Doorka Qurba joogga Somaliland:Siyaasada, dhaqaalaha iyo musuq maasuqa W/Q: Maxamed Cabdikarim (M-Maarshaal)

0
367

Doorka Qurba joogga Somaliland:Siyaasada, dhaqaalaha iyo musuq maasuqa W/Q: Maxamed Cabdikarim (M-Maarshaal)

_______________Soo koobid Guud_________________

Waxa qoraalkan aynnu ku soo qaadanaynaa tusaalooyin badan oo ku taxaluqa qurbajoogga, sida dunida ay ka yihiin iyo keena waxa ka dhaxeeya, waxaynu iftiiminaynaa shuruucda jinsiyadaha waddamada adduunyadda iyo siffaha ay ula macaamilaan muwaadiniinta labadda jinsiyadood sita, waxaynu sheegaynaa, doorka qurba jooggu ku leeyahay waddamadda ay asal ahaan ka soo jeedaan, dhinaca siyaasadda, dhaqaalaha, isdhexgalka iyo arimaha horumarkaba, qoraalkani wuxuu si wayn u soo bandhigayaa qiimaha qurba joogga reer Somaliland iyo doorkii lama ilaawaanka ahaa ee qurba joogu ku lahaa yagleelka qaranimada Somaliland, doorkooga dhaqaale iyo taakule ee eheladooda, miisaanka dhaqaale ee ay waddanka soo galiyaaan, sidoo kale waxaan ka madhnayn, doorka qurba joogu ku leeyahay, kala qaybinta bulshadda iyo qabyaaladaba, waxa sidoo kale aynu daaha

ka faydi doonaa, heerka musuq maasuq ee masuuliyiinta qurba jooga ah iyo dhaqaalaha yare e waddanka oo aan awoodin in lacago baddan dibaddaha looga diro

Qormaddan waxay dhiirigalinaysaa, dhalinyaradda reer Somaliland sidii ayna u tahriibi lahayn, waa qormo wacyi galin ah oo xukuumada, xisbiyo mucaarid iyo bulshadda qurba jooga ahba indha ugu furaysa, caqabadaha ragaadiyay dhalinyaradda

Gunaanadkii qormaddani waxay soo jeedinaysaa tallo bixino, wax tar u ah in dib loo eeggo shuruucda waddanka sida:

Wax ka baddal iyo kaabid lagu sameeyo xeerka jinsiyadaha ee (Xeer Lr.22/2002).
In la dhaqan galiyo Xeerka kahortagga ku tagrifalka hantida qaranka & ladagaalanka musuq maasuqa Xeer No.38/007
In masuulka qurba jooga ah ee xil loo magacaabayaa daganaado 5 sano waddanka isaga iyo qoyskiisu, si ay xogogaal ugu noqdaan, heerka waxbarasho, caafimaad, dalxiis, nasasho iyo ciyaaraba.

1. Hordhac

Qeexidda macnaha ‘Diaspora’, Soomaali ahaana u adeegsano Qurbe joog, oo ah kalmad asal ahaan Giriig ah. Waa marka bulsho ka daaduunto ama ka barakacdo, waddankooddii hooyo, iyagoo magansanaya waddamo shisheeye. Waxa kale oo lagu macneeyaa bulsho kala filiqsan oo waddamo kala duwan ku nool oo leh hal waddan oo ay asal ahaan ka soo jeedaan.(Merriam Webster)

1648 heshiisyaddii loogu magaca daray ‘the peace of Westphalia’ oo ahaa heshiisyo lagu soo afjaray dagaalo soconayay 30 sanadood, una dhaxeeyay quwadaha reer galbeedka ayaa waddan kastaa ku aqoonsadday qaranimadda waddanka kale, mastaafurinta siyaasadeed oo lahayd taariikh fac wayn, ayaa iyaddoo heshiiskan laga faa’idaysanayo Waxa markii ugu horaysay la mastaafuriyay Publius Ovidius Naso oo ahaa gabayaa u dhashay Romania iyo Voltaire oo ahaa Faransiis loona mustaafuriyay Ingiriiska.

1921 aasaaskii ‘League of Nations’ ayaa lala yagleelay isku xidhka caalamiga ah ee arrimaha qaxootiga, Hayadda arrimaha qaxootiga ayaa u magacawday Fridtjof Nansen Madaxa hayadda, Waxa la faray inay la tacaalaan samatobixinta iyo caawinta 1500,000 oo qof oo ka soo cararay Russia Kacaankii 1917kii iyo dagaallo sokeeyo oo soconayay (1917-1921).

