Dhacdadii Boora ee wiilku ku dhintay oo uu ka hadlay wasiir ku xigeenka Dhalinyarada iyo Ciyaaruhu iyo Dareenka Bulshada Awdal Ee Weerarkii Ramaax

0
418

Dhacdadii Boora ee wiilku ku dhintay oo uu ka hadlay wasiir ku xigeenka Dhalinyarada iyo Ciyaaruhu iyo Dareenka Bulshada Awdal Ee Weerarkii Ramaax

Boorama(Warsugannews) Wasiir kuxigeenka wasaaradda ciyaaraha ayaa sheegay in wiil dhalin yaro ahi ku geeriyooday rasaas ka qaraxday Askari markii ay dhammaadeen ciyaartii shalay galab Boorama ku dhex martay gobolada Gabiley iyo Salal.

Wasiir xigeenka ayaa sidoo kale ka qayb galay aas qaran oo loo sameeyay Askartii ku dhimmatay difaaca weerarkii kooxda Wabar ku soo qaaday Badhasaab Ramaax, waxaana aaskooda ka qayb galay Wasiirro, xildhibaanno, Madaxda Gobolka iyo kuwa degmada, Salaadiin, culimo iyo dadweyne aad u tiro badan.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Dhalinyarrada iyo Ciyaaraha Somaliland Yuusuf Cismaan Garas oo ka mid ahaa masuuliyiinta aaskaas ka qeyb-galay, ayaa sheegay in labadaas askari ay dileen dad cadow ku ah qaranimadda Somaliland, waxaanu ILAAHAY uga baryay inuu naxariistii jano ka waraabiyo, qoysaskoodii iyo ciidammada Booliska iyo qaranka oo ay ka kala tirsanaayeen-na samir iyo iimaan ka siiyo.

Wasiirku waxa uu intaa raaciyay in guud ahaan magaalada Boorama waxgaradkeeda iyo dadweynaheeduba ay ka xumaadeen falkaa dhacay isla markaana ay bulshadda gobolku meel uga soo wada jeedo in dambiilayaashaas sharciga la mariyo.

Dhinaca kale Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Dhalinyarada Ciyaaraha iyo dalxiiska ayaa tacsi u diray qoyska uu ka geeriyooday wiil dhalinyarro ah oo shalay markii Ciyaartii lagu ciyaarayay Boorame ee garoonka laga dareeray ay ku dhacday xabad askari ka qaraxday.

Mr. Yuusuf Cismaan Garas waxa uu shacbiga reer Boorame ku bogaadiyay siday ula shaqeynayaan ciidammadda ammaanka, waxaanu ku booriyay inay kaalin ka qaataan sidii gacan adag loogaga hor tagi lahaa cid kasta oo nabad-gelyadda iyo dawladnimadda Somaliland wax u dhimaysa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here