Eric Cantona Oo Sheegay In Jose Mourinho Uu Yahay Kan Kaliya Ee Kooxda Manchester United Gaarsiin Kara Guulal Muhiim Ah

0
431
epa03601917 French former soccer player Eric Cantona attends the 53rd International Film Festival of Cartagena, Colombia, 26 February 2013. The festival runs until 27 February. EPA/RICARDO MALDONADO ROZO

Xidigii hore reer France iyo kooxda Manchester United Eric Cantona ayaa wuxuu garab istaagay macalinka reer Portugal iyo Kooxda Manchester United Jose Mourinho, isagoona xaqiijiyay inuu yahay macalinka kaliya ee kooxda tani guulal gaarsiin karo.

Eric Cantona ayaa wuxuu ku tilmaamay hoos u dhaca ku yimid kooxda Manchester United qaar ka mid ah kulamadii xili ciyaareedkan ay ka ciyaareen kaliya inay tahay bilaw , Manchester United  sidoo kale ay wali tahay koox weyn.

Xidigii hore kooxda Manchester United oo wareysi gaar ah siinayay wargeyska “Publico” ayaa wuxuu yiri:  “Jose Mourinho waa macalin wanaagsan, waana mid ku wanaagsan kooxda unitedka, wuxuuna haatan heystaa koox wanaagsan”.

Eric Cantona ayaa wuxuu dhanka kale ku tilmaamay in horyalka Premier League uu yahay kan ugu adag dunida, maadaama ay ku sugan yihiim kooxo waaweyn iyo waliba macalimiin wanaagsan sida Pep Guardiola macalinka kooxda Manchester City.

50 sano jirkan ayaa xusid mudan in xiligii uu ku sugnaa kooxda Manchester United uu kula guuleystay 4 jeer oo ah horyaalka Premier League.