Faallo: Gurmadkii Shinnida. Qalinkii: Ibraahim Qaasim

0
382

Faallo: Gurmadkii Shinnida. Qalinkii: Ibraahim Qaasim

Waxaan doorbiday in aan fikirkayga la wadaago asxaabtayda u tafaxeydatay badbaada shinida oo ah khayraad ku qaaliya duulka uu Eebe ku manaysto, mudana in laga faa’idaysto wax soo saarkeeda dabeeciga ah.

Dharaarihii ugu dambeeyey waxaa mareegaha iyo baraha bulshadeena haystay wacyigelin loogu magac daray “ololaha wacyi-gelinnta badbaada shinida”. ilaahay wuxuu inoo sheegay marka inaga oo bili’aadan ah aynu isku naxariisano in inagana samada laynooga naxariisanaayo, tusaalena waxaa inoogu filan gabdhii kabteeda ku waraabisay eygii haraadanaa ee ceelka ka cabi kari waayey,taas oo ku kasbatay inay jano ku gasho.

Shinidu waxay ka mid tahay noolaha xawayaanka kuwa ugu dabciga wanaagsan, uguna dulqaadka badan, isla markaana jecel wada jirka iyo wax wada qabsiga joogtada ah, waxaanay u shaqeeyaan koox koox iyo keli keli, laakin yoolkaada ugu weyni waa sidii ay wax soo saar midho dhal ah u gaadhi lahaayeen, waxaanay leeyihiin cid hogaamisa oo ah boqorka shinida, kaas oo looga dambeeyo hadba hadlkii uu geediga ku furo.

Fikirkan ololaha wacyigelinta badbaadinta shinnida oo uu bud-dhige u yahay Cabdishakuur Xaaji Maxamuud Muuse (Heersare), ayaa waxa kala qayb-qaatay kooxda sama wadayaasha ee ay ka midka yihiin Xamse Cumar Ku-joog, Huda Cali Banfas, Cumar Cali Xasan (Seerbiya), Xamse Cali Jeesto iyo Cabdiweli Maxamed Gaaxnuug, Mahdi Sheekhd Cabdi iyo Saynab Maxamed Cabdi waxaan ula baxay gurmadkii shinida.

Waxaan arkay oo aan maqlay inay shinidii meelaha ku dayacnayd ay daryeeleen, kuna guulaysteen inay gacanta u galiyaan cidii u ehelka ahayd, afkastaba hakula hadlaane. Wax kaleba ha joogaane shinidii koobka shaaha ah ku dhici jirtay ayey samatobixin u sameeyeen oo ay inoo soo bandhigeen.

Faa’ido kale oo aan la filayn ayaaba ka soo baxday waxaana dhaci karta in dad badani shaqo abuur ka samaystaan daryeelka shinida, kuwaas oo aan hore u heli jirin fursad ay ku helaan shini isku duubaan. Waxaan aad u bogaadinayaa gurmada shinida oo qabtay hawl aad loogu baahnaa. Ilaahayna waxaan uga baryayaa inuu badal khayr qaba ka siiyo, waayo Hargeysa iyo deegaano ka mid ah gobolada galbeedka Somaliland oo ay Gabiley ka mi tahay, dadkuba aad ayey arrintaas uga helaan. Halkaas ka sii wada, balankeenuna waa gurmadka shinida, in kasta oo aanan anigu afkeeda aqoon u lahayn.

Ibraahim Qaasim

Hargeysa-Somaliland

Qaasin05@hotmail.com

ibraahimqaasim@yahoo.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here