Dorashadii Riyaale Sumcadeena Way Kordhisay Laakiin Isagaa Xumaa”Eng.Maxamed Xaashi.

0
397

“Dorashadii Riyaale Sumcadeena Way Kordhisay Laakiin Isagaa Xumaa”Eng.Maxamed Xaashi.

Hargaysa(Warsugannews)- Wasiirkii Hore ee Maaliyada Somalilnd ee Xukuumada Madaxwayne Axmed Maxamed Siilaanyo Md: Maxamed Xaashi Cilmi ayaa markii ugu horaysay sharaxay fa’idada laga dhaxlay doorashadii madaxtinimo ee sanadii 203 loogu doortay daahir rayaale kaahin ,waxanu Eng.Maxamed xaashi sheegay in uu somaliland ka badbaadiyay sumacd xumo dhanka qabaailka ah oo haysata Mamulada kale ee Somalia ,balse waxa uu ku dhaliilay Madaxwayne rayaale inuu ahaa Hogaamiye aan wanaagsanayn

Eng.Maxamed Xaashi ayaa hadalkani ka sheegay barnaamij lagu marti qaaday waxanu yidhi ” Doorashadii Rayaale Faa’iido ayaa ka soo baxday, Imika Xamar Nin aan Abgaal ahayni madaxweyne kama noqon karo, Puntlland-tan inoo dhawow in Dhulabahante ahi madaxweyne kama noqon karo, inaga Somaliland sumcad xumadaas ayeynu doorashadii Rayaale kaga baxnay, laakiin isagaa inagu xumaaday sidaan qabo” ayuu yidhi Eng. Maxamed Xaashi Cilmi.

Xigasho Somalilandtoday

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here