EX WASIIR XIRSI: MAXAA LAGA DHEEHAN KARAA SOO DHAWAYNTII BAAXADA LEH EE REER BURCO ??? SIDEE AYAY UGA FAAIDAYSANKARAAN ISAGA IYO SAAXIIBADIISA AY ISKU ARAGTIDA YIHIIN????

0
396

EX WASIIR XIRSI: MAXAA LAGA DHEEHAN KARAA SOO DHAWAYNTII BAAXADA LEH EE REER BURCO ??? SIDEE AYAY UGA FAAIDAYSANKARAAN ISAGA IYO SAAXIIBADIISA AY ISKU ARAGTIDA YIHIIN????

Waxay ahayd soo dhawayn ayna reer Burco u kala hadhin..Waa niman siyaasiin ah oo aan dawlada imika xil ka ahayn. Waa niman xisbil xaakimka Kulmiye saloogay oo isbaahaysi garabkale ah samaystay. Iyadoo ay sidaa tahay ayaa haddana soo dhawayn aan loo kala hadhin. Waxa si wayn uga dhexmuuqday wasiirkii hore ee madaxtooyada Xirsi Ali X.Xasan. Arrintan ayaa si wayn u soo jiitatay indhaha dadwaynaha oo ay iska waydiinayaan su’aalo badan iyo falanqayn badan. Bal aynu faalaynu casharka ku duugan ee laga faaido karo.

Balse waa maxay fariinta ay soo dhawayntani u tilmaamayso bulshada reer Somaliland?

Waa marka hore e waxay ina tusinaysaa miisaanka iyo taageerada ay ku leeyihiin bulshada dhexdeeda ah. Sidoo kalena waa siyaasiin aan xilka uun lagu jeclayne balse leh arigti hogaamineed oo ay ku kasbadeen quluubta bulshada.

Sidoo kale waxa la odhan karaa waa niman ay soo arkaan waxqabadkoodii intii ay xilka hayeen oo ay waliba ugu wayntahay dhismaha wadooyinka ee uu horseedka ka ahaa X. Wasiir Xirsi Cali.

Sidaa darteed, waxa la is odhan karaa bulshadu waxay u arkaan in haddii ay noqon lahaayeen niman hanta madaxtinimada dalka in ay tan iyo tu ka waynba u horseedi lahaayeen bulshada reer Somaliland ee u haraadan horomarka dalka haddii ay tahay xaga caafimaadka, dhaqaalaha, waxbarashada iyo adeegyada kale bulshada.

Maxaa la gudboon garabka isbaahaysiga dimiqraadi doonka ee garabka Kulmiye? Arrintani fursad ma u tahay?…………

Dad badan ayaa qaba in haddii ay isku duubnaadeen miisaanka iyo mugoodana la tagaan xisbiyada kale ee mucaaradka in ay hanan doonaan doorashada madaxtinimo ee dalka.

Su’aalaha adage ee jawaabtoodu adagtayse waxay tahay:

Nimankii hore ugu sharaxnaa hogaaminta xisbiga kulmiye ee Samaale, Biixi Yoonis, iyo Kijaandhe wali tartankoodii musharaxnimo maka raadin doonaan haddii ay xisbi kale ku biiraan?

Haddii ay sidaa sameeyaan oo ay musharaxnimo kale saddexdan nin ay way adagtahay fursada ay ku hantaan hogaanka dalka?

Balse haddii ay markan ku tijaabiyaan saaxiibadooda kale sida Ex wasiir Xirsi oo kale oo ay bulsho badani ku taageersanyihiin kartidiisa sida tan Burco oo kale iyaguna lagarab taagnaadaan taageeradooda waxa ay dad badan leeyihiin waa ay guulaysan karaan. Waana fursada u banana. Shacabkuna waxay eegayaan siyaasada iyo xeelada ay u maraan hanashada hogaanka dalka si ay uga guulaystaan xisbiga KULMIYE ee ay kula midoobi kari waayeen aragtida hogaaminta madaxtinimo ee 2017ka.

Qore :Khadar Abdi Ibrahim(kh.sos)