Faallooyinka siyaasadda ee toddobaadkan barta Facebook Ibraahin hawd

0
517

Faallooyinka siyaasadda ee toddobaadkan barta Facebook Ibraahin hawd

1- Madaxnimada Axmed-Siilaanyo maxaa la gu xusuusan doonaa?
Bilawgiiba in uu ku guuldarraystay talada dalka in uu ku gaadho doorasho xalaal ah oo ku dhisan ”one man one vote”, dabadeed uu dib ugu noqday qabyaalad iyo gaashaanbuur qabiil, taas oo dhaawac weyn u geysatay dhaqanka siyaasadeed ee dalka iyo helista dawladnimo aan qabyaalad ahayn.
Kolkii uu kursiga ku fadhiistay in uu hawlgabay xilkii dalkana si dadban ugu wareejiyay dad aanay umaddu la ogayn oo la oggolayn, kuwaas oo dawladdii ka dhigay budhcadnimo iyo lacag urursi.
In uu adhaxda ka jabiyay geeddigii dimuqraadiyadaynta iyo doorashooyinka dalka, ogaanna u baajiyay wacadkii dastuuriga ahaa ee waajibanayay shantii sannadoodba dalka in la ga qabto doorasho madaxnimo, doorasho wakiillo iyo doorasho degaan.
In uu si buuxda oo aan dhawrsasho iyo xishood lahayn u fasaxay musuqmaasuqa dawladeed, qof wal oo xil hayana u oggolaaday in uu waxa uu doono sameeyo.
In uu mar wal oo uu dantiisa siyaasadeed oggolaansho u gu baahdo laaluusho golayaasha qaranka iyo odayada dhaqanka.
In uu si buuxda u baylihiyay kobcinta iyo horumarinta dhaqanka dawladnimada hawshaas oo baahi aad u weyn loo qabay.
In uu cabbudhiyay xorriyaddii siyaasadeed ee bulshada iyo codkii warbaahinta, oo xitaa mamnoocay xaqii dastuuriga ahaa ee dadweynuhu isu gu soo bixi lahaa si uu u muujiyo diidmadiisa ku saabsan siyaasadda aan qummanayn ee xukuumadda.
In qabyaaladda siyaasadeed ee ay ahayd in la la dagaallamaa ay xilligiisa aad iyo aad u xoogaysatay, oo awoodda dawladda la gu naaxiyay.
In muddadii uu xilka hayay ay si buuxda u curyaantay siyaasaddii arrimaha debeddu, xadhkihii maamulka Daahir Rayaale xidhay oo dhamina dib u wada furfurmeen.
Arrimahaas oo dhami in ay dhaceen la gu ma asturi doono Siilaanyo in uu gaboobay oo hawlgabay, waayo isaga iyo taageerayaashiisu waa ay diiddanaayeen in uu gaboobay oo hawlgabay.
2- Wasiirkii beri dhowayd la ga eryay Wasaaradda Maaliyadda Cabdicasiis Samaale wax uu meel uu ka galo la yahay dad ku eedaynaya in uu ka mid noqon waayay boqollaalkii qof ee soo dhoweeyay wasiir Maxamed Biixi markii uu Hargeysa ku soo noqday. Bal Ilaahay baan idinku dhaariyee caqliga Soomaalilaand yaalla u fiirsada! Wasiirka maxaa la ga soo dhoweynayaa? Dadka wax soo dhoweynayaa miyaanay iyagu shaqo lahayn, meeday dantoodii iyo hawshoodii?
Axmed-Siilaanyo maalinta uu tuulo ka soo noqdo waddooyinka Hargeysa oo dhan baa soo dhowayntiisa loo xidhaa. Dhaqanka caynkaas ahi laba xaqiiqo ayuu ina tusayaa. Ta hore waa in aan dalka la ga shaqayn ee soo dhoweyn iyo sii dhoweyn la gu maararoobo. Ta labaadna waa anshax xumo dawladnimada la geliyay oo ah in qofka masuulka ah la caabudo, isaguna umadda dulleysto, taas oo ah wax la gu yaqaanno dawladaha ay kelitalisnimada iyo is addoonsiga siyaasadeed ka jirto.
Soomaalilaand rag waaweyn baa marka ay nin madax ah ka hadlayaan is ka oohiya oo ninkaa ku salliya. Qaarkood ninka madaxda ah ee ay ammaanayaan wax ay ku sheegaan “qoodh” iyo “baarqab” taas oo caddaynaysa ninka hadlayaa isagu in uu isu arko dhufaan ama hal abasaxday. Halkaas bay ku dhimatay in madaxda la la xisaabtamo iyo in sharciga la ilaaliyo.
3- Kaa ma aragtaa?
Kee?
Kaa sida basar xumada ah u fadhiya?
Ma kaa fuudka cabbaya?
Haa, kaa fuudka cabbaya?
Hee?
