Fanaan Caan Ka Ahaa Dhulka Soomaalida Oo Geeriyooday

0
278

Allaha u naxariistee Cabdi Cali Baacalwaan oo ka mid ahaa fanaaniinta Soomaalida ee caanka ahaa ayaa ku geeriyooday dalka Jarmalka.

Cabdi Cali Baacalwaan ayaa ka mid ah fanaaniintii heesahooda aadka loo jecel yahaw waxana uu ku luqeeyay heeso iskugu jira kuwo wadani ah iyo kuwa jacaylka.

Allaha u naxariistee fanaanka Cabdi Cali Baacalwaan ayaa toddobaadyadii la soo dhaafay xanuunsanayay iyadoo uu haleelay cudurka Covid-19 oo dad badan ugu dhintey caalamka.

Allaha u naxariistee Cabdi Cali Baacalwaan ayaa ku dhashay magaalada Wardheer ee ismaamulka Soomaalida Ethiopia waxana uu ku biirey fanka sannadkii 1965-kii.

Sannadkan sii dhamaanaya 2020-ka ayaa waxaa geeriyooday fanaaniin caan ka ahaa dhulka Soomaalida, waxaana ugu dambeeyay fanaaniinta geeriyootay Seynab Xaaji Cali Baxsan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here