GUDOOMIYAHA WAKAALADDA QURBA JOOGA Cabdi Cabdulaahi Hirsi OO SOCDAAL HAWLEED KU MARAYEY YURUB…

0
353

GUDOOMIYAHA WAKAALADDA QURBA JOOGA Cabdi Cabdulaahi Hirsi OO SOCDAAL HAWLEED KU MARAYEY YURUB…

HARGEYSA(WARSUGANNEWS)Gudoomiyaha Wakaaladda qurba jooga Cabdi Cabdulaahi Hirsi oo socdaal hawleed ku marayey Yurub oo kulama la soo yeeshay JAALIYADAHA SOMALILAND ee Denmark iyo Sweden ayaa kulamadiisi ka soo bilaabay Kopenhagen iyo Malmö oo ku taala dalka sweden ayaa soo gaadhay magalada Jönköping oo uu galabta oo bishu tahay 2015-11-27 la yeeshay kulan Jaaliyadda Somaliland ee Jönköping oo ay is dhaafsadeen warar iyo fekrado.

Gudoomiyaha Wakaalada Qurba jooga iyo Jaaliyada Somaliland ee Jönköping waxay isla garteen sidii waddanka Somaliland uu qurba joogu waxa uga qabsan lahaa oo u maalgalin ugu samaysan lahayeen dibna ay dalka ugula soo noqon lahayeen khibrad farasamo iy mid aqomeedba, ictiraafna dalka ugu radin lahayeen, Waxuunu Gudoomiyahu ku Booriyey in wadanku u baahan yahay iyana ay u baahan yahiin wadankooda, oo ay wadankooda laabta ku hayaan, ubadkoodana ku barbariyaan wadaniyadooda. Waxa kale oo ku baraarujiyey qurba jooga xoojinta midnimadooda, wadajirkooda iyo iskashigooda dhinaca ka qaybgalka dhismaha iyo hurumarka qorankooda, lana xoojiyo wada shaqaynta Gudiyada jaliyadaha iyo Wakaalada Qurbo jooga.

Waxuuna ku daray Gudoomiyahu in la dhiirigeliyo codka qurbajooga lana dhagaysto afkaartooda si looga faaiidaysto talooyinka ay bixinayaan ee ku aadan kobcinta doorkooda iyo guud ahaan hannaanka horumarineed ee wadanka.

In la ogaado, lana soo bandhigo caqabadaha ay Qurbajooggu kala kulmaan dadaalladooda maalgashi iyo horumarineed ee dalka ee dhinacyada sharciga, dhaqanka, bulshada, deegaanka, luuqadda, iwm.

Talo bixino badan oo ka timi Jaaliyada ayaa ay Gudoomiyaha isla afgarteen sidii wada jir loogu midoobi lahaa, oo ay ka mid tahay in Dhulka wax soo saar lagu sameeyo bada iyo berigaba lana maal gashado, waxay jaaliyada somaliland ee Jönköping aad uga heleen fekradahii iyo talooyinkii Gudomiyahu qudbadiisi ku jeediyey.

Source: Wasaaradda Arrimaha Dibadda & Iskaashiga Caalamiga ah JSL

27th Nov 2015

Wardy Bashe Elmi

Jönköping Sweden