Wasaarada Duulista Somaliland Oo War Saxaafadeed ka Soo Saartay Wada hadalo Ku Saabsan Muranka Hawada Oo Maanta Turkiga ka Furmay

0
676

Wasaarada Duulista Somaliland Oo War Saxaafadeed ka Soo Saartay Wada hadalo Ku Saabsan Muranka Hawada Oo Maanta Turkiga ka Furmay

Warsaxaafadeed

DSCF5028
“ Waxa maanta Magaalada Ankara ee Caasimadda dalka Turkiga ka furmay shir rasmi ah oo ay isugu yimaadeen Wufuud ka kala socotay, dawladdaha Somaliland, Soomaaliya, Turkiga iyo xubno ka socday Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Maamulka Hawada ee ICAO, Shirkaasi oo ku saabsaanaa sidii xal waara looga gaadhi lahaa muranka ka taagan maamulka hawada Soomaaliya iyo Somaliland.

Shirkaasi oo saaka Subaxnimadii ka furmay Ankara ayey dhincaydu ku falanqeeyeen sidii loo fulin lahaa heshiisyadii hore looga gaadhay arrintaasi, iyo sidii labada dhinac u wada maamuli lahaayeen hawada.
DSCF5026

Shirka ayaa maanta ku soo dhamaaday falanqayn iyo doodo adag oo dhinacyadu ay is waydaarsadeen, iyada oo Bari-na uu sii socon doono. Wixii najiito ah ee ka soo baxana waxaanu u soo bandhigi doonaa shacabiga reer Somaliland iyo Saxaafadda Madaxbanaan.”
DSCF5027
Xubnaha Dawladda Somaliland.

1.Maxamuud Xaashi Cabdi, :Wasiirka Duulista iyo Hawada

2.Saciid Cabdi Maxamed : Wasiir ku xigeenka Duulista iyo Hawada

3.Saciid Mahdi Ileeye, : Agaasimaha Waaxda Duulista

4. Axmed Cumar Caga-dable, : La Taliye

Xubnaha Dawladda Soomaaliya

1.Cali Axmed Jaamac (Gangali) Wasiirka Duulista iyo Gaadiidka

2.Cabdiwaaxid Cumar : Agaasimaha Duulista

3.Maxamed Khaliif : La Taliye

4.Axmed Cabdiraxmaan :Sarkaal Hay’adda Duulista

Xubnaha Hawada ICAO

1.Ivan Galan : Agaasimaha xafiiska farsamada iyo iskuxidhka

2.Nancy Onyedim : Sarkaal ka tirsan Waaxda Hawl galinta

Dawladda Turkiga

1. Olgan Baker : Safiirka Turkiga ee Somaliland iyo Soomaaliya

2. Kareem Yilmaz : Xoghaya koowaad ee Wasaaradaa Arrimaha dibada

3. Hulusi Kilic : Agaasimaha bariga Afrika

4. Ahmed Riza Demirer : Ergayga gaarka ah ee wadahalada Somaliland iyo Soomaaliya

5. Seval Ince : Air Traffic Controller

ALLA MAHAD LEH.

Cumar-Sayid Cabdilaahi Aadan

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Duulista iyo Hawadda Somaliland

15/10/2015.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here