Xukumadda Muqdisho Oo Ka Hadashay Wada Xaajoodka Somaliland iyo Somalia+ Qodobada Ay Rabto In Laga Heshiiyo

0
447

Xukumadda Muqdisho Oo Ka Hadashay Wada Xaajoodka Somaliland iyo Somalia+ Qodobada Ay Rabto In Laga Heshiiyo

Boorama(Warsugannews)October-08-2015- Xukumadda Muqdisho,ayaa sheegtay in wada hadalladii Somaliland iyo Somalia dib u bilaamayaan dhawaan, inkasta oo aanay sheegin wakhti cayiman. Waxay soo bandhigtay xukumadda Muqdisho dhawr qodob oo ay doonayso in laga heshiiyo.

Wada hadalada Somaliland iyo Somalia ayaa horraantii sanadkan burburay iyagoo wajigii sideedaad marayay kadib markii xukumadda Muqdisho wada hadalka u soo diratay xubno Somaliland ka soo jeeda oo xukumadda Muqdisho u shaqo tagay.

Maxamed Cumar Carte Qaalib, ra’isalwasaare xigeenka Somalia ayaa ku dooday in wada hadalada oo dib u bilaami doona ay ku doonayaan sidii Somaliland looga qancin lahaa ka tanaasulka gooni isku taagga, islamarkaana looga wada hadli lahaa fulinta shuruucda Muqdisho iyo qaybsiga hanaanka Maaliyadeed.

“Run ahaantii wada hadalada dib ayay u bilaabmi doonaan, markii 60-ka la isku darsamay, waxa ay ahayd mid ku bilowday qaab wanaagsan, marka runtii waxa ay u baahantahay in wada hadalka uu noqdo mid markale la isu keeno Soomaali weyn, oo aanay noqon mid lagu kala tega,” ayuu yidhi Mr Carte oo la hadlayay warbaahinta Muqdisho.

Maxamed Cumar Carte, waxa uu sheegay in qodobada ay doonayso in xukumadda Muqdisho in laga heshiiyo ay ugu muhiimsan yihiin wada qaybsiga mamulka maaliyadda, wada shaqaynta maxkamadaha, fulinta sharuuc dalka loo dajiyey inuu ku dhaqmo iyo arrimo kale oo dani ugu jirto Ummadda Soomaaliyeed.

Aragtida Muqdisho ee wada xaajoodka ayaa u muuqata mid aad uga duwan rabitaanka Somaliland ee ku aadan wada hadalka, waxaana Somaliland ku doonaysaa wada hadalka gooni isku taageeda inay ku sii adkayso iyo sidii loo kala bixi lahaa, loona qaybsan lahaa wixii horey uga dhexeeyay labada dal.

Xukumadda Somaliland ayaa dhawr jeer sheegtay inay doonayso dib u bilaabista wada hadalada oo ka duwan sidii hore islamarkaana beesha caalamku dhexdhexaadinayso, halka markii hore labada dhinac toos u wada hadlayeen, maadaama go’aammadii shirarka hore socon waayeen, kana fuli waayeen dhanka Somalia.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here