Faa’iidooyinka Timirta!
W/Q Weriye Muuse Xuseen Xasan
Timirtu waxay dhintaa Heerka Cholesterol-ka ee Dhiiga waxayna ka ilaalisaa Xiddidada Dhiigga qaada Qalafsanaanta sababtoo Geedka barakaysan ee timirta waa geed ka baxa dhulka kulaylaha ah gaar ahaan dhulka aanay ku samaysmeyn badi dalagyada kale ee la quutaa, dhulka ay timirtu ka baxdo waxa kale oo la yidhaa lama dagaan, waana dhul saxare ah oo cimilo ahaana aad u kulul.
Timirtu waxa ay leedahay faa’iido badan waxana ay caawisaa qaybo badan oo kamid ah jidhka aadamaha. Haddaba faa’iidooyinka iyo mucjisada uu koobsaday geedka timirtu maaha mid qoraal lagu soo koobi karo laakiin waxa aynu xusi doonaa waxyaahaba ugu caansan ee laga dhaxlo isticmaalka timirta.
Timirtu waxay dhintaa Heerka Cholesterol-ka ee Dhiiga waxayna ka ilaalisaa Xiddidada Dhiigga qaada Qalafsanaanta sababtoo waxaa ku jira Timirta Maadada loo yaqaano “Pectin”
Waxay ka hortagtaa kansarka xiidmaha, waxayna ka ilaalisaa Xanuunka Baabaasiirta, waxayna yaraysaa Dhagxanta ku dhasha Kaadi haysta, waxay sidoo kale fududaysaa Marxaladaha Uurka iyo Dhalmada iyo Dhiiga ka dambaya waxaana ku jira Fibres aad u wanaagsan iyo Sonkoro dhakhso u riiqma.
Waxay ka joojisaa in Ilkaha uu Suus galo, sababtoo ah waxa ku jirta Maadada “Fluoride”
Waxay ka ilaalisaa Jidhka Sumaha waayo waxaa ku jira Maadooyinka Sodium, Potassium iyo Vitamin C.
Waxay daawaysaa Dhiig la’aanta sababtoo ah waxa ku jira Maadooyinka Iron, Copper iyo Vitamin B2
Waxay daawaysaa Jil jileeca Lafaha oo waxa ku jira Maadooyinka Calcium, Phosphorus iyo Vitamin A
Waxay daawaysaa Appetite la’aanta, sababtane waa maadada Potassium-ka ee ku jirta.
Waxay daawaysaa Itaal darada guud ahaan iyo Wadna xanuunka oo waxa ku jirta Maadada Manganisium iyo Copper.
Waxa ku jira Maadada Salinium oo ka hortagta Cancer-ka sidaas darteed baan Dadka ku nool meelaha Beeraha Timirtu u aqoon Cancer-ka.
Waxa ku jirta Maadada daawaysa Itaal darada xagga Galmada
Waxaa ku jirta Maadada “Poron” oo daawaysa Rheumatism ka iyo Cancer-ka Maskaxda
Waxay daawaysaa Qalaylka Dubka iyo Indhaha Guruxooda waayo waxaa ku jirta Maadada Vitamin A
Waxay daawaysaa Xanuunada ku dhaca Mashiinka Cuntada riqa; waayo waxaa ku jira Maadada Vitamin B1
Waxay daawaysaa Timaha daata iyo Daalka Indhaha iyo Qalaylka Afka iyo Infection ka Bushimaha, taasi waxaa sahlaya Maadada Vitamin B2 oo ku jirta timirta.
Waxa ku jirta Maadada daawaysa Infection ka Dubka ama jidhka.
Waxay daawaysaa Dacarta Caloosha waayo waxa ku jira Maadooyinka Chlor, Sodium iyo Potassium.
Waxay daawaysaa Xanuunada Ciridka ku dhaca waxan laga helaa Vitamin C.
