Madaxweyne Nooga Qaalisan (Wasiir Xirsi). Q-1aad. W/Q: Mubaarig Cabdi

0
496

Madaxweyne Nooga Qaalisan (Wasiir Xirsi). Q-1aad. W/Q: Mubaarig Cabdi

Mudane iyo marwo, waan idin salaamay, salaan ka bacdi aad ayaan ugu rajo weynahay in ilaahay inaga dhigo kuwii dambi dhaaf siiyo iyo kuwii uu ka badbaadiyo cadaabu naarka maalinta daran.

Intaa ka bacda Somaliland siyaasadeedu waxay noqotay mid iska gabi dhaclayn ah, waxay isku bedashay meel lagu muujiyo damac iyo hanka siyaasiga ah ee qof kasta oo doonaya inuu noqda hogaamiye beeleed ama hogaamiye guuto.

Wasiirkii madaxtooyada ee Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan oo dhawaan xilka ka degay ayaa noqday qofka ugu saamaynta badan golaha wasiirada ee dhawaan koox ka mid ahi is casishay, iyada oo umadu guud ahaan dareentay waxqabadka wasiir Xirsi Cali Xaaji Xassan.

Bulsho waynta ku dhaqan dalku niyad ahaan ayey u dareemeen in xukuumada Siilaanyo uu ka baxay tiir wayn oo garab u ahaa cidhifka bari, galbeedka Somaliland iyo badhtamaha dalka, wuxuu ilaahay awood u siiyey karti iyo daacadnimo inta aan ku arkay.

Qormada oo noqon doonta mid taxane ah, waxaan jeclaysatay in aan idinla wadaagto hawlihii adkaa ee wasiirku qabtay mudadii uu xilka hayey, aniga oo aan u eegin beel ahaan, sababta oo ah aniga iyo wasiirka dameerahayguba meel ma wada degaan, waxaanan taas afeef uga dhiganayaan si aan hadhw loo odhan waa isku qabiil.

Shacabka qaarkood waxay leeyihiin Xirsi anaga wuxuu nooga qaalisanaa madaxweyne, ujeedadu laakin maaha Siilaanyo ayuu ka qaalisan yahay. Waa intoo qormada labaad hadii Rabbi isku keen simo.
Mubaarig Cabdi
mubarigcabdi696@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here