West Ham oo ku guulaysatay racfaankii ay ka qaadatay casaankii lootaagay Feghouli kulankii Man United

0
338

Kooxda West Ham United ayaa ku guulaysatay racfaankii ay ka qaadatay casaankii tooska ahaa ee loo taagay laacibkooda Sofiane Feghouli.

Xiddigaan ayaa laga saaray ciyaarta qaybteedii hore kadib markii uu qalad ku galay daafaca Manchester United ee Phil Jones.

Laakiin kooxda ayaa u aragtay casaankii uu bixiyay garsoore Mike Dean mid aan cadaalad ahayn taas oo ku keentay inay racfaan u gudbiyaan FA-ga ingiriiska.

Warbixin ka soo baxday FA-ga ayaa lagu sheegay in la aqbalay racfaankii kooxda West Ham, isla markaana Sofiane Feghouli uu ciyaari karo kulanka jimcaha West Ham ay marti qaadi doonto dhigeeda Man City koobka FA Cup-ka.

Sofiane Feghouli ayeey ahayd inuu maqnaado 3-kulan kadib markii uu qaatay casaan toos ah, balse FA-ga ayaa u arkay in laacibku uusan u qalmin casaankii la siiyay.