Gudoomiyaha ahna Murashaxa Xisbiga Kulmiye ayaa tacsi u diray Madaxda dhaqanka iyo qoyskii uu ka baxay Marxuum Sul Jaamac Cismaan Aadan oo dalka dibediisa ku dhintay maanta

0
301

XISBIGA MIDNIMADA IYO HORUMARKA JSL EE KULMIYE
04 March 2017
TACSI GUDDOOMIYE
 
IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN
 
Hargeysa(WSN)Guddoomiyaha xisbiga Midnimada iyo Horumarka Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha xisbiga Mudane, Muuse Biixi Cabdi oo ka wakiil ah hay’adaha xisbiga ee Guddiga Fulinta, Golaha Dhexe, garabyada xisbiga, laamaha gudaha iyo dibadda iyo guud ahaanba taageerayaasha xisbiga KULMIYE waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, qaraabada, bahda dhaqanka iyo guud ahaan shacabka Somaliland geerida ku timi Alle ha u naxariistee Marxuum Suldaan Jaamac Cismaan Aadan oo ku geeriyooday dalka Jabuuti maanta oo taariikhdu tahay 04/03/2017.

Marxuum Suldaan Jaamac Cismaan Aadan waxa uu ka mid ahaa madaxdhaqameedka reer Somaliland ee mar walba jecel ka shaqaynta nabadda iyo samaha bulshada dhexdeeda, waxaannu ahaa addoon afgaaban oo caanku ahaa in afkiisa iyo gacantiisaba laga nabadgalay.
Guddoomiyuhu waxa uu Marxuum Alle uga baryayaa inuu jannadiisa Firdowsa ka waraabiyo, qoyska, qaraabada iyo shacabkana Samir iyo Iimaan saadiq ah ka siiyo. Aamiin….Aamiin….Aamiin.

Xafiiska Warbaahinta ee xisbiga KULMIYE