RASMI: Chelsea Oo Heshiis La Gashay Shirkada Nike, Noqotayna Kooxda Labaad Ee Lacagta Ugu Qaalisan Ku Heli Doonta Maaliyad Sameynta.

0
480

Kooxda Chelsea ayaa ku dhawaaqday maanta inay heshiis la gaareen shirkada agabka Isboorti sameysa ee Nike, iyagoo shaaciyay inuu yahay heshiiskii ugu weynaa ee ay abid gashay kooxda.

Kooxda Chelsea ayaa la rumeysan yahay inay shirkada Nike la gashay heshiis ku kacaya 60 milyan ginni sannadkii oo shirkada ay ku sameyn doono maaliyadaha kooxda taasoo Blues ka caawin doonta inay kooxaha waa weyn kula tartamaan suuqa iibsiga.

Heshiiska cusub ee ay Chelsea ku dhawaaqday maanta inay la gashay shirkada Nike ayaa ah labo jibaarka lacagtii ay ka qaadan jireen shirkada Adidas oo Blues siin jirtay sannadkii 30 milyan ginni.

Sida Chelsea ayaa xaqiijisay shirkada Nike ayaa maaliyadaha u sameyn doonta kooxda Blues wixii ka bilowda xilli ciyaareedka soo socda ee 2017-18, iyadoo heshiiska ay haatan kula jiraan shirkada Jarmalka ee Adidas ay soo afmeerayaan dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Go’aanka ay Chelsea ku gaartay inay ku kala tagaan shirkada Adidas lix sanno ka hor inta uusan qandaraaskooda dhamaanin ayaa keeni doonta inay shirkada Jarmalka siiyaan 40 milyan ginni oo magdhow ah, laakiin heshiiska Nike ayaa u qalma inay Chelsea lacagta magadhowga ah bixiso.

Manchester United ayaa weli ah kooxda heysata heshiiska ugu qaalisan ee maaliyad sameynta Yurub iyagoo sannadkii 75 milyan ginni ka qaadanaya shirkada Adidas, laakiin Chelsea ayaa haatan noqoneysa kooxda labaad, laakiin ugu yaraan waa inta ay Real Madrid wadahadal heshiis cusub ah kala galeyso shirkada Adidas ama xitaa Nike.

Heshiiska Chelsea ay gaartay Nike waa labo jibaarka inta ay Arsenal ka qaadato shirkada Puma, waana ka badan seddex jibaarka inta ay Manchester CIty ka qaadato Nike, inkastoo heshiiska City uu dhacayo 2019 islamarkaana wadahadalo cusub ay ka geli doonto in lacagta loo kordhiyo.