Mayor Xigeenka Caasimada Hargeysa Oo La Kulmay Hogaamiyaha Xisbiga Labour Party Jeremy Corbyn Iyo Mayorka Bristol

0
457

Mayor Xigeenka Caasimada Hargeysa Oo La Kulmay Hogaamiyaha Xisbiga Labour Party Jeremy Corbyn Iyo Mayorka Bristol.

LONDON:(Warsugannews) Mayor ku Xigeenka Caasimada Somaliland ee Hargeysa Xildhibaan Cabdcasiis Cagoweyne oo hawlo shaqo maanta yimi magaalada Bristol ayaa la kulmay Hogaamiyaha Xisbiga Shaqaalaha ee Labour Party Mudane Jeremy Corbyn oo isaga qudhiisu maanta Bristol booqasho ku yimi.

Waxaana uu Mayor ku xigeenku uga warramay taariikhda Shacbiga iyo Dalka Somaliland, isaga oo gacanta ka geliyay qoraalo xambaarsan taariikhda Somaliland. Mr. Jeremy ayaa dhankiisa sheegay inuu aad uga dharagsan yahay taariikhda Shacbiga iyo Dalka Somaliland. Waxa kale oo uu Mayor ku xigeenku la kulmay qoraalo muhiim ahna u dhiibay Mayorka magaalada Bristol ee doorashada ku yimaada Mudane George Ferguson.

Waxaana uu uga warramay taariikhda Somaliland iyo gaar ahaan Dawladaha Hoose. Waxa kale oo Mayor ku xigeenku uu la kulmay madax badan oo kala duwan sida madaxda Booliska Bristol iyo Siyaasiyiin kala duwan oo uu ka mid yahay Murashaxa Mayorka Bristol ee Xisbiga Shaqaalaha Mudane Marvin Rees. Kulankan qabsoomidiisa waxaa gacan weyn ka geystay oo aan aad ugu Mahadnaqayaa Xildhibaanad Hibaaq Jama oo ka tirsan golaha deegaanka ee Bristol.

16

24

33

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here