Fanaaninta Xidigaha Geeska Ka Tirsanaa Oo Xabsiga Laga Sii Daayay + Qoraalka Maxkam

0
466

Fanaaninta Xidigaha Geeska Ka Tirsanaa Oo Xabsiga Laga Sii Daayay + Qoraalka Maxkamadda

Hargeysa, (Warsugannews) — Guddoomiyaha maxkamada gobolka ee Hargeysa Axmed Dalmar Ismaaciil, ayaa amar qoraal ah oo uu soo saaray maanta wuxuu go’aamiyay in xoriyadoodii loo soo celiyo fanaaniinta Nimcaan Cabdiraxman Xasan, Maxamed Axmed Bakaal, Cabdiraxman Caydiid Cabdi iyo Xamda Cabdi Queen.

Fanaaniinta ayaa boliisku ka qabteen gegida dayuuradaha ee Hargeysa iyagoo Axadii ka soo laabtay magaalada Muqdisho oo ay bandhig faneed ka soo dhigeen Ciidii.
Maxkamadu waxay ku amartay taliyaha qaybta boliiska ee dambi baadhista CID iyo taliyaha saldhiga dhexe ee booliiska ee Hargeysa inay isla maanta sii daayaan maxaabiistaasi afarta fanaan.

Maxkamadu waxay sheegtay booliisku inuu ilaa hadda ku guuldareystay inay maxkamada horkeenaan sabab sharci oo macquul ah oo ay uga baaqsadeen inay ku dalbadaan amar qabasho iyo inay keenaan xogaha dhacdada, sababta xadhiga iyo cadaymaha la helay oo faah-faahsan.

Qoraalka maxkamadda waxaa kaloo lagu sheegay in iyadoo maxkamadu ka duuleysa distoorka Somaliland qodobka 25-aad oo daamanad qaadaya xorriyaadka aasaasiga ah ee shakhsiyaadka ay reebantay inaan qofna xorriyadiisa looga qaadi karin si aan sharciga waafaqsaneyn.

Qoraalka maxkamadda ayaa u Dhigna Sidan

Qoraalka maxkamadda ayaa u Dhigna Sidan 1

Qoraalka maxkamadda ayaa u Dhigna Sidan 2

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here