EL CLASICO: Saddex qodob oo ay libinta Real Madrid kula soo hooyan karto caawa

0
431

WAR SUGN OFFICE HARGESA}

Barcelona iyo Real Madrid waxa ay luqmaha iskula gali doonaan gegida Camp Nou maanta.

El Clasico, ma aha kulan si fudud lagu saadaaliyo, yeelkeede, saddexdan qodob ee aan hoos ku xusnay waxa ay muujinayaan sida ay wiilasha Zinadine Zideane ku soo badin karaan.

Guulo iyo Kalsooni

Marka laga yimaado in ay bar bar dhacyo taxane ah galeen bishii Sebtembar, haddana Madrid kaliya mar ayey simbiriiraxdeen waana bar bar dhicii lama filaanka ahaa ee ay la galeen Legia Warsaw.

Kulamo badan dhib ayey ka mareen in ay dhibcaha qaataan, waxaa laga xusi karaa oo mug leh guushii Madrid Derby, kalsoonidooda aad ayey u sarreysaa  halka niyadda ciyaryahanada ay heer sare tahay iyada oo u eg waayihii Carlo Ancelotti.

Safka aad ayey khaasatan ugu faraxsan yihiin tababarahooda, xitaa kuwa keydka fadhiya waxa ay u ololayaan in ay bandhigyo soo jiidasho leh sameeyaan, taas oo kaaf iyo kala dheeri ka dhigeysaa is bar bar dhiga Zidane iyo Rafa Benitez.

RONALDO:

Ogaal ka dhan, Real waxa ay haysataa Cristiano Ronaldo, wal0ow uusan u awood badneyn una xirfad fiicneyn sidii waa hore, waa dhaliyehooda ugu weyn ee ay isku haleyn karaan. Kartida uu u leeyahay joogidda booska saxda ah xilliga ku haboon ayaa micno weyn ugu fadhida. Maqnaanshaha Gareth Bale waa dhib laakiin Ronaldo waa diyaar xal in uu u helo arinkaas.

Cristiano markaa waa in uu la yimaadaa caddeymaha in uu yahay HAL DOORKA ugu weyn. Ma aha kaliya xifaaltanka kala dhexeeya Bale balse shaki ka saaridda kaalintiisa kooxda iyo dunida oo dhan.

HOREY AYAY U YIMAADEEN CAMP NOU WAYNA KU ADKAADEEN:

El Clasico xiisad,xumad iyo xamaasad kama dhammaadaan, balse Real hore wey u aragtay kana tallaabsatay.

Camp Nou waa goob naceyb badan tusta laakiin wey ka gudbi karaan iyaga oo natiijo u xaglisa ka keeni kara.

Haddii ay carada iska yareeyaan xiddigaha Madrid, gaar ahaan kuwa shaaftada daran sida Sergio Ramos, hubaal Los Blancos wey yeelan doontaa astaamaha ay guul ku soo hoyn karto.