Fadlan maqaalkaas yar ee kooban soo baahiya

0
364

Fadlan maqaalkaas yar ee kooban soo baahiya.
……………………………………………………..

Shirka IGAD ee ka dhacay Soomaaliya waanu soo dhawaynaynaa, laakiin, marka xaqiiqada laga hadlo waxa uu ahaa Shir-ku-sheeg muddo gaaban socday oo ka dhacay garoonka diyaaradaha ee Adan Cadde. Ujeeddadiisuna ahayd in sawir aan jirin laga iibiyo warbaahinta adduunka, si mashaariicda ka socda ee dalal gaar ah u dan ah loo kordhiyo, laakiin, muu ahayn shir faa’iido u leh shacabka Soomaaliyeed.

Dhawr maalmood ka hor ayaa la joojiyay dhammaan isku socodkii magaalada Muqdisho xataa dadkii lugaynayay oo qaarkood aanay u suurto-gelin in ay guryahooda u hoydaan, sidoo kale, duulimaadyada cirka waa la xidhay. Waxa cir iyo dhulba la wareegay ciidamado ajaanib ah, xataa kuwa Soomaalida waa laga durkiyay meelaha shirku ka socday.
Iyada oo ay sidaas tahay, waxa la soo saaray War-murtiyeed ay ka mid ahaayeen in la ilaaliyo midnimada Soomaaliya. Madaxweynaha Somaliland-na wuu cambaareeyay, baraha bulshada iyo warbaahinta Soomaaliduna way buunbuuninayaan qodobkaas.

Waxa aan uga gol’leeyahay yaanay majaraha iyo geedi-socodka soo-jireenkeenna ah dhaawacin jalaafooyin ay maleegayso xukuumad magac-u-yaal ah oo sida uu doono ka yeelo Xasan Sh. Maxamuud oo iska daa ummad Soomaaliyeed ee xataa raggii la soo halgamay ee la bilaabay April 2011 xisbiga uu kursiga ku gaadhay ee PDP (Peace and Development Party) ama XISBIGA NABADDA & HORUMARINTA oo lagu dhisay dalka SUDAN cidlo kaga dhaqaaqay.
Dhabta marka laga hadlo dalalka IGAD ku bahoobay iyo dalal badan oo Africa ka tirsan dadka ku nool waxa ka nolol iyo xoriyad wanaagsan kuwa Somaliland ku nool.
Siyaasiyiinta iyo hal-doorka Somaliland waxa la gudboon in ay si furan u fekeraan oo u fahmaan siyaasadda gobolada iyo dalalka inagu hareeraysan (geopolitics) iyo luuqada lagu wada-hadlo, laakiin, waxa aad moodaa in lagu mashquulay dano gaar ah iyo is-xulafaysi inagu hoggaamin doonaa sida ay xukuumadda Soomaaliya iyo dalal kale inala damacsan yihiin.

Shaqada ugu weyn ee reer Somaliland u taalaa waa in loo tafa-xayto sidii dalka iyo dadka loo midayn lahaa oo tabashooyinka yaryar ee darafyada loo xallin lahaa, shuruucda iyo xeerarka aynu dhiganayna loo xaq-dhawri lahaa, mas’uuliyiin tayo lehna xafiisyada muhiimka ah ee dawladda gacanta loo gelin lahaa iyo sidii si daacadnimo ah loo hirgelin lahaa doorashooyinka foodda inagu soo haya oo aad moodo in mashruuc jiitama laga dhigayo, si doorashooyinka dib loogu dhigo.

Waad Mahadsan tihiin
Mustafe Adam
kibaaro@gmail.com