Geedka barakaysan ee Timirta lama soo koobi karo faa’iidooyinka laga helo waana geed cunto ahaan ka sokow dawo ahaan loo adeegsado isaga oo ka hortag u ah cuduro badan oo dadka asiiba. Diinteenuna waxa ay dhiirigelisay isticmaalka midhaha timirta isaga oo Nagibeenii suubanaa (N.N.K.H) laga soo wariyay in uu yidhi {ma gaajoodo cida ay Gurigooda taalo Timiri} waxana uu Xadiithkani cadaynayaa oo markhaati ka yahay ahmiyada ay leedahay Timirtu.
Timirtu waa cunnada ugu haboon ee lagu furo soonka caafimaad ahaan sababtoo ah waxay u roontahay dheefshiidka, waana cunnada sida tartiibka ah calooshu u shiido, waxaa intaa sii dheer inay dheecannada iyo fitamiinada jirka ku jiro ay isu dheelli tirto markuu qofka muddo gaajaysnaado, waxayna sare u qaadaa appetite-ka qofka iyadoo gaajada si dhakhso ah u yarayso, waxaa intaa sii dheer inay gaaska iyo aashitada caloosha ay ka ilaaliso inay dhaawac gaarsiiso dahaarka caloosha, sidaas awgeed waa in aan ku dadaalnaa in soonka aan ku afurnaa timir anagoo sunanda nabigeena suuban raacayno.
Wariye Muuse Xuseen Xasan
muusesaxafi@gmail.com
Hamuuntii Tahriibku Halkey Ku Danbaysay? Waxa Qoray Khaalid Bulshaawi.
Iyadoo Tahriibkii Sida Ba,an Saamaynta Ugu Yeeshay Umada Soomaaliyeed Uu Hada Yaraaday Ama Uu Hoos Uga Dhacay Xawaarihii Uu Ku Socday Muddo Sanado Ah Ayay Ahayd Markii Ay Tusbax Afka Laga Furay Noqotay Dhalinyarada Ka Ordaya Dalkooda Ee U Tahriibaya Dhul Shasheeye,Qaarad Kale Ama Dhul Ay Ku Nool Yihiin Bulsho Ay Kala Nolol Duwan Yihiin Oo Aanay Isku Diin Ahayn,Isku Dhaqan Ahayn Oo Aanay Waliba Isku Qaarad Ahayn.
Boqolaalka Qof Ee Ka Baqoolay Dhulkii Ay Ku Dhasheen Kuna Barbaareen Waxna Ku Barteen Waxa Ka Mid Ahaa Bulshada Soomaaliyeed Kuwaas Oo Ay Ugu Sii Badnaayeen Dhalinyarada Waliba Dhalinyaradaas Ayaa Usii Badnaa Kuwo Wax Bartay Oo Badankoodu Dhameeyay Dugsiga Sare Iyadoo Ay Ku Jireen Kuwo Jaamacado Dhameeyay Oo Ka Qalinjabiyay.Waxaase Xusid Mudan Inay Ku Jireen Kuwo Ay Nafi Wado
Oo Dagaalo Sokeeye Dalalkoodii Dhalan Rogeen Oo Ka Ordaya Colaadaha Ka Aloosan Dalkooda Sida Siiriya Iyo Kuwo La Mid Ah.
Iyadoo Tahriibkii Sida Ba,an Saamaynta Ugu Yeeshay Umada Soomaaliyeed Uu Hada Yaraaday Ama Uu Hoos Uga Dhacay Xawaarihii Uu Ku Socday Ayaynu Qoraalkan Kooban Ku Iftiimin Doonaa Sababaha Hoos U Dhigay Xawaarihii Tahriibka Iyo Caqabada Ay La Kulmeen Dhalinyaradii Soomaaliyeed Anigoo Qaybo Danbe Oo Qoraalkan Ah Soo Saari Doono Waxaan Imika Kusoo Koobaynaa Shan Qodob Oo Saamayn Ku Yeeshay Dhalinyaradii Soomaaliyeed Ee Tahriibay Iyo Caqabadaha Ay La Kulmeen.