Ma jecli sidiisaba. Wax baannu isu nahay laakiin ma jecli.
Haye?
Cisbitaalka ummulaha ayuu ka shaqeeyaa oo dawada dhiigga joojisa ayuu ka xadaa.
Waar maxaad tidhi?!
Sow ma aad maqal afar dumar ah oo bishan cisbitaalka ku ummul raacay?
Haa, ma cid aan maqlin baan jirta.
Dawadoodii waa kaa fuudka ku cabbaya.
Laa xawla walaa quwata illaa Billaah! Oo nin yahow maxaa loo xidhi waayay?
Maxaa loo xidhi waayay?! Oo yaa xidhaya dalkaba fuudyacabkaas oo miidhan baa ka taliyee. Kaa isaga la fadhiyana sow ma aragtid?
Haa, kaa caloosha weyn.
Isagana is ku reer baannu nahay. Wax uu ka shaqeeyaa Dawladda Hoose waaxda aaska iyo xabaalaha. Dhimashadii iyo aaskiiba lacag buu saaray, waxa ka soo baxana isaga ayaa qaata.
Innaa Lillaah wa innaa Ileyhi raajicuun! Waa waxa uu ku naaxay. Ummad dhan bay masuul ka yihiin haddana sidii ay fuud u cabbi lahaayeen bay ku wada mashquulsan yihiin.
Nin yahow intii aanay xilalkan qaban maxay ku noolaayeen?
Dee kollay waxan wax la mid ah.
Nin yahow anigu wax aan la yaabaa, dhaqankeenna iyo diinteennaba xatooyadu waa ku ceeb, haddana waa kuwan oo waa ay xalaashadeene, dhaqanka iyo diinta miyay ka baxeen?
Dee mooyidooda. Dhaqanka iyo diintaba fuudka ayaa ka la weyn.
Innaa Lillaah wa innaa Ileyhi raajicuun!
4- Muwaaddinka Soomaalilaand goor walba waxaa la maqashiiyaa erayga ”siyaasi” iyo ”dawlad”, se weligii ma maqlo kelmadda ”muwaaddin”. Ma jirto cid isu xilsaartay garansiinta muwaaddinka xaqiisa, xaqaas oo ay u gu horreyso yeelashada iyo lilaashiga xilka dalkiisa. Halkaa waxaa ku lumay waajib waddaniyadeed oo ay dawladdu lahayd, waajibkaas oo ah kobcinta wacyiga muwaaddinka.
Maanta muwaaddinka Soomaalilaand dalkiisa isagu ma laha, wax uu se addoon u yahay niman qudhoodu masaakiin ah oo siyaasiyiin isu dhigay kuwaas oo aad u fahmo liita
Soomaalilaand waqtiga yar ee soo socda waxaa majaraha dawladnimada qaban doona siyaasi fayow oo mustaqbal ummadeed rumaysan. Haddii ay sidaa noqon waydo, waxaa dhici doona kacdoon dadweyne oo la gu halaagsamo. Markaana ma jiri doono qof haysan doona waxa uu maanta haysto.
5- Maamul dawladeed oo sharci ah waxaa jirta awood dastuur iyo cudud bulsheed oo uu ka baqo oo qabata. Maamul dawladeed oo sharci ahi dembiga uu galo iyo maamul xumada uu sameeyo in la sheegaa wax bay beddeshaa, waayo waa xisaabtan sharciga la gu eego la guna xukumo. Haddaba maamulka maanta Soomaalilaand haysta, eed kasta oo loo jeediyo iyo dembi wal oo la gu ogaadaa maxay beddelaysaa haddii aan awood qabanaysaaba jirin? Maxay taraysaa muwaaddinku habeen iyo maalin in uu tilmaamo jariimadaha magaca dawladda la gu gelayo haddii aan awooddii xisaabtanka iyo dastuur la fulinayaa jirin? Dhab ahaantii maamulka Siilaanyo dhaqan ahaan muxuu ka ga duwan yahay kii Afweyne? Maxaa kaa hore loo la jihaaday kanna loo hoos joogaa? Labaduba sow budhcad sharcigii dawladnimada tuurtay ma aha?
6- Siyaasadi wax ay macno beeshay markii laga dhigtay shaqo lacageed iyada oo aan waxa laga shaqaynayo la rumaysnayn. Xamar waxaa ka buuxa niman reer waqooyi ah oo siyaasadda ka shaqaysta laakiin aan midnimada rumaysnayn. Hargeysa iyadana waxaa ka buuxa niman siyaasadda ka shaqaysta laakiin aan gooni isu taagga rumaysnayn. Nimankaa siyaasaddu uma aha mabda hirgelin uga baahan ama xil gudasho ka doonaya. Waa waji ka mid ah wajiyada badan ee guuldarrada siyaasadda soomaalida.

Ibraahin Yuusuf Axmed “Hawd”
ibraahinhawd@hotmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here