Dowladda Imaaraadka Carabta Oo Soo Dhawaysay Go’aanka Labada Golle Qaran Ku Ansixiyeen Inay Saldhig Milatari Ku Yeelato Somaliland , Kana Cadhootay Faraglinta Soomaaliya

0
661

Dowladda Imaaraadka Carabta Oo Soo Dhawaysay Go’aanka Labada Golle Qaran Ku Ansixiyeen Inay Saldhig Milatari Ku Yeelato Somaliland , Kana Cadhootay Faraglinta Soomaaliya

London(WSN) Sida ilo xogogaala oo diblamaasiyadeed sheegeen dowladda Imaaraadka carabta ayaa soo dhaweysay go’aankii labada golle qaran ee Somaliland ku ansixiyeen in UAE saladhig milatari ku yeelato jamhuuriyada Somaliland, gaar ahaan magaalo marseedka Berbera.

Waxayna xogahaasi diblamaasiyadeed intaa ku dareen in dadkia kooban ee dibadbaxa ka dhigay safaaradooda ku taalla carriga Ingiriisku aanay ka tarjumayn rabitaanka shacbiga Somaliland oo intooda badani soo dhaweeyay heshiisyada maalgashi iyo horumarineed ee dhexmaray Somaliland UAE.

Waxa kale oo la sheegay in mudahraadka laga hor dhigay safaaradooda London inay u arkaan mid dowladdo shisheeye ahi dabada ka riixayaan oo aana ogeyn horumar u soo kordha Somaliland iyo saaxiibo cusub oo jamhuuradda Somaliland yeelato. Sidoo kalena waxay u yeedheen safiirkii Soomaaliya wakiilka uga ahaa, ka dib markii madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Farmaajo ka horyimid saldhiga milatari ee ay Somaliland ku yeelanayaan. Waxaanu si cad madaxweyne farmaajo u sheegay inuu dowladda Sacuudiga kale hadlay sidii ay Imaaraadka uga joojin lahaayeen inay magaalada Berbera saldhig milatari ka dhigtaan.