1:Diintooda: Maadaama Soomaalidu Ay Yihiin Dad 100% Islaam Ah Kuna Adag Mawqifka Diintooda Way Adag Tahay In Ay Reer Galbeedku Ay Si Fudud Shaqo U Siyaan Maadaama Ay Jiraan Ururo Cunsiriyiin Ah Oo Si Adag Uga Soo Horjeeda Diinta Islaaamka Oo Dalalkaas Ka Jira.
2:Xirfad La,aan: Marka Soomaalida La Barbardhigo Bulshooyinka Kale Ee Qaxoontiga Ah Gaar Ahaan Kuwa Suriya U Dhashay Waxay Leeyihiin Xirfado Shaqo Oo Ay Ku Shaqaystaan Sida Dhismayaasha IWM Sidaas Darteed Wadamada Reer Galbeedku Waxay Aad U Daneeyaan Dad Ay Ka Faaiidaystaan Xirfadahooda Laakiin Soomaalidu Taas Kuma Guulaysan Maadaama Dhalinyarada Tahriibtay Ay U Badnaayeen Kuwo Heerka Aqoonta Maadiga Ah Darajo Sare Ka Joogay Inta Badana Reer Galbeedku Ma Jecla Qof Ay Dib Wax U Baraaan,
3:Tiro Badni: Dadka Afrikaanka Ah Ee Ay Soomaalidu Ka Mid Tahay Ayaa Aad Ugu Tiro Batay Wadamada Qaar Sida Talyaaniga Jarmalka Iyo Giriiga Iyadoo Taasi Caqabad Ku Noqotay Inay Helaan Hayaan Nololeed Oo Ay Ku Shaqaystaan Tusaale Ahaan Wiil Aanu Muddo Dheer Saaxiibo Ahayn Oo Soo Wada Barbaarnay Dugsigii Sarena Isku Arday Ahayn Fasalki Koowaad Ayaa Tahriibay Muddo Sanado Ka Hor Ah Hase Ahaatee Maalin Aan Sii Fogayn Ayaan Ogaaday Tahriibkiisa Maadaama Aanan Hore Warkiisa U Maqal,Markii Aanu Ku Kulanay Baraha Bulshada Ayaa Waydiiyay Xaalada Ay Ku Noolyihiin Iyo Kala Duwanaanshaha Hargeysa Iyo Dalka Garmalka Oo Uu Hada Joogo Wuxuuse Ii Sheegay Inuu Ka Qoomamaynayo Wakhtigii Ka Lumay Maadaamo Aanu Waxba Korodhsan Sanado Badan Oo Lasoo Dhaafay Oo Uu Kusoo Qaatay Xaaladaas Qaxoontinimo Wuxuuna Ii Sheegay Inay Aad U Kala Badan Yihiin Qarashkii Ku Baxay Tahriibtiisa Iyo Xadiga Kharashka Soo Gala Imika Oo Uu Sheegay Inaanay Ku Filnayn Nolol Maalmeedkiisa Iyadoo Waliba Dhinicii Qoyskuna Ay Ka Sugayaan Inuu Ku Filnaado.
4:Cadaadis La Saaray : Wadamada Ku Yaala Qaarada Yurub Ayaa Cadaadis Xoogan Saaray In Ay Si Fudud Usoo Galaan Tahriibayaashu Iyagoo Aad U Taageeray Wadamo Badan Oo Afrika Ku Yaala Inay joojiyan Qulqulka Tahriibka.
5: Magafayaashii Iyo Mukhalasiintii Dadka Tahriibin Jiray Oo Badankooda La Ogaaday Lana Raadinayo Ayaa Iyana Sababtay In Qulqulkii Tahriibku Yaraado Maadaamoo Ay Ka Baxeen Shaqooyinkii Dad Tahriibinta Isla Markaana Ay Door Bideen Inay Joojiyaan Shaqadaas Maadaamoo Ay Raadinayaan Badiba Hayadaha Amniga Ee Qaaradaas Ka Jira Iyagoo Kaashanaya Wadamada Ku Yaala Xariijinta Ay Maraan Tahriibayaashu.
Waxa Qoray Khaalid Cabdi Bulshaawi.
Khaalid.bulshaawi@gmail.com
Hargeysa/Somaliland