ETHOPIA OO MUDDO KOOBAN U QABATAY KOOXDA SULDAAN WEBER & XOGAHA LAGA HELAY

0
363

ETHOPIA OO MUDDO KOOBAN U QABATAY KOOXDA SULDAAN WEBER & XOGAHA LAGA HELAY

Addis Ababa (Warsugannews):- Dowlada Itoobiya, ayaa la sheegay in ay markii u horeysay Digniin culus ujeedisay Jabhada Suldaan Wabar oo ku sugan Gudaha Dalkaasi kuwaas oo ay u qabatey mudo 24 saacadood ah in ay Ku Gudbin Doonto Hadii aaney isku Dhiibin Ciidamada Somaliland iyo Xukuumada.

Warar xogogaal ah oo la helay ayaa sheegaya in Gudaha Dalka Itoobiya khusuusana, Hogaamada Nabedgelyada Federaalka Itoobiya, ayaa la sheegay in ay amar galinkii dambe maanta fariin ugu gudbiyeen Jabhada Suldaan Wabar,kuwaas oo ay ku wargaliyeen in ay u qabanayaan mudo afar labaatan saacadood ah oo caawa ka bilaabmeysa in ay isu dhiibaan Ciidamada Somaliland hadii kalena ay talaabo ka qaadi doonaan,arintan ayaa ka dambeysa kadib markii ay Masuulyiinta Sare ee Xukuumada Somaliland xidhiidh la sameeyeen

Dowlada Federaalka Itoobiya dhacdadii weerarkii lagu qaadey Gudoomiyaha Gobolka Awdal kadib,taas oo wax looga iftiimiyay xogaha laga helay qaar kamid ah ragii howlaglkaas fuliyay oo gacanta lagu soo dhigay sidaa daraadeedna ay go,aan ka qaadatey Dowlada Itoobiya talaabada uga meel taala ee ay kaga jawaab celinayaan in Gudaha dalkaasi saldhigoodu yahay Wabar iyo kooxda Jabhadiisa.

Guud ahaanba Shacbiga Reer Awdal ayaa, isha ku haya halka ay biya dhigan doono amarka culus ee Dowlada Itoobiya ku wargalisey Jabhada Wabar iyadoo, inta badan ee Reer Awdal aanay cabsi sidaa u durugsan kasii qabin heerka ay gaadhsiisan tahay Waxyeelada Jabhada Wabar haseyeeshee, mudooyinkan dambe ku noqotey nabar boog ah oo xanuun joogto ah ku haya Sumacada Gobolka iyo Bulshadiisa, iyo Kaabayaasha dhinacyada Waxbarashada iyo Aqoonta iyo Amaanka fiican ee ay hore ugaga duwanaayeen Gobolada kale ee dalka Oo Jaamacada Camuud Hormuud u aheyd Jaamacadaha dalka balse, sawir khaldan hada kusoo kordhisey dareenkii iyo dhaqdhaqaaqii Awdal ugu bun tirsaneysay Gobolada Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here