo Guud ahaan Bahda Saxaafadda, Toddobaadka dambe iyo Sannadka cussub haddii alle Yidhaahdo waxa aan ka wareegayaa Ciwaankeyga Ceelaabe_10@hotmail.com,Waxaannan u Wareegayaa Gambiile_10@hotmail.com.Waxa la Nasinayaa Ceelaabe_10@hotmail.com oo Muddo 14 Sanno ah soo Shaqeynaayey.