FA-ga oo soo diiday racfaankii City ay ka qaadatay casaankii Fernandinho, imisa kulan ayuu maqnaan doonaa?FA-ga oo soo diiday racfaankii City ay ka qaadatay casaankii Fernandinho, imisa kulan ayuu maqnaan doonaa?

0
421

Kooxda Manchester City ayaa la kulmaysa dhabar jab wayn kadib markii la soo diiday racfaankii kooxdu ay ka qaadatay casaankii Fernandinho ee kulankii Burnley.

Garsoore Lee Mason ayaa casaan toos ah u taagay laacibka reer Brazil kadib markii uu qalad muuqda ku galay laacibka Burnley ee Johann Berg Gudmundsson.

Manchester City ayaana racfaan ka qaadatay casaankii lootaagay Fernandinho, balse FA-ga ingiriiska ayaa soo diiday racfaankii City ay ka qaadatay casaankii uu qaatay laacibkooda.

FA-ga ayaa sheegay in Fernandinho uu ka maqnaan doono City 4-kulan kadib markii uu qaatay casaankiisii labaad ee xiliciyaareed kan.

Ganaaxiisa ayaana ka bilaaban doona kulanka Man City ay u safrayso jimcaha kooxda West Ham United ee koobka FA Cup-ka