Ciyaaryahanadii Xulka Kubadda Cagta Ee Eritrea, Oo Diiday In Ay Dalkooda Ku Laabtaan Megangelyana Weydiistay Dalka Botswana

0
428

Ciyaaryahanadii Xulka Kubadda Cagta Ee Eritrea, Oo Diiday In Ay Dalkooda Ku Laabtaan Megangelyana Weydiistay Dalka Botswana

London(Warsugannews)- Ciyaaryahanadii xulka kubadda cagta ee dalka Eritrea, oo dalka Botswana, kaga qeyb galay tartanka is-reebreebka koobka adduunka ayaa lagu soo waramayaa in ay diideen in ay ku laabtaan dalkoodii hooyo, iyaga magangelyo weydiistay dalkaBotswana , iyaga oo sheegay in dalkooda aanay ka jirin amni la isku halayn karo.

Masuuliyiin ka tirsan xidhiidhka ciyaaraha ee dalka ayBotswanaaa sheegay in Toban ciyaartoy oo ka tirsan xulka kubadda cagta ee dalka , Eritrea, oo tartan kaga qeyb galay Botoswana, in ay diideen in ay raacaan diyaaradii loogu talo galay in ay dalkoodii ku celiso, iyaga oo ku dooday in marka ay dalkoodii ku noqdaan in lagu khasbayo in ay ciidamada galaan.

Safiirka dalka Eritrea, u fadhiya , oo Botswanawaday dadaalo isku dayay in uu ciyaartoygay kaga dhaadhicinayay in ay dalkooda ku noqdaan ayaa fashilmay.

Maaha markii u horaysay ee ciyaartoy ka tirsan dalka Eritrea, , ay magangelyo weydiistaan dalalka dibada, iyada oo sannadkii 2013-kii, ay 15 ciyaaryahan oo u dhashay dalka Eritrea, iyo dhakhtarkoodii oo tartan kaga qeyb galay dalka Uganda, ay magangelyo weydiisteen dalka Uganda. balse kumanaan qof oo dalkaa u dhashay ayaa dalkaa ka tahriibay iyaga oo sheegay in ay ka carareen xukun adag oo kali talisnimo ah oo dalkaa ka jira.
waa sida ay sheegtay http://www.bbc.com/news/world-africa-34534975#sthash.r9lhYX4y.dpuf oo aanu warkan ka soo xiganay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here