1923 Shaqadda Hayadda qaxootiga waa la balaadhiyay, waxa lagu soo daray in la qaabilo hal milyan (One Million), oo reer Armeniya ah oo ka soo yaacay qul qulatooyinkii iyo dagaaladdii turkeygu ka wadday halkaas.

1951kii ayaa la sameeyay Xeerka caalamiga ah ee qaxootiga loona yaqaan afka qalaad ( the UN convention on the rights of refugee ) Kaas oo damaanadd qaaddaya xuquuqda qaxootiga, iyo sifaha qaxootinimo loogu aqoonsanayo. Sida uu dhigayo qodobka 1aad Farqadiisa A.2 (Article1.A.2). Waxa isaguna kabaya kuna ladhan Xeerka xuquuqda aadamiga ee la sameeyay 1948kii (Universal Declaration of Human Rights), kaas oo aqoonsan xuquuqda dadka magangalyo doonka ah, ee ka soo cararay dalalkooda.
2. Noocyadda jinsiyadaha la bixiyo dunidda

Dhalashadda jinsiyadaha waxa lagu helaa laba nooc ama laba hab oo kala ah:(i) u dhalashoama (ii) helid Jinsiyad.
2.1: U Dhalashada (by birth)

Waxaa jira laba hab oo lagu hello jinsiyaddaha u dhalashadda ah waxanay kala yihiin, (i) Jus Sanguinis , waa jinsiyadda u dhalashadda ah (ii) Jus Soli.Jinsiyada ku dhalashadda ah
2.1.1. Jinsiyadda u dhalashadda ah (Jus Sanguinis)

Jinsiyadda u dhalashadda ah, ama dhiig ahaan halka aad asal ahaan ka soo jeeddo, ilmuhu wuxuu hellaa jinsiyadda waalidkii, isagoon loo eegayn halka iyo goobta uu ku dhashay, tusaale, ilmo yar oo ay dhaleen waalid Hindi ahi, wuxuu ahaanayaa uun hindi caradda uu doono ha ku dhashee, habkani waa qadiimi inta baddana dunidda ayaa isticmaasha
2.1.2. Jinsiyada ku dhalashadda ah (Jus Soli )

Hab-dhaqankan lagu bixiyo jinsiyadda ku dhalashadda ah, muwaadinimada waxa lagu helaa, goobta aad ku dhalatay, maaha hab caan ah dunida marka aad eegto, waddamo kooban ayaa laga bixiyaa jinsiyada u dhalashadda ah, oo u baddan Europe iyo marykan, tusaale, Ilmo waalidkii yihiin soomaali ama ingiriis haddii uu ku dhasho maraykan wuxuu helayaa jinsiyadda marykan, marka la raacayo habkan ku dhalashadda ah.
2.2: Hab dabiici ah (Naturalization)

Dhalashada waxaa sidoo kale lagu heli karaa iyada oo loo marayohab dabiici ah. Qof Qariib ahi wuu noqon kartaa muwaadin ka dib marka uu fulliyo shuruudaha qaarkood. In kastoo shuuruudahani ku kala duwan yihiin, gobol ka gobol, weli qaar ka mid ah mabaadiida guud oo lagu arkay waxaa laga yaabaa in iloo sookoobay sidansoo socota:

2.2.1. Daganaanshiyo (Residence)

Daganaanshiyaha muddo dheer aad dagan tahay waddan, waxay daruuri u tahay helidda muwaadinimadda adigoo qariib ah, wakhtiga daganaanshiyaha way ku kala duwan yihiin waddamadu. Ingiriiska Iyo maraykanka, xiligu waa 5 sanno, halka Faransiiska ay ka tahay 10 sanno

2.2.2. Dhaarta Daacad Noqoshada (Oath of Allegiance)

Qofka ajanabiga ahi, waa in in lagu dhaariyaa dhaarta daacad noqoshadda, ka hor inta uusan noqon muwaadin u dhashay wadan kale
2.2.3. Iibsigga Hanti Maguurto ah (Purchase of Real Estate)

Qofka ajanabiga ah ee maal gashadda ama ka iibsadda hanti ma guurto ah waddan kale, wuu heli karaa xuquuqda muwaadinimadda haddii uu doono
2.2.4. Guurka (Marriage)

Gabadhu waxay helaysaa jinsiyadda Ninkeedda, tusaale ahaan: – gabadha ingiriiska ahi waxay heli kartaa xuquuqda jinsiyadeed ee Hindiya haddii ay guursato nin reer hindiya ah, sidaa si lama mid ah gabadha ajanabiga ahi waxay helaysaa jinsiyadda Somaliland haddii ay guursato nin reer Somaliland ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here