Dugsiyada farsamada gacanta ee Burco iyo Cardif oo yeelan doona wada shaqayn‏ joogto ah iyo Qalab hor dhac ah oo ay u soo dirayaan Dugsiga Burco

0
385

Dugsiyada farsamada gacanta ee Burco iyo Cardif oo yeelan doona wada shaqayn‏ joogto ah iyo Qalab hor dhac ah oo ay u soo dirayaan Dugsiga Burco

Cardif (warsugannews)- Cardif ville College oo ah kuliyada farsamada gacanta ee ugu balaadhan gobolka Walse ayaa go’aansaday in uu deeq qalab farsamada gacanta lagu barto uu ugu deeqo dugsiga farsamada gacanta ee magaalada Burco, arrintaasi ayaa ka danbaysay xidhiidh in mudo ah soo socday oo xaga Somaliland uu hormaad ka ahaa Ambassador Cabdifataax Siciid Ahmed, ayaa maanta ka qayb galay furitaanka dugsi cusub oo uu yeeshay College-ka Cardif Vall Collage oo ah mid aad loo casriyeeyay oo ay ku baxday lacag ku dhow 60 Milyan oo doolar, waxa sidoo kale furitaankani ka soo qyb galay madax aad u faro badan oo ay ka midyihiin ilaa heer wasiiro iyo sidoo kale ganacsato iyo dad aqoonyahano ah.

Hadaba Ambassador Cabdifataax Siciid Axmed oo arintaasi ka hadlay ayaa sheegay in uu aad ugu farxsanyahay midho dhalka uu Collage-ka Cardif and Vall Colleg uu ku caawiyay dugsiga farsamada ee magaalada Burco, waxaana uu sheegay mudane Cabdifataax in qalabkani ay isugu jiraan noocyada kala gadisan ee farsamada gacanta ee uu dugsiga Burco u baahanyahay ama sii laban laabi doona ardayda dhigata ama dhigan doonta dugsiga farsamada ee magaalada Burco.

Wax kale oo labada dhinaca ee Farsamo ee Cardif iyo Burco yeelan doonaan xidhiidho joogto ah taasi oo halkaasi laga sii anabaqaadi doono wada shaqaynteeda.

Waxana lagu marti qaaday in madaxda collegeka Cardif and vall ay booqasho ku yimaadaan dugsiga farsmada gacanta ee magaalada Burco.

20151012_141936

11148315_935900099815712_2621637958227248887_n

10472091_935900419815680_9024933326813973043_n

1901271_935901186482270_1643523357495052459_n

12072772_935901023148953_3123876773298895082_n

12108226_935901356482253_2891696365859936701_n

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here