Jabuuti Oo Loo Igmaday Dhexdhexaadinta Soomaaliya Iyo Kenya

0
253

Jabuuti ayaa bilowday dadaallo ay isugu soo dhaweyneyso Dowladaha Somaliya iyo Kenya, oo xidhiidhkooda diblomaasiyadeed uu gaadhay halkii ugu hooseysay.

Jabuuti ayaa sheegtay in Urur Gobolleedka IGAD uu u wakiishay inay xal u raadiso xiisadda diblomaasiyadeed ee labada dowladood.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Jabuuti, Maxamuud Cali Yuusuf oo Warbaahinta kula hadlay Magaalada Djibouti ayaa sheegay in Jabuuti laga dalbaday xal u helidda xiisadda ku soo korodhay gobolka.

“Waxaan aaminsanahay in Jabuuti ay door ka ciyaarto nabadda iyo xasiloonida gobolka, shirkii ugu dambeeyay ee IGAD ee ka qabsoomay Jabuuti ayaana lagu go’aamiyay inaan sii wadno dejinta xiisadda ka taagan gobolka.” Ayuu yidhi Wasiirka.

Wasiirka ayaa sidoo kale yidhi “Khamiista waxaa dalka Jabuuti imaanaya wafti heer sare ah oo isugu jira Saraakiil ciidan iyo diblomaasiyiin, kuwaa ka imaan doona Soomaaliya.” Ayuu yidhi Wasiirka.

Isagoo ka hadlayay ujeedada socdaalka ee waftiga Soomaaliya ayaa waxa uu yidhi “Ujeedada socdaalka ayaa waxa uu ahaan doonnaa in la qiimeeyo xaaladda xuduudda Beled Xaawo iyo Mandhera, waana hawl ay u igmadeen Madaxda IGAD Jabuuti in ay ka shaqeyso hawlaha ama xiisadda ka taagan xadka Soomaaliya iyo Kenya.”

Xukuumadda Muqdisho ayaa 14-kii bishan xidhiidhkii diblomaasiyadeed u jartay Nairobi, ka dib markii ay ku eedeysay in fara-gelin ku hayso arrimaheeda gudaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here