Hambalyada Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE Ee Curashadda Sannadka cusub ee Islaamka‏

0
383

War saxaafadeed
Ujeeddo: Hambalyada Sannadka cusub
Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu shacabka Jamhuuriyadda Somaliland iyo guud ahaan ummadda dunida muslimka ku hambalyeynayaa curashada sannadka cusub ee Islaamka ama hijriyada ee 1437 oo ku beegan taariikhda miilaadiga ee 14.10.2015.
Guddoomiyuhu waxa uu si gaar ah bogaadinayaa shacabka Somaliland bilowga sannadka cusub ee Islaamka oo maalin farxadeed iyo nasashaba u ah curashadiisa awgeed.
Ugu dambayn, waxa uu Ilaahay ka baryayaa inuu ina siiyo khayrka sannadka cusub, kiisa kalena innagu gaadhsiiyo barwaaqo, nabadgalyo iyo ictiraaf buuxa oo Somaliland ka hesho dunida kale.

ALLAA MAHAD LEH

Xoghayaha Guud ee xisbiga KULMIYE
Xasan Siciid Yuusuf

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here