Gobolka Oromada Oo Lagu Gubay Wershad Sibidh Oo Uu Leeyahay Ninka Afrika Ugu Taajirsan

0
339

Gobolka Oromada Oo Lagu Gubay Wershad Sibidh Oo Uu Leeyahay Ninka Afrika Ugu Taajirsan
Hargeysa(WSN)Maamulka gobolka Oromada ee dalka Itoobiya ayaa sheegay in dibad baxayaasha ay weerareen shirkad sibidhka sameysa. Warshaddaasi waxaa iska leh nin u dhashay dalka Nigeria oo ah ninka ugu taajirsan Afrika, Aliko Dangote.
Waxaa goobta lagu gubay gawaari sida kuwa xamuulka qaada iyo mishiino. Waxay sidoo kale weerareen saldhig boolis, waxayna sii daayeen maxaabiis, iyagoo sidoo kale dab qabad siiyay gawaarida dowladda.
Taageerayaasha Oromada ee gobolkaasi oo dhan ayaa dibad baxaya, waxayna ka careysan yihiin tobanaan qof oo Axaddii halkaasi ku dhimatay.
Dadkaasi dhintay waxay ka qeyb galayeen munaasabad dhaqan oo rabshado isu badashay. Oromada, oo ah qowmiyadda ugu badan Itoobiya, waxay dhowr bilood wadaan isu soo bax ka dhan ah dowladda. Waxay ka andacoonayaan dhibaatooyiin siyaasadeed iyo faquuq dhanka dhaqaalaha ah.