Wax Ka Ogoow Liiska Kooxaha Dalka Spain Uu Cristiano Ronaldo Ka Dhaliyay Goolashii Ugu Badanaa,  Halkeysa Kaga Jirtaa Barcelona Liiskan, Xili Seville Iyo Getafe Ay Kaalmaha Hore Kaga Jiraan

0
352
epa05539740 Real Madrid's Portuguese striker Cristiano Ronaldo during the UEFA Champions League group stage match between Real Madrid and Sporting CP at Santiago Bernabeu Stadium in Madrid, Spain, 14 September 2016. EPA/JuanJo Martin

Cristiano Ronaldo oo ku jira shaqsiyaadka ugu cad cad sanadan ku guuleysiga Abaal marinta xidiga ugu wanaagsan dunida ee FIFA Ballon d’Or, ayaa wuxuu ka mid yahay xidigaha ugu wanaagsan Taariikhda kubada cagta aduunka, wuxuu u dhaliyay kooxdiisa Real Madrid tan iyo markii uu soo cagtay kooxda 261 gool,  354 kulan uu kasoo muuqaday, dhamaan tartamada oo idil.

Sidoo kale Cristiano Ronaldo ayaa inta uu ku sugnaa kooxdiisii hore ee Manchester United, wuxuu u dhaliyay 118 gool, kadib 291 kulan uu u saftay kooxdiisii hore dhamaan tartamada oo idil.
e
Hadaba Waebixintan waxaa diirada ku saari doonaa kooxaha ugu badan uu Cristiano Ronaldo goolasha ugu badan uu ka dhaliyay horyaalka La Liga ee dalka Spain, Xili Maantii shalay sidoo kale ay Shabakada GOOL24.NET ay idin soo gudbisay Kooxihii ugu badnaa Uu Lionel Messi Uu goolashii ugu badnaa uu ka dhaliyay.

1. Seville:

Si Lamid Ah Lionel Messi Cristiano Ronaldo ayaa isna ah kooxda ugu badan uu ka dhaliyay Goolashii ugu badanaa ee horyaalka La Liga ee dalka Spain wuxuuna ka dhaliyay 22 gool, 15 kulan uu kaga hor yimid safka kooxda Real Madrid.

2. Getafe:

Cristiano Ronaldo ayaa sidoo kale u suura gashay in Getafe oo iyadana ka mid ah kooxaha dalka Spain uu ka dhaliyo 20 gool, 12 kulan uu kaga hor yimid kooxdiisa Real Madrid.

3. Celta Vigo:

Cristiano Ronaldo ayaa si la mid ah ka dhaliyay kooxda Celta Vigo, goolal dhan 17 gool, 9 kulan uu kaga horyimid horyaalka dalka La Liga.

4. Athletic Bilbao:

Xidiga reer Portugal ayaa sidoo kale ka dhaliyay 16 gool kooxda Athletic Bilbao, 14 kulan uu wajahay kooxda tani ee reer Spain.

5. Barcelona:

Cristiano Ronaldo ayaa kaga hor yimid horyaalka La Liga ee dalka Spain kooxda uu dagaalka ba’an kala dhaxeeyo ee Barcelona 28 kulan, wuxuuna ka dhaliyay 16 gool.

6. Atletico Madrid:

Atletico Madrid oo sidoo kale ka mid ah kooxaha ugu waaweyn dalka Spain ayaa wuxuu Cristiano Ronaldo kahor yimid 25 kulan wuxuuna ka dhaliyay 15 gool.

7. Malaga:

Cristiano Ronaldo ayaa si la mid ah ka dhaliyay Malaga oo ka mid ah kooxaha dalka Spain 15 gool, 16 kulan uu ka hor yimid.

8. Espanyol:

Cristiano Ronaldo ayaa ka dhaliyay 15 gool kooxda Espanyol 14 kulan uu ka hor yimid kooxdan reer Spain dhamaan tartamada oo idil.

9. Levante:

Kabtanka reer Portugal ayaa ka dhaliyay 14 gool 13 kulan uu kaga hor yimid kooxda Levante, isaga qeyb ka ah kooxda Real Madrid.

10. Rayo Vallecano:

Cristiano Ronaldo ayaa 9 kulan uu la ciyaaray kooxda Rayo Vallecano, wuxuu kaga dhaliyay 12 gool.