DUUGAWGA DABEECADA : By Maxamuud Maxamed Axmed

0
508

DUUGAWGA DABEECADA : By Maxamuud Maxamed Axmed
Xidigii gadaal- socod dhac iyo kii gardaadsadaye
Gabal gaabtay iyo baan arkaa gaawa buuxsamaye
Gardarada quun-yara xaal aduun galinba waa cayne…
xaaji aadan af-qallooc…..February-22-16
w
axa la yidhi oday soomaaliyeed oo minyaraystay, oo in waxoogaa ah la dhuumanayay xaaskiisii labaad ee uu guursaday ayaa waxaa si kedis ah ugu soo baxday xaaskiisii hore oo aanu filaynba. Alla naxdin badanaa, odaygii oo yaab muruxsan oo intay talo ka haaday aan garanayn siduu wax u maareeyo; waxa isla markiiba shiid bilawday xaaskii min-waynada oo ileen waad garataaye aad u hinaastay. Odaygii maba xanaaqinee inta uu inyar aamusay uunbuu yidhi”xareedii duugawdoo, dalalaa jadiida.’’

Erayga duug marka afsoomaali ahaan loo noqdo wuxuu xambaarsanyahay macne dheer oo muujinaya ujeedadiisa, waase hayaan dheer oo kamada wada gayoobi karno macnaha balaadhan ee uu eraygu samaynayo. Balse hadii aan u soo noqdo ujeedadayda qoraalkan aan ka lahaa, erayga duug waxaan u isticmaalayay baali ahaan ama shay qadiimiyoobay.
Dunida manta oo tirada dadka kn nool lagu qiyaaso ilaa 7 billion oo qof waxa jira doonis daran oo loo qabo dhamaan khayraadka dabiiciga ee aduunyada. Waxay u muuqataa in tiknoolajiyada, xadaarada iyo ilbaxnimada oo sii korodhay hadana ay meesha jirto baqasho iyo cabsi wayn oo laga qabo saranseer ku iman doona khayraadkan.bal hadaynu mid mid u faaqidno lixda khayraad ee loogu isticmaalka badan yahay iyo mustabalkooda danbe, waxaynu arki karnaa in u hilawga oo batay darted ay aakhirkii keenayso af-go’ ku yimaada jiritaankooda.

1- Biyaha
Biyaha darayga(freshwater) ee manta laga heli karo aduunyada waxa lagu qiyaasaa inay 2.5% kaliya ay yihiin mugga guud ee biyaha yaala aduunyada, waxa lagu qiyaasaa ku dhawaad 35 million km3.laakiin marka la tixgaliyo 70% biyahan darayga ah maaha qaar u jira qaababka aadamuhu sida fudud u isticmaali karo, boqolkiiba todobaatankan waxay u samaysan yihiin hanaan barafadeed isugu jira mid dhalaali kara iyo midaan laga filanba. Waxaynu manta isticmaali karnaa 200,000 km3 oo biyo daray ah.hay’ada cunta iyo beeraha ee qaramada midoobay(Food and Agriculture Organisation of the United Nations) waxay saadaalinaysaa ku dhawaad 1.8 billion oo qof inay ku noolaan biyo la’aan gaw ah marka la gaadho sanadka 2025.

2-saliida caydhiin(oil)
Baqashada laga qabo in la waayo saliida shidaalka caydhiin maaha mid daah ka saran yahay dhamaan bulshawaynta caalamka. Hay’ada tamarta aduunka ee loo yaqaan (BP Statistical Review of World Energy) waxay ka warbixisay mugga kaydka shidaalka ee manta aduunyada laga heli karaa inuu ku dhawyahay( 188.8 million tonnes). Maadaama oo aynu ognahay in dhamaan hawl maalmeedka warshadaha caalamku uu ku tiirsanyahay korontada iyo shidaalka ma laga yaaba in aduunyadu manta u sii jirto sidan ay manta tahay?
Tani waa may, waxa la hilaadinayaa 46 sanno ka dib inay aduunyadu u cadilnaan doonto burburka ka iman doona dhamaadka saliida caydhiin.
3- gaasta dabiiciga ( natural gas)
Si la mid ah sida saliida caydhiin gaasta dabiiciga ah iyana waxay u muuqataa mid sii yaraanaysa. Marka la odoroso mustaqbalkeeda waxa la muujinayaa inay ku dhawaad 58.6 sano ka dib aanay ku siii waari saaxada aduunyada.

4- foosfooraska ( phosphorous)
Curiyaha foosfaras waxa lagu tiriyaa curiyaasha halbawlaha u ah korniinka dhirta, curiyahan sidoo kale waxa lagu tiriyaa nafaqeeyaasha ugu waawayn ee aynu beeraha u isticmaalno. Hadaba dhagax laga helo foosfaraska waxa kaliya si nadir ah looga helaa wadamo dhif dhif ah sida maraykanka, china iyo morocco. Maadaama oo isticmaalka xadhdaafka ah ee curiyahan uu muhiim u yahay nolasha aadamaha waxay culimada saynisku sadaalinayaan in gabi ahaanba 50 sano ilaa 100 sano ee soo socda la waayi doono curiyahan hadii aan la helin kaydad cusub oo laga heli karo curiyahan.
5- dhuxul dhagaxda (coal)

Dhuxul dhagaxdu waxay ahay laf dhabarta shidaalka la isticmaalo, tan iyo intii laga baxay casrigii mugdiga dhuxul dhagaxdu waxay ahayd shidaalka ugu qiimaha badan ee aadamuhu u isticmaali jiiray kafaynta baahiyahooga. Manta oo horumarka aduunyada uu wali sii socdo hadana lagama maarmin isticmaalkii dhuxul dhagaxda, wadamada china iyo kuwa iminka horumarayaa waxay si xawli u kordhiyeen isticmaalka dhuxul dhagaxda sidaas darted lagama yaabo 188 sano ka dib in aduunyadu wali baaqi ku sii noqoto isticmaalka dhuxul dhagaxda.
6- curiyaasha yaryar

Scandium iyo terbium waxay ka mid yihiin curiyaasha 17 noon ee aduunyada ka sii gudhaya. Labadan curiye iy 15 kalaba waxa loo isticmaalaa bir-labbaha awooda badan, muraaxadaha korontada lagaga dhaliyo dabaysha, mareegaha elektarooniga ee moobilada casriga ah. curiyaashan oo sidoodaba u yar hadana waxa uga sii dartay kaydadkooda guud oo 97% ku yaala wadanka china.